{"id":78764,"date":"2022-03-15T23:14:00","date_gmt":"2022-03-15T20:14:00","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=78764"},"modified":"2022-03-15T23:19:25","modified_gmt":"2022-03-15T20:19:25","slug":"xildhibaano-ka-tirsan-congress-ka-mareykanka-oo-maamulka-biden-ugu-baaqey-in-xidhiidh-adag-lala-yeesho-somaliland","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2022\/03\/xildhibaano-ka-tirsan-congress-ka-mareykanka-oo-maamulka-biden-ugu-baaqey-in-xidhiidh-adag-lala-yeesho-somaliland\/","title":{"rendered":"Xildhibaano Ka Tirsan Congress ka Mareykanka oo Maamulka Biden ugu baaqey in Xidhiidh Adag lala Yeesho Somaliland."},"content":{"rendered":"<div align=\"justify\">\n<p>9 xildhibaan oo ka tirsan Congresska Maraykanka garabka xisbiga Jamhuuriga, ayaa dowlada Maraykanka u gudbiyay, codsi ay ku doonayaan in dowladoodu xidhiidh dibulumaasiyadeed iyo wada shaqayneed ay la yeelato Somaliland.<\/p>\n<div class=\"inline-ad\">\n<div><\/div>\n<\/div>\n<p>&#8220;Waxaanu ku boorinaynaa maamulka madaxweyne Biden in uu xidhiidh qoto dheer Somaliland kala yeesho dibulumaasiyada, dhaqaalaha, iyo danaha amaanka,&#8221; ayaa lagu yidhi baaq ay si wada jira xildhibaanadani ugu gudbiyeen Xogeeyaha Arrimaha Dibbada Maraykanka Antony Blinken.<\/p>\n<\/div>\n<div align=\"justify\">Baaqan ayaa lagu sheegay in marka la eego istiraatijiyad ahaan halka ay Somaliland ku taalo, dimuquraadiyada ka jirta, xidhiidhka ay Taiwan la leedahay, dhaqaalaheeda kobcaya, in Somaliland lala kaashan karo adkaynta amniga gobolka isla markaana uu Maraykanku ka heli karo dano badan.<\/div>\n<div align=\"justify\"><\/div>\n<div align=\"justify\">\n<p>&#8220;Buqcada ay Somaliland kaga taalo Gacanka Cadmeed, taageeradeeda dimuquraadiyada, la dagaalanka budhcad badeeda iyo argagixisada oo lala kaashan karo, iyo khataraha kale ee abni ee gobolka, xidhiidhka ay la leedahay Taiwan iyo dhaqaalaheeda kobcaya, Maraykanku wuxuu ka heli karaa fursado badan la shaqaynta Somaliland&#8221;.Xildhibaanada ayaa sheegay in marka la eego daganaansha la&#8217;aanta ka jirta Geeska Afrika intiisa kale, dagaalada Itoobiya ka socda, Eriteria oo iyaduna ku lug yeelatay, Sudan oo maamulkii millateriga ahaa kusoo noqday, doorashooyinka dib u dhacay iyo daganaansha la&#8217;aanta siyaasadeed ee Soomaliya ka jirta, Alshabaab oo iyaduna wali ka dagaalamaysa, in loo baahanyahay in dowlada Maraykanku ay fikir keeda badasho.<\/p>\n<p>Waxay sheegeen in Somaliland 30 sanno ay gooni u taagnayd, oo ay nabadeeda iyo maamulkeeda dhaqaaleba gacanteeda ku maamulaysay, isla markaana ay la leedahay xidhiidho dibulumaasiyadeed iyo ganacsi waddamada gobolka, waxay xuseen in waddanka Itoobiya oo kale uu safaarad buuxda u dalacsiiyay xafiiskiisa Hargaysa, sidookalena ay waddamo carbeed iyo reer Yurub xafiisyo dibulumaasiyadeed ku leeyihiin.<\/p>\n<p>Waxay sheegeen in xidhiidh ay dowlada Maraykanku la samayso Somaliland uu ka hortagi karo, isbalaadhinta dowlada Shiinaha ee gobolka, waxayna sheegeen in saldhigii Maraykanka ee Jabuuti uu nuglaaday kadib markii uu Shiinuhu isna saldhig halkaa ku yeeshay.<\/p>\n<p>Waxayna ugu danbayntii dowlada Maraykanka usoo jeediyeen in ay qaado talaabooyin hor leh oo ay ku xoojinayso kuna taageerayso xidhiidhka Somaliland iyo Taiwan.<\/p>\n<p><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2022\/03\/beco.jpeg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-78721\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2022\/03\/beco-300x300.jpeg\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"300\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2022\/03\/beco-300x300.jpeg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2022\/03\/beco-150x150.jpeg 150w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2022\/03\/beco-420x420.jpeg 420w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2022\/03\/beco.jpeg 640w\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" \/><\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/syl.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-58055 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/syl.jpg\" alt=\"\" width=\"228\" height=\"221\" \/><\/a>\u00a0<a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58054 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-300x111.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-300x111.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-768x285.jpg 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-696x258.jpg 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell.jpg 850w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"111\" \/><\/a>\u00a0<a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58053 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-252x300.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 252px) 100vw, 252px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-252x300.jpg 252w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-353x420.jpg 353w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1.jpg 450w\" alt=\"\" width=\"252\" height=\"300\" \/><\/a>\u00a0<a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/hormuud-logo.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-58052 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/hormuud-logo.png\" alt=\"\" width=\"251\" height=\"201\" \/><\/a>\u00a0<a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58051 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj-300x38.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj-300x38.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj.jpg 468w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"38\" \/><\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58050 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-300x91.png\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-300x91.png 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-768x232.png 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1024x309.png 1024w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-696x210.png 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1392x420.png 1392w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1068x323.png 1068w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1391x420.png 1391w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom.png 1722w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"91\" \/><\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2021\/12\/bbuug.jpeg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-77094\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2021\/12\/bbuug-300x256.jpeg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2021\/12\/bbuug-300x256.jpeg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2021\/12\/bbuug-768x654.jpeg 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2021\/12\/bbuug-696x593.jpeg 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2021\/12\/bbuug-493x420.jpeg 493w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2021\/12\/bbuug.jpeg 925w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"256\" \/><\/a><\/p>\n<\/div>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>9 xildhibaan oo ka tirsan Congresska Maraykanka garabka xisbiga Jamhuuriga, ayaa dowlada Maraykanka u gudbiyay, codsi ay ku doonayaan in dowladoodu xidhiidh dibulumaasiyadeed iyo wada shaqayneed ay la yeelato Somaliland. &#8220;Waxaanu ku boorinaynaa maamulka madaxweyne Biden in uu xidhiidh qoto dheer Somaliland kala yeesho dibulumaasiyada, dhaqaalaha, iyo danaha amaanka,&#8221; ayaa lagu yidhi baaq ay si [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":78765,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3,36],"tags":[],"class_list":["post-78764","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka","category-wararka-caalamka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/78764","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=78764"}],"version-history":[{"count":4,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/78764\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":78770,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/78764\/revisions\/78770"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/78765"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=78764"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=78764"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=78764"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}