{"id":7712,"date":"2012-06-23T12:21:29","date_gmt":"2012-06-23T12:21:29","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=7712"},"modified":"2012-06-23T12:37:09","modified_gmt":"2012-06-23T12:37:09","slug":"dowlada-dalka-itoobiya-oo-sheegtay-in-ciidamadooda-ka-bixi-doonin-soomaaliya","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2012\/06\/dowlada-dalka-itoobiya-oo-sheegtay-in-ciidamadooda-ka-bixi-doonin-soomaaliya\/","title":{"rendered":"Dowlada Dalka Itoobiya oo Sheegtay in Ciidamadooda Ka Bixi Doonin Soomaaliya."},"content":{"rendered":"<p><a class=\"highslide\" onclick=\"return vz.expand(this)\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2012\/06\/images.jpeg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2012\/06\/images.jpeg\" alt=\"\" title=\"images\" width=\"240\" height=\"160\" class=\"alignnone size-full wp-image-7719\" \/><\/a><\/p>\n<p><strong>WAKAALADDA WARARKA WARSOM.COM<\/strong><\/p>\n<p>Dowladda Dalka Itoobiya ayaa sheegtay inay ciidamadeedu kusii sugnaanayaan Soomaaliya inta laga meel-marinayo dastuurka lagana dhisayo ciidammo milateri ah oo iska difaaci kara weerarrada kaga imaanaya Xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab.<\/p>\n<p>Xukuumadda Addis Ababa ayaa waxay sannadkii hore Soomaaliya u soo dirtay askar fara badan oo gacan ka siinaya ciidamada dowladda dagaallada ay kula jiraan Xarakada MujaahidiintaAl-shabaab. Iyadoo saraakiisha Itoobiya ay sheegeen in ciidamadoodu ay ka baxayaan Soomaaliya marka ay ka adkaadaan xoogagga Islaamiyiinta ah.<\/p>\n<p>&#8220;Ciidamada Itoobiya waxay ku sii sugnaan doonaan Soomaaliya, inta laga dhisayo dowlad awood leh oo iska caabin karta Al-shabaab,&#8221; ayuu yiri afhayeenka dowladda Itoobiya, Shimeles Kemal oo wariyeyaasha kula hadlayay Addis Ababa Jimcihii shalay.<\/p>\n<p>&#8220;Ma jiro qorshe aan xilligan ku doonayno in ciidamadeenna aan kaga soo daad-gureyno Soomaaliya illaa inta laga hirgelinayo dastuurka lagana adkaanayo kooxaha dowladda ka horjeeda,&#8221; ayuu hadalkiisa raaciyay.<\/p>\n<p>Dastuurka ayaa lagu wadaa in bisha soo socda la meel-mariyo, iyadoo sidoo kalena uu xilliga dowladda ku eg-yahay bisha Ogoosto ee sannadkan, iyadoo xilligaas wixii ka dambeeya la dhiso doono dowlad joogto ah.<\/p>\n<p>Ciidamada Itoobiya ee ku sugan Soomaaliya waxay xoogagga Xarakada mujaahidiinta Al-shabaab ka qabsadeen degmooyinka Baydhabo, Baladweyne iyo goobo kale oo ay Al-shabaab awood badan ku lahayd.<\/p>\n<p>Bishii May ee sannadkan ayaa waxay markii ugu horreysay ciidamada AMISOM oo caawinaya kuwa DKMG ah kala wareegeen Xarakada Al-shabaab degmada Afgooye oo 30-km dhinaca waqooyi-galbeed kaga beegan caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho iyo deegaannada u dhexeeya Muqdisho iyo Afgooye.<\/p>\n<p>Sidoo kale, bishii lasoo dhaafay ciidamada Kenya iyo kuwa DKMG ah oo dagaal kula jira Ciidamada Mujaahidinta Al-shabaab ayaa waxay iyaguna gacanta ku dhigeen degmada Afmadow oo ka tirsan gobolka Jubbada hoose.<\/p>\n<p><strong>Xafiiska Warqabadka Warsom.com<br \/>\nMuqdisho,Somaliya.<\/strong><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>WAKAALADDA WARARKA WARSOM.COM Dowladda Dalka Itoobiya ayaa sheegtay inay ciidamadeedu kusii sugnaanayaan Soomaaliya inta laga meel-marinayo dastuurka lagana dhisayo ciidammo milateri ah oo iska difaaci kara weerarrada kaga imaanaya Xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab. Xukuumadda Addis Ababa ayaa waxay sannadkii hore Soomaaliya u soo dirtay askar fara badan oo gacan ka siinaya ciidamada dowladda dagaallada ay kula [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":0,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3],"tags":[49],"class_list":["post-7712","post","type-post","status-publish","format-standard","hentry","category-wararka","tag-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/7712","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=7712"}],"version-history":[{"count":5,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/7712\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":7722,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/7712\/revisions\/7722"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=7712"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=7712"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=7712"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}