{"id":76630,"date":"2021-12-04T00:11:01","date_gmt":"2021-12-03T21:11:01","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=76630"},"modified":"2021-12-04T02:06:20","modified_gmt":"2021-12-03T23:06:20","slug":"r-wasaaraha-ethiopia-abiy-axmed-oo-ku-faaney-guusha-dagaalka-kala-dhexeeya-kooxda-tplf","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2021\/12\/r-wasaaraha-ethiopia-abiy-axmed-oo-ku-faaney-guusha-dagaalka-kala-dhexeeya-kooxda-tplf\/","title":{"rendered":"R\/wasaaraha Ethiopia Abiyi Axmed oo Ku Faaney Guusha Dagaalka Kala Dhexeeya Kooxda TPLF."},"content":{"rendered":"<p>Ra&#8217;iisal wasaaraha Itoobiya Abiyi Axmed oo wali ku jira hawlgallada ka dhanka kooxda TPLF, ayaa muddo toddobaad gudihiisa ah markii saddexaad kasoo muuqday warbaahinta dowladda, isagoo kusugan mid kamid ah furimaha dagaalka lagula jiro kooxda TPLF.<\/p>\n<p>Abiyi Axmed markan waxa uu si gooni ah ula hadlay ciidamada Itoobiya ee uu hoggaaminayo, isagoo kula dardaarmay sidii loosii wadi lahaa halganka lagu cidhibtirayo kooxda TPLF, waxa uuna yiri &#8221; Guusha ay Itoobiya gaadhay waa mid lagu faano, ma dhicin marnaba in laga guulaysto Itoobiya, waan guulaysanaynaa marwalba&#8221;.<\/p>\n<p>Geesta kale mar uu ka hadlayay guulaha is xigxiga ee ay ku tallaabsadeen ciidamada Itoobiya, waxa uu sheegay in wakhtiyada soo socda ay qabsan doonaan ciidamadiisu magaalooyin hor leh, isagoo taa ka hadlayana waxa uu yiri &#8221; Hadda waxaanu ku suganahay furinta dagaal ee Dhongolo, waxaanu ku taamaynaa inaan soo afjarno howlgalka bartama ka socda, sidii aanu usoo afjarnay howlgalladii Bariga iyo Galbeedka aanu ka samaynay&#8221;.<\/p>\n<p>Isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu sheegay in wakhtiyada fooda inagu soo haya ay qabsan doonaan magaalooyin waawayn oo istiraatiiji ah, waxa uuna yiri &#8221; Maanta ilaa Barri waxaan u kala qaadanaynaa qorshe sidii aan u hanan lahayn magaalooyinka Kamise, Baati iyo Kombolcha, iyo magaalooyin kale oo dhammaan ay kusii socdaan ciidamadeenu&#8221;.<\/p>\n<p>Hadallada Abiyi Axmed Ra&#8217;iisal wasaaraha Itoobiya, ahna abaanduulaha ciidamada Itoobiya ayaa kusoo hagaagaya xilli maalmahan ay dowladdu sheeganaysay inay gaartay guulo waawayn, isla markaana ciidamada Itoobiya ay qabsadeen magaalooyin horey ugu jiray gacanta TPLF.<\/p>\n<p>TPLF-na waxay geesteeda sheegtay inay iyadu iskaga baxday magaalooyinka ay haatan qabsadeen dowladdu, iyadoo ku tilmaantay ka bixitaankeeda magaalooyinka xeelado dagaal, balse taa dadka intiisa badan ayay ka daadagi wayday.<\/p>\n<p>Isu soo duuboo dagaalladii muddada dheer ka socday Itoobiya, ee u dhaxeeyay dowladda iyo kooxda TPLF ayaad moodaa in waji kale uu yeeshay, iyadoo dowladdu ay guulo is xigxiga ay sheeganayso, halka ay TPLF-na gaabisay guuxeedii dagaal.<\/p>\n<ol>\n<li><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/beco.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone wp-image-57894 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/beco-300x156.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/beco-300x156.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/beco.jpg 578w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"156\" \/><\/a>\u00a0<a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/syl.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-58055 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/syl.jpg\" alt=\"\" width=\"228\" height=\"221\" \/><\/a>\u00a0<a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58054 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-300x111.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-300x111.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-768x285.jpg 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-696x258.jpg 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell.jpg 850w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"111\" \/><\/a>\u00a0<a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58053 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-252x300.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 252px) 100vw, 252px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-252x300.jpg 252w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-353x420.jpg 353w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1.jpg 450w\" alt=\"\" width=\"252\" height=\"300\" \/><\/a>\u00a0<a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/hormuud-logo.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-58052 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/hormuud-logo.png\" alt=\"\" width=\"251\" height=\"201\" \/><\/a>\u00a0<a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58051 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj-300x38.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj-300x38.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj.jpg 468w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"38\" \/><\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58050 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-300x91.png\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-300x91.png 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-768x232.png 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1024x309.png 1024w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-696x210.png 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1392x420.png 1392w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1068x323.png 1068w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1391x420.png 1391w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom.png 1722w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"91\" \/><\/a><\/li>\n<\/ol>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Ra&#8217;iisal wasaaraha Itoobiya Abiyi Axmed oo wali ku jira hawlgallada ka dhanka kooxda TPLF, ayaa muddo toddobaad gudihiisa ah markii saddexaad kasoo muuqday warbaahinta dowladda, isagoo kusugan mid kamid ah furimaha dagaalka lagula jiro kooxda TPLF. Abiyi Axmed markan waxa uu si gooni ah ula hadlay ciidamada Itoobiya ee uu hoggaaminayo, isagoo kula dardaarmay sidii [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":76631,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3,36],"tags":[],"class_list":["post-76630","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka","category-wararka-caalamka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/76630","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=76630"}],"version-history":[{"count":3,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/76630\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":76653,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/76630\/revisions\/76653"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/76631"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=76630"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=76630"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=76630"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}