{"id":7741,"date":"2012-06-23T10:57:16","date_gmt":"2012-06-23T10:57:16","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=7741"},"modified":"2012-06-23T13:07:20","modified_gmt":"2012-06-23T13:07:20","slug":"maamulka-degmada-afmadow-oo-ka-deeriyay-xaaladda-ay-ku-sugan-dadka-deegaanka-ku-ah-afmadow","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2012\/06\/maamulka-degmada-afmadow-oo-ka-deeriyay-xaaladda-ay-ku-sugan-dadka-deegaanka-ku-ah-afmadow\/","title":{"rendered":"Maamulka Degmada Afmadow oo Ka Deeriyay Xaaladda Ay Ku sugan Dadka Deegaanka ku ah Afmadow"},"content":{"rendered":"<p><a class=\"highslide\" onclick=\"return vz.expand(this)\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2012\/06\/jaamacadda1.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2012\/06\/jaamacadda1-300x151.jpg\" alt=\"\" title=\"jaamacadda1\" width=\"300\" height=\"151\" class=\"alignnone size-medium wp-image-7746\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2012\/06\/jaamacadda1-300x151.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2012\/06\/jaamacadda1.jpg 646w\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" \/><\/a><br \/>\n<strong>WAKAALADDA WARARKA WARSOM.COM<\/strong><strong><\/p>\n<p>Maamulka Degmada Afmadow ee gobolka Jubada  Hoose ayaa ka deyriyay xaaladda ay ku noolyihiin boqollaal qoys oo  danyar ah, kuwaasoo degan magaalada Afmadow.<\/p>\n<p>Gudoomiyaha maamulka Afmadow C\/xakiim Cumar Xaaji oo warbaahinta la  hadlay ayaa sheegay in xaaladda qoysaska barakacayaasha ee ku nool  Afmadow ay tahay mid aad u liidato, islamarkaasina ay qoysaskaasi u  baahanyihiin in lala soo gaaro kaalmo bniaadanimo oo deg deg ah.<\/p>\n<p>Masuulkani ayaa ugu baaqay hay&#8217;adaha samafalka in ay sida ugu  dhaqsaha badan ugu soo gurmadaan dadka ku dhibaateeysan Afmadow,  isagoona xusay in ay damaanad qaadayaan ammaanka hay&#8217;adahaasi.<\/p>\n<p>Degmada Afmadow oo ay dhawaan gacanta ku dhigeen ciidamada dowladda  KMG, ururka Raaskaambooni iyo Militariga Kenya oo iskaashanaya ayaa waxa  ku nool qoysas danyar ah oo ay saameeyeen abaarihii ku dhuftay dalka,  iyo weliba dagaalladii ba&#8217;naa ee gobolka ku dhexmaray ciidamada huwanta  ah iyo Al-shabaab, waxayna qoysaskani u badanyihiin haween, carruur iyo  weliba dad da&#8217; ah.<\/p>\n<p>Xaaladaha nolol xumo ee ka jira degmada Afmadow kasokow waxaa jirto  dhibaatooyin caafimaad darro ah oo heysta dadka ku dhaqan degmadaasi,  waxaana lagu soo waramayaa in ay magaaladaasi ka jiraan cudurro u badan  kuwa ka dhasha nafaqo darrida oo lasoo darsay dadka danyarta ah ee ku  dhaqan degmadaasi.<\/p>\n<p>Xoogagga Al-shabaab oo iyagu sanado badan gacanta ku hayay degmada  Afmadow ayaa hore waxa ay gobolka Jubada Hoose uga ceyriyeen hay&#8217;adihii  samafalka ee ka howlgeli jiray, kadib awaamiir ka dhan ah hay&#8217;adaha  samafalka oo kasoo baxday maamulka guud ee xarakada Al-shabaab.<br \/>\n<\/strong><strong><br \/>\nXafiiska Warqabadka Warsom.com<br \/>\nMuqdisho,Somaliya.<\/strong><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>WAKAALADDA WARARKA WARSOM.COM Maamulka Degmada Afmadow ee gobolka Jubada Hoose ayaa ka deyriyay xaaladda ay ku noolyihiin boqollaal qoys oo danyar ah, kuwaasoo degan magaalada Afmadow. Gudoomiyaha maamulka Afmadow C\/xakiim Cumar Xaaji oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in xaaladda qoysaska barakacayaasha ee ku nool Afmadow ay tahay mid aad u liidato, islamarkaasina ay qoysaskaasi [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":0,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3],"tags":[49],"class_list":["post-7741","post","type-post","status-publish","format-standard","hentry","category-wararka","tag-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/7741","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=7741"}],"version-history":[{"count":3,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/7741\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":7747,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/7741\/revisions\/7747"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=7741"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=7741"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=7741"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}