{"id":78357,"date":"2022-02-26T23:26:52","date_gmt":"2022-02-26T20:26:52","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=78357"},"modified":"2022-02-26T23:56:25","modified_gmt":"2022-02-26T20:56:25","slug":"warar-iyo-xogo-cusub-oo-kasoo-baxaya-duulaanka-uu-ruushku-ku-qaadey-dalka-ukraine","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2022\/02\/warar-iyo-xogo-cusub-oo-kasoo-baxaya-duulaanka-uu-ruushku-ku-qaadey-dalka-ukraine\/","title":{"rendered":"Warar iyo Xogo Cusub oo Kasoo baxaya Duulaanka uu Ruushku Ku Qaadey Dalka Ukraine."},"content":{"rendered":"<p>Ciidamada Ruushka ee ku sugan Ukraine, ayaa maalintii saddexaad oo xidhiidha duqayn aan kala joogsi lahayn ku haya magaalooyinka waa wayn ee Ukraine, xukuumada Ukraine na waxay sheegtay in ay dileen kumanaan askar Ruush ah.<\/p>\n<p>Inkasta oo galinkii danbe ee Jimcaha kaarayaasha Ruushka lagu arkay gudaha Kiev, hadana ciidamada difaaca caasimada ayaa iska caabiyay oo dib magaalada uga saaray, ciidamada Ruushka ayaana markale ku wajahan caasimada iyaga oo burburinaya dhamaan magaalooyinka ka sokeeya, sida uu ku warramay wariyaha Aljazeera ee Kiev.<\/p>\n<p>Wasaarada Gaashaan Dhiga ee Ukraine, ayaa iyaduna sheegtay in Ciidamada Badda ee Ruushku ay gantaalaha kuruuska kasoo ridayaan Badda Madow. Jasiirad halkan ku taala ayay Jimcihii ciidamada Ruushku ku dileen 30 askari oo reer Ukraine ah, kadib markii ay diideen in ay is dhiibaan, markab Ruush ah ayaa gantaal ku dhuftay.<\/p>\n<p>War kasoo baxay madaxtooyada Ukraine, ayaa lagu sheegay in ciidamada Ukraine ay dileen in ka badan 3,500 oo askar Ruush ah isla markaana ay gacanta ku dhigeen ku dhawaad 200 oo kale, inkasta oo anay jirin ilo madaxbannaan oo xaqiijinaya sheegashada xukuumada Kiev.<\/p>\n<p>Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy oo Facebook toos (Facebook live) kasoo galay afaafka hore ee qasriga madaxtooyada Ukraine, ayaa sheegay in ciidankiisu anay hubka dhigayn, isla markaana uu dagaalamayo.<\/p>\n<p>&#8220;Subax wanaagsan dadka reer Ukraine, waxaa jira warar badan oo been abuur ah, oo sheegaya in aan ciidankayga hubka ka dhigayo, oo aanu baxsanayno, i dhagaysta, halkan ayaan jooga, wax hub ah oo aanu dhigaynaa ma jirto, waanu difaacaynaa qarankeena, waayo hubkeenu waa runteena, runtaas oo ah in kani yahay waddan keeni iyo dhulkeenii, Ukraine ha barakowdo&#8221; ayuu yidhi madaxweyne Zelenskyy.<\/p>\n<p>Madaxweyne Zelenskyy waxa uu sheegay in uu filayo in ciidamada Ruushku ay saacadaha soo socda garaacis ku bilaabi doonaan magaalada uu ku suganyahay ee Kiev. Madaxweynaha ayaa diiday in uu ka tago magaalada caasimada ah, isaga oo ka gows adaygay dalab uu Maraykanku kaga codsaday in inta diyaarad losoo diro isaga iyo qoyskiisa laga qaado Kiev.<\/p>\n<p>Sida ay tabisay idaacada SKY News, Maraykanka, Ingiriiska iyo 27 waddan oo kale, ayaa isku raacay in dowlada Ukraine lasiiyo saanad millateri oo ay isku difaacdo, hubka ayaa iskugu jira gantaalada difaaca cirka iyo gantaalada difaaca kaarayaasha.<\/p>\n<p>Ciidamada Ukraine ayaa ku dagaalamaya magaalooyinka waa wayn iyaga oo dagaal dhiig bax ah kula jira ciidamada xooga badan ee Ruushka.<\/p>\n<div align=\"justify\"><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/beco.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone wp-image-57894 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/beco-300x156.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/beco-300x156.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/beco.jpg 578w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"156\" \/><\/a>\u00a0<a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/syl.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-58055 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/syl.jpg\" alt=\"\" width=\"228\" height=\"221\" \/><\/a>\u00a0<a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58054 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-300x111.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-300x111.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-768x285.jpg 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-696x258.jpg 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell.jpg 850w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"111\" \/><\/a>\u00a0<a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58053 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-252x300.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 252px) 100vw, 252px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-252x300.jpg 252w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-353x420.jpg 353w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1.jpg 450w\" alt=\"\" width=\"252\" height=\"300\" \/><\/a>\u00a0<a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/hormuud-logo.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-58052 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/hormuud-logo.png\" alt=\"\" width=\"251\" height=\"201\" \/><\/a>\u00a0<a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58051 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj-300x38.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj-300x38.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj.jpg 468w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"38\" \/><\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58050 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-300x91.png\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-300x91.png 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-768x232.png 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1024x309.png 1024w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-696x210.png 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1392x420.png 1392w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1068x323.png 1068w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1391x420.png 1391w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom.png 1722w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"91\" \/><\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2021\/12\/bbuug.jpeg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-77094\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2021\/12\/bbuug-300x256.jpeg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2021\/12\/bbuug-300x256.jpeg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2021\/12\/bbuug-768x654.jpeg 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2021\/12\/bbuug-696x593.jpeg 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2021\/12\/bbuug-493x420.jpeg 493w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2021\/12\/bbuug.jpeg 925w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"256\" \/><\/a><\/div>\n<div align=\"justify\"><\/div>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Ciidamada Ruushka ee ku sugan Ukraine, ayaa maalintii saddexaad oo xidhiidha duqayn aan kala joogsi lahayn ku haya magaalooyinka waa wayn ee Ukraine, xukuumada Ukraine na waxay sheegtay in ay dileen kumanaan askar Ruush ah. Inkasta oo galinkii danbe ee Jimcaha kaarayaasha Ruushka lagu arkay gudaha Kiev, hadana ciidamada difaaca caasimada ayaa iska caabiyay oo [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":78358,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3,36],"tags":[],"class_list":["post-78357","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka","category-wararka-caalamka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/78357","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=78357"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/78357\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":78370,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/78357\/revisions\/78370"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/78358"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=78357"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=78357"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=78357"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}