{"id":76987,"date":"2021-12-21T01:35:26","date_gmt":"2021-12-20T22:35:26","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=76987"},"modified":"2021-12-21T02:17:51","modified_gmt":"2021-12-20T23:17:51","slug":"r-wasaare-rooble-oo-sheegay-in-la-xalinayo-dhamaan-cabashooyinka-laga-qabo-doorashooyinka","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2021\/12\/r-wasaare-rooble-oo-sheegay-in-la-xalinayo-dhamaan-cabashooyinka-laga-qabo-doorashooyinka\/","title":{"rendered":"R\/wasaare Rooble oo sheegay in La Xalinayo Dhamaan Cabashooyinka Laga Qabo Doorashooyinka."},"content":{"rendered":"<p>Raysal wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo ka hadlaayay munaasabad loogu dabaal dagaayay sadax sano guuradii kasoo wareegtay markii la doortay madaxweynaha Koofur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen ayaa ugu horeyn bogaadiyay shacabka reer Koonfur Galbeed iyo madaxdooda isku duubnida iyo horumarka ay ku talaabsadeen.<\/p>\n<p>Rooble ayaa sidoo kale ka hadlay arrimaha doorashooyinka Golaha Shacabka oo uu sheegay in marar badan ay soo gaartay cabasho la xariirta doorashada oo kaga timid Beesha Caalamka iyo Midowga Mushadaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya.<\/p>\n<p>Waxuu sheegay raysal wasaare Rooble in doorasho kasta ay leedahay cabasho sax iyo been midkeey doonto ha ahaatee, hayeeshee Xukuumaddiisa ay ka go&#8217;an tahay xalinta cabashooyinka kaga imaaday Musharaxiinta iyo cid walba oo tabasha qabta.<\/p>\n<p>&#8220;Waxaan idin xasuusinaya kuwa cabanaya qaarkood Shalay waxa ay fadhiyeen meesha aad maanta joogtaan, berina anaga ayaa laga yaaba inaan joogno meesha ay maanta ayaga joogaa, waana waajib inan si laab furan uga jawabno tabashadooda una xilana dhamaanteen cabashada laga qabo doorashada Golaha Shacabka&#8221; ayuu yiri Raysal wasaare Rooble.<\/p>\n<p>Waxuu intaasi ku daray raysal wasaare Rooble in doorashooyinka ay soo maraan mar xalado kala duwan, balse loo baahan yahay in lagu dadaalo sidii looga gudbi lahaa si doorashada ay ugu qabsoonto sidii loogu talo galay oo xor iyo xalaal ah.<\/p>\n<p>Hadalkaan uu raysal wasaaraha Soomaaliya uu ka jeediyay xafladii loogu dabaaldagaayay sanad guuradii sadaxaad ee kasoo wareegtay doorashada madaxweynaha Koofur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen ayaa kusoo aadaya xili cabasho xoogan laga muujiyay doorashada Golaha Shacabka, kuraastii lagu kala doortay magaaloyinka Baydhabo iyo Dhuusamareeb oo lagu tilmaamay iney ahaayeen doorashooyin boob ah.<\/p>\n<ol>\n<li><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/beco.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone wp-image-57894 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/beco-300x156.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/beco-300x156.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/beco.jpg 578w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"156\" \/><\/a>\u00a0<a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/syl.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-58055 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/syl.jpg\" alt=\"\" width=\"228\" height=\"221\" \/><\/a>\u00a0<a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58054 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-300x111.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-300x111.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-768x285.jpg 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-696x258.jpg 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell.jpg 850w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"111\" \/><\/a>\u00a0<a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58053 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-252x300.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 252px) 100vw, 252px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-252x300.jpg 252w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-353x420.jpg 353w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1.jpg 450w\" alt=\"\" width=\"252\" height=\"300\" \/><\/a>\u00a0<a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/hormuud-logo.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-58052 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/hormuud-logo.png\" alt=\"\" width=\"251\" height=\"201\" \/><\/a>\u00a0<a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58051 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj-300x38.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj-300x38.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj.jpg 468w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"38\" \/><\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58050 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-300x91.png\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-300x91.png 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-768x232.png 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1024x309.png 1024w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-696x210.png 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1392x420.png 1392w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1068x323.png 1068w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1391x420.png 1391w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom.png 1722w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"91\" \/><\/a><\/li>\n<\/ol>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Raysal wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo ka hadlaayay munaasabad loogu dabaal dagaayay sadax sano guuradii kasoo wareegtay markii la doortay madaxweynaha Koofur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen ayaa ugu horeyn bogaadiyay shacabka reer Koonfur Galbeed iyo madaxdooda isku duubnida iyo horumarka ay ku talaabsadeen. Rooble ayaa sidoo kale ka hadlay arrimaha doorashooyinka Golaha Shacabka oo [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":76988,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3],"tags":[],"class_list":["post-76987","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/76987","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=76987"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/76987\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":76999,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/76987\/revisions\/76999"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/76988"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=76987"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=76987"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=76987"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}