{"id":7617,"date":"2012-06-19T14:54:04","date_gmt":"2012-06-19T14:54:04","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=7617"},"modified":"2012-06-19T14:54:04","modified_gmt":"2012-06-19T14:54:04","slug":"xukuumadda-somaliland-oo-sheegtay-inay-madaxda-dawladda-somaliya-u-balan-qaadeen-bedelaada-xubnihii-puntland-ee-wada-hadalka-fashiliyay","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2012\/06\/xukuumadda-somaliland-oo-sheegtay-inay-madaxda-dawladda-somaliya-u-balan-qaadeen-bedelaada-xubnihii-puntland-ee-wada-hadalka-fashiliyay\/","title":{"rendered":"Xukuumadda Somaliland Oo Sheegtay Inay Madaxda Dawladda Somaliya U Balan Qaadeen Bedelaada Xubnihii Puntland Ee Wada Hadalka Fashiliyay"},"content":{"rendered":"<p>Wararka Soomaaliya (Wakaalada Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom)<\/p>\n<p>Xukuumada Somaliland ayaa markii ugu horeysay shaaca ka qaaday in<br \/>\nhogaamiyeyaasha Soomaaliya u cadeeyeen inay qiimayn doonaan dalabkooda<br \/>\nbedelaada xubnahii muranka keenay, haddii natiijo ka soo bixi weydana uga<br \/>\nraadin doonaa aqbalaad iyo taageero dhinacyo kale.<\/p>\n<p>Wasiirka Arrimaha dibedda Dr. Maxamed Cabdillahi Cumar ayaa hoosta ka<br \/>\nxariiqay inay Somaliland guul u tahay maadama ay miiska wada hadalka isku<br \/>\nsoo horfadhiisan doonaan Soomaaliya iyagoo laba qeybood oo siman ah.<\/p>\n<p>Dr. Maxamed Cabdillahi Cumar oo wareysi gaar ah uu wargeyska Geeska Afrika<br \/>\nwax kaga weydiiyey wada hadalka dhowaan ku dhexmari doona Soomaaliya ayaa<br \/>\nmar labaad ku celiyey in ka qeybgalka Somaliland ku xidhan yahay fulinta<br \/>\nshuruudahii ay hore ugu xidheen, su\u2019aalahii la weydiiyey iyo jawaabahii uu<br \/>\nka bixiyeyna waxay u dhaceen sidan:<\/p>\n<p>*S: Dhowaan waxa loo ballansan yahay wada hadal dhexmara Somaliland iyo<br \/>\nSoomaliya, maxaad nooga sheegi kartaa mowqifka Somaliland shirkaa la tegi<br \/>\ndoonto?*<\/p>\n<p>Waxaan dhowaan London kula yeelan doonaa wada hadalo siyaasadeed oo<br \/>\nfool-ka-fool ah Soomaaliya markii koowaad 21-kii sannadood ee Somaliland<br \/>\njirtay. Fursad wanaagsan ayey noo tahay aan ugu soo bandhigno go\u2019aankayaga<br \/>\niyo hiigsigayaga Soomaaliya annagoo miis wada fadhina, oo laba qeybood oo<br \/>\nsiman ah. Wada hadalkaa laftiisa ayaa guul u ah Somaliland. Waan sii wadi<br \/>\ndoonaa wada hadaladaa si aan ugu gaadhno hadafkayaga.<\/p>\n<p>*Hore, Somaliland waxay ku xidhay shuruud ka qeybgalka wada hadalada<br \/>\nSoomaaliya bedelaada xubno u dhashay Somaliland oo Madaxweyne Shariif ku<br \/>\nsoo daray xubnahii uu magacaabay, welina ma hayno meel lagu bedelay<br \/>\nxubnahaa, miyey isbedeshay shuruudii hore ee Somaliland? Hadiise mar kale<br \/>\nla soo celiyo maxaa idiinka meel yaal?*<\/p>\n<p>Ka qeybgalka Somaliland ee wada hadalada London waxa shardi u ah shuruudaha<br \/>\naad sheegtay. Xukuumada ku-meel-gaadhka Soomaaliya waxay noo sheegeen inay<br \/>\nqiimayn doonaan dalabkayaga bedelaada.<\/p>\n<p>*Wada-hadalada noocyadan oo kale hore dalal badan ayaa soo maray ugu<br \/>\ndanbeeyeen kala go\u2019ii labada Sudan, waxaana jiray wadamo qeyb ka ahaa ama<br \/>\ndhexdhexaadinayey, wada hadalada idiin qorshaysan ma jiraan wadamo qeyb ama<br \/>\nmarkhaati ka noqonaya wada hadalkiina?<br \/>\n*<br \/>\nXukuumada Somaliland waa u diyaar inay wadahadal la yeelato Xukuumada<br \/>\nku-meel-gaadhka ee metelaysa Soomaaliya. Waxaan si quman u derisnay dhamaan<br \/>\nfursadahayaga, waxaanan la tashiyo iyo wada xaajood la yeelanay qaar ka mid<br \/>\nah daneeyaasha ay khusayso.<\/p>\n<p>Rajo intee le\u2019eg ayaad ka qabtaan inay idiinka soo baxaan wada hadalada<br \/>\ndhowaan dhici doona, ma jirtaase xal labaad oo idiin qorshaysan haddii<br \/>\nnatiijada aad filaysaan ku gaadhi weydaan wada hadalada?<\/p>\n<p>Waxaan dib ugu cadeyn doonaa go\u2019aankii qaranimada Somaliland iyo<br \/>\ndanahayaga, isla markaana uga raadin doonaa aqbalaad iyo taageero dhinacyo<br \/>\nkale.<br \/>\nWararka Soomaaliya (Wakaalada Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom)<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Wararka Soomaaliya (Wakaalada Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom) Xukuumada Somaliland ayaa markii ugu horeysay shaaca ka qaaday in hogaamiyeyaasha Soomaaliya u cadeeyeen inay qiimayn doonaan dalabkooda bedelaada xubnahii muranka keenay, haddii natiijo ka soo bixi weydana uga raadin doonaa aqbalaad iyo taageero dhinacyo kale. Wasiirka Arrimaha dibedda Dr. Maxamed Cabdillahi Cumar ayaa hoosta ka xariiqay inay [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":0,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3],"tags":[49],"class_list":["post-7617","post","type-post","status-publish","format-standard","hentry","category-wararka","tag-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/7617","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=7617"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/7617\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":7619,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/7617\/revisions\/7619"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=7617"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=7617"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=7617"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}