{"id":76755,"date":"2021-12-08T23:45:42","date_gmt":"2021-12-08T20:45:42","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=76755"},"modified":"2021-12-09T00:27:06","modified_gmt":"2021-12-08T21:27:06","slug":"sidii-soomaaliya-ula-wareegi-laheyd-amnigeeda-shir-looga-hadlayo-oo-muqdisho-lagu-qabtey","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2021\/12\/sidii-soomaaliya-ula-wareegi-laheyd-amnigeeda-shir-looga-hadlayo-oo-muqdisho-lagu-qabtey\/","title":{"rendered":"Sidii Soomaaliya ula Wareegi Laheyd Amnigeeda Shir Looga Hadlayo oo Muqdisho Lagu Qabtey."},"content":{"rendered":"<p>Wasiirka Wasaaradda arrimaha Dibadda Xukuumadda Soomaaliya Cabdisaciid Muuse Cali ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furay shir lagu howlgalinaayo guddiga hoggaaminaya qorshaha dowladda Soomaaliya ay kula wareegeyso Amniga dalka (STP SSC) maadaama waqtiga ciidanka AMISOM uu ku egyahay bishaan December 2021.<\/p>\n<p>Shirkaan lagu howlgalinaayay guddiga ayaa waxaa kasoo qeybgalay xubno ka kala socday Hay&#8217;addaha amniga dalka heer Fedaraal, heer dowlad goboleed iyo Xafiisyada sarsare ee dalka, waxaana diiradda lagu saaraya sidii Soomaaliya ay si buuxda ula wareegi laheyd sugitaanka masuuliyadda amniga dalka.<\/p>\n<p>Wasiirka arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Xukuumadda Soomaaliya Cabdisaciid Muuse oo hadal ka jeediyay furitaankii shirka ayaa guddiga kula dardaarmay masuuliyadda qaran, isagoona tilmaamay muhiimadda ay leedahay shaqada guddiga laga sugaayo iyo waliba qorshayaasha horyaala.<\/p>\n<p>\u201cHawl-gelinta Guddigani waxa ay caddayn u tahay sida ay Soomaaliya uga go\u2019an tahay la wareegidda amnigeeda qaran. Guddigani waa goobta looga doodaayo, laga na jihaynayo qorshaha la wareegidda mas\u2019uuliyadda Amnigeenna qaran. Waxaa la idiinka fadhiyaa inaad qiimayn ku samaysaan waxyaabaha ka hirgalay qaybihii hore ee qorshaha, caqabaha iyo waayo-aragnimada laga bartay, sidoo kale in aad soo gudbisaan tubta dhammaystirka qaybaha danbe ee qorshahan\u201d ayuu yiri wasiir Cabdisaciid.<\/p>\n<p>Masuuliyiintii kala duwaneyd ee ka hadashay shirka ayaa dhamaantood waxay hoosta ka xariiqeen muhiimada ay leedahay fulinta qorshaha ay Soomaaliya kula wareegeyso sugitaanka amniga qarankeeda.<\/p>\n<p>Si kastaba ha ahaatee dhawaan ayay aheyd markii dowladda Soomaaliya ay si cad iskaga diiday qorshe howleed uu soo diyaariyay guddiga amniga iyo Nabada Midowga Afrika oo lagu kordhinayay mudada ay dalka Soomaaliya kasii howlgalayaan ciidanka Midowga Afrika.<\/p>\n<ol>\n<li><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/beco.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone wp-image-57894 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/beco-300x156.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/beco-300x156.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/beco.jpg 578w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"156\" \/><\/a>\u00a0<a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/syl.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-58055 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/syl.jpg\" alt=\"\" width=\"228\" height=\"221\" \/><\/a>\u00a0<a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58054 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-300x111.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-300x111.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-768x285.jpg 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-696x258.jpg 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell.jpg 850w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"111\" \/><\/a>\u00a0<a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58053 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-252x300.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 252px) 100vw, 252px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-252x300.jpg 252w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-353x420.jpg 353w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1.jpg 450w\" alt=\"\" width=\"252\" height=\"300\" \/><\/a>\u00a0<a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/hormuud-logo.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-58052 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/hormuud-logo.png\" alt=\"\" width=\"251\" height=\"201\" \/><\/a>\u00a0<a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58051 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj-300x38.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj-300x38.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj.jpg 468w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"38\" \/><\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58050 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-300x91.png\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-300x91.png 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-768x232.png 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1024x309.png 1024w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-696x210.png 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1392x420.png 1392w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1068x323.png 1068w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1391x420.png 1391w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom.png 1722w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"91\" \/><\/a><\/li>\n<\/ol>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Wasiirka Wasaaradda arrimaha Dibadda Xukuumadda Soomaaliya Cabdisaciid Muuse Cali ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furay shir lagu howlgalinaayo guddiga hoggaaminaya qorshaha dowladda Soomaaliya ay kula wareegeyso Amniga dalka (STP SSC) maadaama waqtiga ciidanka AMISOM uu ku egyahay bishaan December 2021. Shirkaan lagu howlgalinaayay guddiga ayaa waxaa kasoo qeybgalay xubno ka kala socday Hay&#8217;addaha amniga dalka [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":76756,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3],"tags":[],"class_list":["post-76755","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/76755","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=76755"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/76755\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":76759,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/76755\/revisions\/76759"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/76756"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=76755"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=76755"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=76755"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}