{"id":75268,"date":"2021-10-07T21:35:14","date_gmt":"2021-10-07T18:35:14","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=75268"},"modified":"2021-10-07T22:23:39","modified_gmt":"2021-10-07T19:23:39","slug":"wasiir-kamid-ah-xukuumada-somaliland-oo-r-wasaare-rooble-ku-eedeeyey-musuq-maasuq-aan-cadeyn-laheyn","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2021\/10\/wasiir-kamid-ah-xukuumada-somaliland-oo-r-wasaare-rooble-ku-eedeeyey-musuq-maasuq-aan-cadeyn-laheyn\/","title":{"rendered":"Wasiir Kamid ah Xukuumada Somaliland oo R\/wasaare Rooble Ku Eedeeyey Musuq Maasuq aan Cadeyn Laheyn."},"content":{"rendered":"<p>Wasiirada warfaafinta iyo arrimaha gudaha ee Somaliland, ayaa raysal wasaaraha Soomaaliya Maxammed Xuseen Rooble, ku tilmaamay shakhsi musuq-maasuq badan, waxayna sheegeen in musuqiisa\u00a0 dartii hay&#8217;ada ILO ee QM Somaliland looga saaray.<\/p>\n<p>Wasiirka warfaafinta Saleeban Yuusuf Cali Koore ayaa Rooble ku eedeeyay in markii loo adkaysan kari waayay musuq-maasuqiisa ay xukuumada Somaliland go&#8217;aansatay in la caydhiyo hay&#8217;ada ILO oo uu madax ka ahaa.<\/p>\n<p>&#8220;Ninkaa raysal wasaaraha ahi wuxuu ka shaqaysan jiray Hargaysa, wuxuu u shaqayn jiray hay&#8217;ad la yidhaa ILO, wuxuu ahaa qofka ugu musuq-maasuqa badan oo bini-aadan soo mara, Maxammed Kaahin oo wasiirka arrimaha gudaha ah ayaa Hargaysa ka caydhiyay, markii loo adkaysan waayay musuqmaasuqiisii iyo wuxuu hay&#8217;ada ku hayay, maantana dad ayuu soo horfadhiisanaya oo uu wax u sheegayaa&#8221; ayuu yidhi Koore.<\/p>\n<p>Koore ayaa dadka Soomaalida ku tilmaamay qaar habaar qaba hadiiba shakhsi Rooble oo kale ah ay madax ka dhigteen, wuxuuna ku andacooday in Rooble uu jeebka ku shubtay gar gaarkii QM ugu talo gashay shacbiga taagta daran ee Somaliland.<\/p>\n<p>&#8220;Waa qofka sababay in hay&#8217;ada ILO dalka laga saaro, sidii uu u samaynayay shilimadii dadka tabaalaysan ee reer Somaliland loogu soo talo galay, maantana wuxu ka hadlayaa amni, dadka Soomaalidu waa dad habaar ku dhacay, waayo kaasoo kale, ayaa masuuliyad u qabanaya oo usoo fadhiisanaya&#8221; ayuu yidhi Koore.<\/p>\n<p>Wasiirka arrimaha gudaha Maxammed Kaahin Axmed oo madasha Koore ka hadlayay joogay, ayaa sheegay in uu isagu Rooble iyo hay&#8217;ada uu madaxda u ahaaba Somaliland ka eryay.<\/p>\n<p>&#8220;Wasiir Koore waa runtii raysal wasaaraha Soomaaliya hay&#8217;ada ILO ee shaqaalaha adduunyada ka shaqaysa ayuu madax ka ahaa oo uu joogay, saddex wasaaradood ayaa la shaqaynayay, saddexdayadii wasiirba waxaanu is ku raacnay in nin kaasi aanu ahayn masuul, qaran iyo umad u joogi kara, warqadiisiina aniga ayaa qoray&#8221; ayuu yidhi wasiir Kaahin.<\/p>\n<p>Xukuumada Somaliland ayaa hay&#8217;ada ILO oo hoostagta QM Somaliland ka saartay 10 bishii May ee sannadkii 2019, waxayna xukuumadu ku eedaysay in hay&#8217;adu ay ku guuldaraysatay in ay la shaqayso wasaaradaha ay howl wadaagta leeyihiin, howl gudasho la&#8217;aan iyo in ay soo jawaabi wayday markii loo sheegay cabashada laga qabo.<\/p>\n<ol>\n<li><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/beco.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone wp-image-57894 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/beco-300x156.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/beco-300x156.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/beco.jpg 578w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"156\" \/><\/a>\u00a0<a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/syl.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-58055 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/syl.jpg\" alt=\"\" width=\"228\" height=\"221\" \/><\/a>\u00a0<a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58054 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-300x111.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-300x111.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-768x285.jpg 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-696x258.jpg 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell.jpg 850w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"111\" \/><\/a>\u00a0<a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58053 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-252x300.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 252px) 100vw, 252px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-252x300.jpg 252w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-353x420.jpg 353w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1.jpg 450w\" alt=\"\" width=\"252\" height=\"300\" \/><\/a>\u00a0<a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/hormuud-logo.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-58052 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/hormuud-logo.png\" alt=\"\" width=\"251\" height=\"201\" \/><\/a>\u00a0<a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58051 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj-300x38.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj-300x38.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj.jpg 468w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"38\" \/><\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58050 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-300x91.png\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-300x91.png 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-768x232.png 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1024x309.png 1024w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-696x210.png 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1392x420.png 1392w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1068x323.png 1068w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1391x420.png 1391w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom.png 1722w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"91\" \/><\/a><\/li>\n<\/ol>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Wasiirada warfaafinta iyo arrimaha gudaha ee Somaliland, ayaa raysal wasaaraha Soomaaliya Maxammed Xuseen Rooble, ku tilmaamay shakhsi musuq-maasuq badan, waxayna sheegeen in musuqiisa\u00a0 dartii hay&#8217;ada ILO ee QM Somaliland looga saaray. Wasiirka warfaafinta Saleeban Yuusuf Cali Koore ayaa Rooble ku eedeeyay in markii loo adkaysan kari waayay musuq-maasuqiisa ay xukuumada Somaliland go&#8217;aansatay in la caydhiyo [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":75269,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3],"tags":[],"class_list":["post-75268","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/75268","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=75268"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/75268\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":75285,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/75268\/revisions\/75285"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/75269"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=75268"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=75268"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=75268"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}