{"id":78317,"date":"2022-02-25T22:20:08","date_gmt":"2022-02-25T19:20:08","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=78317"},"modified":"2022-02-25T23:25:31","modified_gmt":"2022-02-25T20:25:31","slug":"golaha-wadatashiga-qaranka-soomaaliya-oo-bedelay-jadwelka-soo-gaban-gabeynta-doorashada-dadban","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2022\/02\/golaha-wadatashiga-qaranka-soomaaliya-oo-bedelay-jadwelka-soo-gaban-gabeynta-doorashada-dadban\/","title":{"rendered":"Golaha Wadatashiga Qaranka Soomaaliya oo Bedelay Jadwelka Soo Gaban Gabeynta Doorashada Dadban."},"content":{"rendered":"<p>Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa xalay habka fogaan aragga (ZOOM) ku yeeshay shir ay uga arrinsanayeen dhameystirka doorashada kuraasta dhimman ee Golaha Shacabka BFS, maadaama waqtigii horay loogu heshiiyey in lagu dhameystiro doorashooyinka ku eg yahay 25ka Feberaayo 2022.<\/p>\n<p>Kulanka oo uu shir guddoominayay Ra\u2019iisul Wasaare Maxamed Xuseem Rooble ayaa Golaha Wadatashiga Qaranku uga hadleen xaaladda doorashada, xal u helis doorashada Garbahaarrey iyo xaaladda abaaraha ee dalka ka taagan.<\/p>\n<p>Golaha ayaa bogaadiyay horumarka laga sameeyay habsami u socodka doorashada, iyadoo ilaa hadda la soo doortay dhammaan 54-ta xubnood ee Golaha Aqalka Sare iyo 175 xildhibaan oo ka mid ah xubnaha Golaha Shacabka, taas o u dhiganta 71% tirada guud ee xildhibaannada labada aqal.<\/p>\n<p><b>Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa dood iyo falanqeyn ka dib waxay isku raaceen qodobadan hoos ku xusan:-<\/b><\/p>\n<p><b>1<\/b>&#8211; In doorashada dhammaan kuraasta harsan ee Golaha Shacabka lagu soo gabagabeeyo ugu dambeyn 15 Maarso 2022<\/p>\n<p><b>2<\/b>&#8211; Goluhu waxa uu isla qaatay in Ra\u2019iisul Wasaaraha oo la tashanaya madaxweynaha Dowlad-goboleedka Jubaland uu u diro guddi soo qiimeeya xaaladda deegaan doorashada labaad ee Jubaland ee Garbahaarreey, kaas oo ka kooban Xafiiska Ra\u2019iisul Wasaaraha iyo Guddiyada doorashooyinka, si uu uga soo talo bixiyo habka ugu suuro galsan ee doorashadaasi ku qabsoomi karto.<\/p>\n<p><b>3<\/b>&#8211; Goluhu waxa uu xoojiyay muhiimadda ay leedahay ilaalinta qoondada haweenka ee 30%.<\/p>\n<p><b>4<\/b>&#8211; Goluhu waxa uu waalaac iyo qeylo dhaan ka muujiyay xaaladda ka sii dareysa ee abaarta dalka ka taagan, waxa uuna Shacabka Soomaaliyeed iyo beesha caalamka ka codsaday in la kordhiyo gurmadka loo fidinayo dadka Soomaaliyeed ee abaartu saameysay.<\/p>\n<p><b>5<\/b>&#8211; Goluhu waxa uu Shacabka Soomaaliyeed uga mahadcelinayaa dulqaadka iyo sida uu u garab istaagay qabsoomidda doorashada.<\/p>\n<p><b>6<\/b>&#8211; Golaha Wadatashiga Qaranku waxa uu bogaadinayaa doorka iyo tageerada Beesha Caalamka oo lagama maarmaan u ah dhameystirka.<\/p>\n<p><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/beco.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone wp-image-57894 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/beco-300x156.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/beco-300x156.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/beco.jpg 578w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"156\" \/><\/a>\u00a0<a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/syl.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-58055 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/syl.jpg\" alt=\"\" width=\"228\" height=\"221\" \/><\/a>\u00a0<a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58054 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-300x111.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-300x111.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-768x285.jpg 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-696x258.jpg 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell.jpg 850w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"111\" \/><\/a>\u00a0<a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58053 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-252x300.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 252px) 100vw, 252px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-252x300.jpg 252w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-353x420.jpg 353w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1.jpg 450w\" alt=\"\" width=\"252\" height=\"300\" \/><\/a>\u00a0<a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/hormuud-logo.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-58052 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/hormuud-logo.png\" alt=\"\" width=\"251\" height=\"201\" \/><\/a>\u00a0<a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58051 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj-300x38.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj-300x38.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj.jpg 468w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"38\" \/><\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58050 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-300x91.png\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-300x91.png 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-768x232.png 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1024x309.png 1024w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-696x210.png 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1392x420.png 1392w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1068x323.png 1068w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1391x420.png 1391w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom.png 1722w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"91\" \/><\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2021\/12\/bbuug.jpeg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-77094\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2021\/12\/bbuug-300x256.jpeg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2021\/12\/bbuug-300x256.jpeg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2021\/12\/bbuug-768x654.jpeg 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2021\/12\/bbuug-696x593.jpeg 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2021\/12\/bbuug-493x420.jpeg 493w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2021\/12\/bbuug.jpeg 925w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"256\" \/><\/a><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa xalay habka fogaan aragga (ZOOM) ku yeeshay shir ay uga arrinsanayeen dhameystirka doorashada kuraasta dhimman ee Golaha Shacabka BFS, maadaama waqtigii horay loogu heshiiyey in lagu dhameystiro doorashooyinka ku eg yahay 25ka Feberaayo 2022. Kulanka oo uu shir guddoominayay Ra\u2019iisul Wasaare Maxamed Xuseem Rooble ayaa Golaha Wadatashiga Qaranku uga hadleen xaaladda [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":78318,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3],"tags":[],"class_list":["post-78317","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/78317","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=78317"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/78317\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":78342,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/78317\/revisions\/78342"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/78318"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=78317"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=78317"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=78317"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}