{"id":77096,"date":"2021-12-26T22:50:20","date_gmt":"2021-12-26T19:50:20","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=77096"},"modified":"2021-12-26T23:27:08","modified_gmt":"2021-12-26T20:27:08","slug":"m-weyne-farmaajo-oo-r-wasaare-maxamed-xuseen-rooble-ku-eedeeyey-in-uu-ku-fashilmey-doorashadii-loo-igmadey","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2021\/12\/m-weyne-farmaajo-oo-r-wasaare-maxamed-xuseen-rooble-ku-eedeeyey-in-uu-ku-fashilmey-doorashadii-loo-igmadey\/","title":{"rendered":"M\/weyne Farmaajo oo R\/\/wasaare Maxamed Xuseen Rooble Ku Eedeeyey in uu Ku Fashilmey Doorashadii loo igmadey."},"content":{"rendered":"<div align=\"justify\">\n<p>Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku baaqay shir wadatashi oo lagu saxayo jihaynta doorashooyinka dalka, kadib markii uu ku eedeeyay raysal wasaare Rooble inuu ku guul daraystay hoggaaminta hirgalinta doorashada.<\/p>\n<div class=\"inline-ad\">\n<div>Warsaxaafaddeed kasoo baxay villa Soomaaliya ayaa lagu sheegay in raysal wasaaruhu kala dhantaalay guddiyadii doorashooyinka islamarkaana uu ka leexday dariiqii saxda ahaa ee doorashada.<\/div>\n<\/div>\n<p>Madaxweyne Farmaajo wuxuu shirkaan\u00a0 ku\u00a0 casuumay dowlad goboleedda iyo maamulka gobolka banaadir, si buu yiri la isugu waafaqo hoggaan awood u leh hirgalinta doorasho hufan oo dhameystiran.<\/p>\n<p><b>Halkaan hoose ka akhriso warsaxaafaddeed kasoo baxay xafiiska madaxweyne Farmaajo:-<\/b><\/p>\n<\/div>\n<div align=\"justify\"><\/div>\n<div align=\"justify\">BAAQ KU SAABSAN DHAB-U-JIHEYNTA DOORASHOOYINKA<\/div>\n<div align=\"justify\"><\/div>\n<div align=\"justify\">Diseembar 26, 2021.<\/div>\n<div align=\"justify\"><\/div>\n<div align=\"justify\">Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo;<\/div>\n<div align=\"justify\">Markuu dib u eegay Xeerkii Madaxweyne ee uu ku magacaabay Ra\u2019iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble taas oo lagu faray in uu dhiso Xukuumad tayo leh oo dalka u horseedda doorasho nabdoon;<\/div>\n<div align=\"justify\"><\/div>\n<div align=\"justify\">Markuu arkay heshiiskii 17kii Sebteembar 2020 ee ay wada gaareen Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir kaas oo uu Barlamaanka labadiisa Aqal ansixiyay, Madaxweynuhuna uu kusoo saaray Sharciga Lam. 30 (Law No. 30),<br \/>\nMarkuu arkay habraacyadii hirgelinta doorashooyinka iyo xeerarkii lagu dhisay guddiyada heer Federaal, Heer Dowlad Goboleed iyo Guddiga Xallinta Khilaafaadka ee soo baxay 1-dii Oktoobar 2020;<\/div>\n<div align=\"justify\"><\/div>\n<div align=\"justify\">Markuu tixraacay khudbaddii uu Madaxweynuhu ka horjeediyay Golaha Shacabka 1-dii May 2021 taas oo masuuliyadda hoggaaminta doorashooyinka uu u igmaday Ra\u2019iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble;<br \/>\nMarkii ay u caddaatay in 14 bilood keddib saxiixii Heshiiskii 17ka Sebteembar 2020 in aysan wali dhammeystirmin doorashooyinka dalka;<\/div>\n<div align=\"justify\">Markuu arkay inuu Wasiirka Koowaad ka gaabiyay hogaaminta iyo hirgelinta doorashooyinkii uu u xilsaaray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya sidii ku caddayd khudbaddii uu Madaxweynuhu ka horjeediyay Golaha Shacabka 1-dii May, 2021.<\/div>\n<div align=\"justify\"><\/div>\n<div align=\"justify\">Markii ay caddaatay in Ra\u2019iisul Wasaarahu uu ka leexday dhibbihii hirgelinta doorashada isaga oo kala dhantaalay wadajirka guddiyadii loo igmaday fulinta iyo qabashada doorashooyinka kuna xadgubay madaxbannaanidooda shaqo.<\/div>\n<div align=\"justify\"><\/div>\n<div align=\"justify\">Markuu arkay in Ra\u2019iisul Wasaaraha uu soosaarayo go\u2019aanno kaligiis u gaar ah oo ay ka dhalanayaan caqabdo khatar ku ah geeddi socodka doorashooyinka;<\/div>\n<div align=\"justify\"><\/div>\n<div align=\"justify\">Wuxuu Madaxweynuhu xeeriyay qodobadan;<\/div>\n<div align=\"justify\"><\/div>\n<div align=\"justify\">1. In Ra\u2019iisul Wasaaruha uu gudan waayay waajibaadkii loo igmaday ee ahaa hogaaminta doorasho ku dhisan Heshiiskii 17kii Sebtember 2020 iyo habraacyadii dhammeystirayay ee soo baxay 1-dii Oktobar 2020;<\/div>\n<div align=\"justify\"><\/div>\n<div align=\"justify\">2. Madaxweynuhu wuxuu ku baaqayaa in la isugu yimaado shir wadatashi ah oo lagu saxayo jihaynta doorashooyinka kaas oo ay kasoo qeybgalayaan Goleyaasha Dowladda ee Heer Federaal, Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir si la isugu waafaqo hoggaan awood u leh hirgelinta doorasho dhammeystiran oo si hufan dalka uga dhacdo.<\/div>\n<div align=\"justify\"><\/div>\n<div align=\"justify\">3. Madaxweynuhu wuxuu ku baaqayaa in la dhagaysto talooyinka waxgaradka, siyaasiyiinta, iyo bulshada rayidka ah ee qaba tabashooyinka la xiriira doorashooyinka si loo helo hannaan doorasho oo ku dhammaada jawi nabdoon oo loo siman yahay.<\/div>\n<div align=\"justify\">\n<ol>\n<li><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/beco.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone wp-image-57894 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/beco-300x156.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/beco-300x156.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/beco.jpg 578w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"156\" \/><\/a>\u00a0<a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/syl.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-58055 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/syl.jpg\" alt=\"\" width=\"228\" height=\"221\" \/><\/a>\u00a0<a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58054 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-300x111.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-300x111.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-768x285.jpg 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-696x258.jpg 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell.jpg 850w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"111\" \/><\/a>\u00a0<a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58053 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-252x300.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 252px) 100vw, 252px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-252x300.jpg 252w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-353x420.jpg 353w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1.jpg 450w\" alt=\"\" width=\"252\" height=\"300\" \/><\/a>\u00a0<a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/hormuud-logo.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-58052 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/hormuud-logo.png\" alt=\"\" width=\"251\" height=\"201\" \/><\/a>\u00a0<a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58051 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj-300x38.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj-300x38.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj.jpg 468w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"38\" \/><\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58050 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-300x91.png\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-300x91.png 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-768x232.png 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1024x309.png 1024w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-696x210.png 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1392x420.png 1392w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1068x323.png 1068w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1391x420.png 1391w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom.png 1722w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"91\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2021\/12\/bbuug.jpeg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-77094\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2021\/12\/bbuug-300x256.jpeg\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"256\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2021\/12\/bbuug-300x256.jpeg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2021\/12\/bbuug-768x654.jpeg 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2021\/12\/bbuug-696x593.jpeg 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2021\/12\/bbuug-493x420.jpeg 493w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2021\/12\/bbuug.jpeg 925w\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" \/><\/a><\/li>\n<\/ol>\n<\/div>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku baaqay shir wadatashi oo lagu saxayo jihaynta doorashooyinka dalka, kadib markii uu ku eedeeyay raysal wasaare Rooble inuu ku guul daraystay hoggaaminta hirgalinta doorashada. Warsaxaafaddeed kasoo baxay villa Soomaaliya ayaa lagu sheegay in raysal wasaaruhu kala dhantaalay guddiyadii doorashooyinka islamarkaana uu ka leexday dariiqii saxda ahaa ee doorashada. [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":77097,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3],"tags":[],"class_list":["post-77096","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/77096","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=77096"}],"version-history":[{"count":4,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/77096\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":77115,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/77096\/revisions\/77115"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/77097"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=77096"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=77096"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=77096"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}