{"id":7542,"date":"2012-06-17T17:05:54","date_gmt":"2012-06-17T17:05:54","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=7542"},"modified":"2012-06-17T17:05:54","modified_gmt":"2012-06-17T17:05:54","slug":"qadiyadda-somaliland-ma-ku-bedelanaa-dhaqaale-doon","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2012\/06\/qadiyadda-somaliland-ma-ku-bedelanaa-dhaqaale-doon\/","title":{"rendered":"Qadiyadda Somaliland, Ma Ku Bedelanaa Dhaqaale Doon"},"content":{"rendered":"<p>Xukuumadda Maanta jirta ee Somaliland ee innagu furtay albaabkii Somaaliya<br \/>\nee aan ku jebinay qufullada adag labaatan Sanno ka hor, iyaddoo u xilanaysa<br \/>\ndhaqaale hawada heehaabaya oo Sacabada loo saaro oo horumar iska daayo aan<br \/>\nxataa tuulo ka mid ah Somaliland gaato tiri Karin, waxa looga baahan yahay<br \/>\nin ay Shacbiga u soo bandhigto qorshe cad oo la xidhiidha wada hadallada<br \/>\nSomaliland iyo Somaaliya.<\/p>\n<p>Arrimaha durba mugdiga la geliyey doonistii Qaranimada Jamhuuriyadda<br \/>\nSomaliland waxa ka mid ah, Xukuumadda oo inta ay dhex fadhiisatay Shirarka<br \/>\narrimaha Somaaliya ee uu kow ka yahay ansixinta Dastuurka la wad-wado ee<br \/>\nqodobadiisa ugu muhiimsan ay ka mid yihiin waxa ay ugu yeedhaan<br \/>\nMuqadasnimada Somaaliya, kaasoo aanay marnaba ku gacan saydhin xubnaha<br \/>\nXukuumadda ee ka qeybgala Shirarka lagaga hadlayo arrimahan. Sidaa darteed<br \/>\nwaxan odhan karnaa ka aamusiddu waa oggolaansho, welibana waxa markhaati ka<br \/>\nah kuwa daneeya arrimaha Somaaliya ee gacanta loo geliyey xal u helidda<br \/>\nSomaaliya.<\/p>\n<p>Si kastaba ha ahaatee Somaalidu waxa ay tidhaahdaa \u201cCaano daatay dabadood<br \/>\nla qabay\u201d, sidaa awgeed waxa haatan la hadal hayaa in wada hadallo fool ka<br \/>\nfool ahi Somaliland iyo Somaaliya ku dhex mari doonaan Boqortooyada<br \/>\nIngiriiska dabayaaqada bishan, waana fursad labaad oo Somaliland kaga gudbi<br \/>\nkarto dabacsanaanta ka muuqata tan iyo intii ay kasoo baxday Shirkii London<br \/>\ninay wada hadlaan Somaliland iyo Somaaliya.<\/p>\n<p>Xukuumadda Somaliland si mawqifkooda wada hadalku u noqdo mid adag oo aan<br \/>\nlahayn leex-leexad oo ku saleysan xuquuqda ummadaha adduunka ee rabaaniga<br \/>\nah iyo xuquuqda kale oo ah tii inaga dhexeysay iyo tii uu burburiyey<br \/>\nRajiimkii ay kaalintiisa fadhiisteen Sh. Shariif iyo kuwii ka horeeyey,<br \/>\nhaddii kale oo sida hadda socota uu furitaanka wada hadalku ku bilowdo,<br \/>\nwaanu la noqonay Madax-bannaanidayadii aanu lixdankii idiin keenay iyo lama<br \/>\nnoqonaysaa ee wixii kalee aad doonaysaan sheegta aan ka wada hadalnee,<br \/>\nmarkaaba lagaa guuleysay, waana sida ay wax u wadaan Nimanka magaca mooyee<br \/>\ncid ay maamulaan oo oggoli aanay jirin, balse aynu hadda u noqonay<br \/>\nnaruurada keliya ee ay ku faanaan.<\/p>\n<p>Horaa loo yidhi \u201cLax weliba Shinkay is dhigtaa lagu gowracaa\u2019.Maanta maaha<br \/>\nmaalin aynu labaatan Sanno iyo dheeraad kadib, inta aan oggolaano wada<br \/>\nhadal ina dhex mara Dawladda TFG-da ama kuwa kale ka dambeeya ee aan cidna<br \/>\nmetelin, in haddana u il-duufno wax kasta oo aynu xaq u leenahay in la<br \/>\ninnaga daw-mariyo, weliba ku darsadoo maxaad ka filaysaa cidda aad<br \/>\nhor-fadhiisanayso oo ah kuwa ilaa Maantadaa aan joogno kuu quudhi la\u2019<br \/>\nhalgankii aad ogeyd wixii kaasoo gaadhay sida xabaalaha Xasuuqa ee weliba<br \/>\nsii qoyan ee ka dhacay Gobollada badankooda isla markaana ka bilaaba<br \/>\ntaariikhdii halganka 1991-kii.<\/p>\n<p>Tallo ayaa lagu meel maraa ee waxan u soo jeedinayaa Xukuumadda ku maqiiqan<br \/>\nwada hadal iyo dhex fadhiisiga Shirarka Somaaliya ee aan wax innooga cabbaa<br \/>\njirin inay iska dhaafaan fudeydka iyo deg-degga oo haddiiba ay fureen<br \/>\nalbaabkii aynu iska xidhnay ee Somaaliya, in mawqifkoodu ahaado mid ka adag<br \/>\nka hadda oo ku saleysan xuquuqda ka maqan Somaliland oo Irbad laga tagayn,<br \/>\nkana sii bilaabmeen xaqa aayo ka tashiga iyo la soo noqoshada xorriyadii uu<br \/>\ndalkani ka qaatay Maxmiyadii Ingiriiska 26-kii June 1960, balse la gashay<br \/>\nSomaaliya midowgii bilaa meherka iyo bilaa shuruuda ahaa ee 1dii July,<br \/>\n1960-kii, hana iska iloobaan erayga nagu kiciya Cadhada badan ee ah dib<br \/>\nnoogama noqon kartaan sidii oo ay iyagu ina leeyihiin, hana ogaadeen in<br \/>\nxoog, qoor-qabasho iyo wax kale toona dib la noogu celin Karin midowgii<br \/>\nhadduu aanay ku iman doonistayada.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Xukuumadda Maanta jirta ee Somaliland ee innagu furtay albaabkii Somaaliya ee aan ku jebinay qufullada adag labaatan Sanno ka hor, iyaddoo u xilanaysa dhaqaale hawada heehaabaya oo Sacabada loo saaro oo horumar iska daayo aan xataa tuulo ka mid ah Somaliland gaato tiri Karin, waxa looga baahan yahay in ay Shacbiga u soo bandhigto qorshe [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":0,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3],"tags":[49],"class_list":["post-7542","post","type-post","status-publish","format-standard","hentry","category-wararka","tag-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/7542","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=7542"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/7542\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":7546,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/7542\/revisions\/7546"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=7542"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=7542"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=7542"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}