{"id":7882,"date":"2012-06-29T13:27:28","date_gmt":"2012-06-29T13:27:28","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=7882"},"modified":"2012-06-29T13:27:28","modified_gmt":"2012-06-29T13:27:28","slug":"dhammaanshaha-kala-guurka-soomaaliya-waxay-fursad-u-tahay-wada-hadallada-iyo-habsami-u-socodkooda%e2%80%99%e2%80%8f","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2012\/06\/dhammaanshaha-kala-guurka-soomaaliya-waxay-fursad-u-tahay-wada-hadallada-iyo-habsami-u-socodkooda%e2%80%99%e2%80%8f\/","title":{"rendered":"Dhammaanshaha kala-guurka Soomaaliya, waxay fursad u tahay wada-hadallada iyo habsami-u-socodkooda\u2019\u200f"},"content":{"rendered":"<p><a class=\"highslide\" onclick=\"return vz.expand(this)\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2012\/06\/boobe4-294x3001.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-7891\" title=\"boobe4-294x300[1]\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2012\/06\/boobe4-294x3001.jpg\" alt=\"\" width=\"294\" height=\"300\" \/><\/a><br \/>\nWAKAALADDA WARARKA WARSOM.COM<\/p>\n<p>Wasiirka warfaafinta iyo wacyigelinta Somaliland Md. Cabdi Yuusuf Ducaale (Boobe) ayaa sheegay qodobadda Madaxweyneyaasha Somaliland iyo Soomaaliya ka wada hadlayaan. Kuwaasi oo uu tilmaamay inaanay waxba yeelaynin<br \/>\nmadax-banaanida Somaliland.<\/p>\n<p>Wasiirku wuxuu sidaasi ku sheegay war-saxaafadeed maanta soo saaray oo u dhignaa sidan:-<\/p>\n<p>&#8220;Intii u dhexeysay 20kii iyo 21kii Juun, 2012ka, ergooyin ka socday Jamhuuriyadda Somaliland iyo Dawladda Ku-meel-gaadhka ah ee Soomaaliya ayaa wada-hadallo ku yeeshay magaalada London, iyaga oo ka dhaqaaqayay ama fulinayayba war-murtiyeedkii ka soo baxay shirarkii London iyo Istanbuul.<\/p>\n<p>Labadaa war-murtiyeedba waxay ka hadlayeen in la taageero oo la taakuleeyo wada-hadallo dhex mara labada dhinac ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo Dawladda Ku-meel-gaadhka ah ama ciddii dhaxasha.. Wada-hadalladan waxa looga gol lahaa in laga caawiyo sidii ay u qeexi lahaayeen xidhiidhada ay mustaqbalka yeelanayaan. Ergada Jamhuuriyadda Somaliland waxa hoggaaminayay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha DIbadda ee Somaliland, waxaanay ka koobnayd shan xubnood.<\/p>\n<p>Kulankaa London ka dhacay waxa shiishka la saaray u-gogol-xaadhka wada-hadallada mustaqbalka iyo meelaha ay iska kaashan karaan Jamhuuriyadda Somaliland iyo Dawladda ku-meel-gaadhka ah ama cidda dhaxashaa. Shirkan London ee ugu danbeeyay wuxu ugu baaqay labada Madaxweyne ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo Dawladda ku-meel-gaadhka ah in ay sida ugu dhakhsaha badan u falanqeeyaan una eegaan horumarka laga gaadhay wada-hadalladan. Sidaa darteed ayuu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ugu boqoolay Dubai si ay u soo barakeeyaan war-murtiyeedkii ka soo baxay London ee wada-hadalladii ugu danbeeyay la is-kula meel dhigay.<\/p>\n<p>Iyada oo qayb ka ah nidarka loo gelayo nabad, deggenaansho iyo dimuqraadiyad ka hana-qaadda Geeska Afrika oo dhan, ergada Jamhuuriyadda Somaliland waxay caddeeyeen taageerada ay u hayaan muddada kala-guurka ah oo ka dhammaata dalka Soomaaliya. Taas macnaheedu ma aha in Jamhuuriyadda Somaliland qayb ka noqotay jilayaasha Soomaaliya ee \u2018Road Map-ka\u2019 wadaaga.<\/p>\n<p>Waxa keliya ee arrintan looga gol leeyahay waa in si dhakhso ah loo suuro-geliyo in dawlad sharciyeysani ka hana-qaaddo dalka aynu jaarka nahay ee Soomaaliya, waana mowqif aynu la wadaagno adduunweynaha oo la wada taageerayo, isla markaana dan u ah Jamhuuriyadda Somaliland. In xilliga kala-guurka ah ee Soomaaliya dhammaadaa, waxay tamar iyo taageeraba u tahay natiijo togan oo ka soo baxda wada-hadalladan. Dhammaanshaha xilliga kala-guurka ee Soomaaliya, waxay fursad la mahadiyo u tahay wada-hadallada iyo habsami-u-socodkooda.<\/p>\n<p>Khudbaddiisii 52-guuradii ka soo wareegtay madax-bannaanidii Somaliland ee 26kii Juun 1960kii iyo shirkii jaraa\u2019id ee uu lu qabtay madaarka Berbera 27kii Juun markii uu Dubai u ambo-baxayay, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo wuxu hadalkiisii ku dhaabadeeyay:<\/p>\n<p>&#8220;Madax-bannaanida Jamhuuriyadda Somaliland gor-gortan ma gelayso ka-noqoshana ma laha&#8221;.<br \/>\nXafiiska Warqabadka Warsom.com<br \/>\nBoorame,S\/Land<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>WAKAALADDA WARARKA WARSOM.COM Wasiirka warfaafinta iyo wacyigelinta Somaliland Md. Cabdi Yuusuf Ducaale (Boobe) ayaa sheegay qodobadda Madaxweyneyaasha Somaliland iyo Soomaaliya ka wada hadlayaan. Kuwaasi oo uu tilmaamay inaanay waxba yeelaynin madax-banaanida Somaliland. Wasiirku wuxuu sidaasi ku sheegay war-saxaafadeed maanta soo saaray oo u dhignaa sidan:- &#8220;Intii u dhexeysay 20kii iyo 21kii Juun, 2012ka, ergooyin ka [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":0,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3],"tags":[49],"class_list":["post-7882","post","type-post","status-publish","format-standard","hentry","category-wararka","tag-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/7882","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=7882"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/7882\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":7894,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/7882\/revisions\/7894"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=7882"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=7882"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=7882"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}