{"id":7474,"date":"2012-06-15T16:08:48","date_gmt":"2012-06-15T16:08:48","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=7474"},"modified":"2012-06-15T16:10:30","modified_gmt":"2012-06-15T16:10:30","slug":"kulan-balaadhan-oo-looga-hadlayo-xasilinta-iyo-nabad-ku-soo-celinta-soomaaliya-oo-maalintii-labaad-si-rasmiya-uga-socda-hotelka-wayn-kempinsk-ee-ku-yaala-magaalada-jabuutisawiro%e2%80%8f","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2012\/06\/kulan-balaadhan-oo-looga-hadlayo-xasilinta-iyo-nabad-ku-soo-celinta-soomaaliya-oo-maalintii-labaad-si-rasmiya-uga-socda-hotelka-wayn-kempinsk-ee-ku-yaala-magaalada-jabuutisawiro%e2%80%8f\/","title":{"rendered":"Kulan Balaadhan Oo Looga Hadlayo Xasilinta Iyo Nabad Ku Soo Celinta Soomaaliya Oo Maalintii Labaad Si Rasmiya Uga Socda Hotelka Wayn Kempinsk Ee Ku Yaala Magaalada Jabuuti+SAWIRO\u200f."},"content":{"rendered":"<p><a class=\"highslide\" onclick=\"return vz.expand(this)\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2012\/06\/11.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-7475\" title=\"1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2012\/06\/11.jpg\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"199\" \/><\/a><\/p>\n<p><strong>WAKAALADDA WARARKA WARSOM.COM<\/strong><\/p>\n<p>Waxaa maanta magaalada Djibouti, Hotelka Kempinsk ka furmay kulanka Qorsheynta Xasilinta Soomaaliya oohalkaas ka socon doono muddo 4-cisho ah.<\/p>\n<p>Kulankan waxaa soo qabanqaabisay Dowladda Federaalka Soomaaliya gaar ahaana Guddiga u qaabilsan Xasilinta iyo dib u heshiisiinta (National Steering Comittee). Barnaamijka ayaa waxaa fududeeyey Hay\u2019adda mucaawinadda Mareykanka ee USAID.<\/p>\n<p>Kulankan waxaa ka qeybgalaya dhammaan qeybaha bulshada sida maamulada, odayaasha dhaqanka, aqoonyahanada iyo Bulshada rayidka ee 5 Degmo oo ka kala ah Baydhabo, Baladweyne, Matabaan, Maxaas iyo Cadaado. Qorshahan ayaa ah in Deegaanadaas bulshada ka socota ay soo gudbiyaan baahiyaha adeegyada kala duwan ee ay degmooyinkaas u baahan yihiin, sida xagga biyaha, iskuulaadka, caafimaadka, dib u dhiska wadooyinka iyo adeegyada kale ee muhiimka ah si wax lagala qabto.<\/p>\n<p>Degmo walba ayaa goobta ka soo jeedin doonto baahiyaheeda gaarka ah, iyadoo ay USAID dhamaadka kulankan ku yaboohi doonto dhaqaale wax looga qabanayo baahiyaha ka jira Degmooyinkaas ee ay goobta ku soo bandhigi doonaan qeybaha maamulka iyo bulshada ee 5-taas Degmo matalaya.<\/p>\n<p>Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Hiiraan Cabdifitaax Xassan Afrax oo kulankan ka hadlay ayaa sheegay inuu ahmiyad weyn xanbaarsan yahay isagoo xusay in Degmooyinka kulanka loo qabtay ay yihiin kuwo baahi weyn u qaba adeegyada aasaasiga ah ee dhanka bulshada oo ay ugu danbeysay tan iyo burburkii xukuumaddii dhexe ee dalka.<\/p>\n<p>\u201cMuhimada uu noo leeyahay waxaa ka mid ah in Gobolka Hiiraan uu ka mid noqday meelaha mashaariicdan hormarineed ee TIS ee xiligan laga fulin doono, Degmooyinkan Baladweyne, Matabaan iyo Maxaas waxay ka faaiideysan doonaan Barnaamijkan USIAD ee 5-ta sano ee Soo socta, waana soo bandhigeynaa baahiyeheena dhanka caafimaad, waxbarasho, iyo biyo iyo kuwa kale.<\/p>\n<p>Degmooyinkan waa goobo 20 sano aan adeegyadaas Dowlad ka fulisa helin waana noo farxad\u201d sidaas waxaa yiri Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Cabdifitaax Xassan Afrax.<\/p>\n<p>Xaliimo Ismaaciil oo ah madaxa Bulshada Rayidka Soomaaliyeed ee kulankan ka qeybgalaya ayaa iyana sheegtay in Barnaamijkan uu yahay qorshe ka dhashay guddi heer wasiir ah oo ay Xukuumadda Soomaaliya u xilsaartay dib u heshiisiinta iyo Xasilinta Deegaanada, iyadoo xustay in Barnaamijkan TIS loogu magacdaray hore looga soo hergeliyay Deegaano badan sida Somaliland, Puntland iyo Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho, haatanna ay ka faaiideysanayaan Gobolada Dalka qaarkood.<\/p>\n<p>\u201cwaxqabashadu waa mid ka soo bilaabaneysa hoos imaaneysana kor, waagii hore waxaas haloo qabto ayaa kor looga keeni jiray laakin maanta waa wax cad oo bulshada sicad wax loogu tarayo, waxaana halkan la isugu keenay gudiyada Hiiraan, Baydhabo iyo Cadaado, waana iney baahiyahooda soo bandhigaan, waana arin qeyb ka ah Hormarka, hormarkiina waa  bilow maadaama aad u jeedaan in Dadkii deegaanada lala tashanaayo waana dadaalka ay waddo Dowladda Soomaaliyeed\u201d waxaa sidaas sheegtay Gudoomiyaha Isutagga Bulshada Rayidka Soomaaliyeed.<\/p>\n<p>Mudane Xassan Macalin Axmed Biikole oo ah Gudoomiyaha Maamulka Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay oo ka mid ah deeganada ay muddo 4 bil ah gacanta ku hayeen Ciimadamada Dowladda Soomaaliya iyo ciidamada deriska ah ayaa sheegay in soo nooleynta iyo horumarinta adeegyada muhiimka ah ee Degmada ay yihiin kuwo baahi weyn loo qabo  wuxuuna tilmaamay in Kulankan ay u soo gudbin doonaan Baahiyaha ka jira Magaalada Baydhabo iyo Deegaamada<br \/>\nkale ee hoos yimaada Gobolka Bay.<\/p>\n<p>Shirkani oo ah mid ay ka faaiideysan Doonaan Madaxda iyo qeybaha Bulshada ee matalaya 5-ta Degmo ee ka qeybgalaya si ay baahiyahooda ugu gudbiyaan Hay\u2019adda USAID ee Mareykanka ah ayaa lagu wadaa in uu ku idlaado deeq ay si toos ah USAID ugu gudbineyso Degmooyinkan halka awal loo soo marsiin jiray hay\u2019ado kale hergelinta mashaariicda noocan oo kale  ah.<\/p>\n<p>Ra\u2019iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa mudnaan gaar ah siiyey sidii gobolada laga xorreeyo Al-Shabaab loogu heli lahaa dhammaan adeegyada bulshada si deegaanadaas ay u arkaan faa\u2019iidada nabadda, isla markaana loo fulin lahaa qorshaha dowladda ee ah in deegaanada cusub la gaarsiiyo adeegyada bulshada, isla markaana beelaha deegaanka la dhexdhigo dib-u-heshiisiin waarta oo keeni karta in dadka deegaanka ay doortaan maamulkooda oo shacabka deegaanka siin kara kalsooni.<br \/>\n<a class=\"highslide\" onclick=\"return vz.expand(this)\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2012\/06\/Djibouti-Degmooyinka1.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-7477\" title=\"Djibouti-Degmooyinka1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2012\/06\/Djibouti-Degmooyinka1.jpg\" alt=\"\" width=\"800\" height=\"533\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2012\/06\/Djibouti-Degmooyinka1.jpg 800w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2012\/06\/Djibouti-Degmooyinka1-300x199.jpg 300w\" sizes=\"auto, (max-width: 800px) 100vw, 800px\" \/><\/a><br \/>\n<a class=\"highslide\" onclick=\"return vz.expand(this)\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2012\/06\/Djibouti-Degmooyinka2.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-7478\" title=\"Djibouti-Degmooyinka2\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2012\/06\/Djibouti-Degmooyinka2.jpg\" alt=\"\" width=\"800\" height=\"533\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2012\/06\/Djibouti-Degmooyinka2.jpg 800w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2012\/06\/Djibouti-Degmooyinka2-300x199.jpg 300w\" sizes=\"auto, (max-width: 800px) 100vw, 800px\" \/><\/a><br \/>\n<strong>Xafiiska Warqabadka Warsom.com<br \/>\nBoorame,S\/Land.<\/strong><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>WAKAALADDA WARARKA WARSOM.COM Waxaa maanta magaalada Djibouti, Hotelka Kempinsk ka furmay kulanka Qorsheynta Xasilinta Soomaaliya oohalkaas ka socon doono muddo 4-cisho ah. Kulankan waxaa soo qabanqaabisay Dowladda Federaalka Soomaaliya gaar ahaana Guddiga u qaabilsan Xasilinta iyo dib u heshiisiinta (National Steering Comittee). Barnaamijka ayaa waxaa fududeeyey Hay\u2019adda mucaawinadda Mareykanka ee USAID. Kulankan waxaa ka qeybgalaya [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":0,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3],"tags":[49],"class_list":["post-7474","post","type-post","status-publish","format-standard","hentry","category-wararka","tag-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/7474","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=7474"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/7474\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":7481,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/7474\/revisions\/7481"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=7474"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=7474"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=7474"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}