{"id":73759,"date":"2021-08-02T18:17:57","date_gmt":"2021-08-02T15:17:57","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=73759"},"modified":"2021-08-02T19:57:57","modified_gmt":"2021-08-02T16:57:57","slug":"gudoomiyaha-kmg-ee-xisbiga-wadani-yaasiin-xaaji-ismaaciil-jirde-oo-baaq-kasoo-saarey-doorashada-gudoonka-aqalka-wakiilada","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2021\/08\/gudoomiyaha-kmg-ee-xisbiga-wadani-yaasiin-xaaji-ismaaciil-jirde-oo-baaq-kasoo-saarey-doorashada-gudoonka-aqalka-wakiilada\/","title":{"rendered":"Gudoomiyaha KMG ee Xisbiga Wadani Yaasiin Xaaji Ismaaciil Jirde oo Baaq Kasoo Saarey Doorashada Gudoonka Aqalka Wakiilada."},"content":{"rendered":"<p>Guddoomiyaha ku meel gaadhka ah ee xisbiga Waddani Cabdiqaadir X. Ismaaciil Jirde, ayaa ku baaqay in aan dhibaato laga dhex abuurin, xildhibaannada golaha wakiilada Somaliland ee cusub iyo musharixiinta u taagan doorashada shirgudoonka.<\/p>\n<p>Jirde ayaa sheegay in dhamaan 82 xildhibaan ee usoo baxay golaha wakiilada ay isku mid yihiin oo mid kasta oo kamid ahi uu noqon karo shirgudoon ama afhayeenka wakiilada isla markaana labada musharax ee tar tamayaa Cabdirisaaq Khaliif iyo Faratoon, ay yihiin laba nin oo isku mid ah.<\/p>\n<p>&#8220;Yaan cunfi laga dhigin, labaduba waa laba nin oo mudo kara, oo xilkaa qaban kara, midna ceeb gaar ah oo loo hayaa majirto, anuu waxan qabaa 82 kuba in ay xilka qaban karaan madama oo ay soo mareen dhamaan jaran jarooyinkii oo caafimaad koodi la baadhay, oo danbi la&#8217;aan toodi la baadhay, labadan nina way ugu sii mudanyihiin&#8221; ayuu yidhi Jirde.<\/p>\n<p>Jirde ayaa sidookale ku baaqay in maadaama oo doorasho la&#8217;amaanay ay Somaliland ka dhacday aan buuq iyo khilaaf laga danbaysiin oo layska ilaaliyo wixi sawir xun ka bixinaya doorashadii dhacday.<\/p>\n<p>&#8220;2005 buuq ayay inaga gashay lakin odayaashii guurtida ayaa soo dhex galay oo xaliyay, doorasho wanaagsan ayaa inoo dhacday, halkani waa gaba gabadii, waa halkay ku dhamaanaysay, in ay maanta inaga xumaato maaha, dad aan ehel u ahayn ayaa ka hadlay oo labada ninba maagay&#8221; ayuu yidhi.<\/p>\n<p>Xisbiyada mucaaradka iyo muxaafadka Somaliland ayaa loolan adag ugu jira sidi midba midka kale ugaga guulaysan lahaa shirgudoonka golaha wakiilada Somaliland, iyadoo kalfadhiga 1aad ee golaha wakiilada cusub qabsoomi doono maalinta bari ah.<\/p>\n<ol>\n<li><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/beco.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone wp-image-57894 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/beco-300x156.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/beco-300x156.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/beco.jpg 578w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"156\" \/><\/a>\u00a0<a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/syl.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-58055 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/syl.jpg\" alt=\"\" width=\"228\" height=\"221\" \/><\/a>\u00a0<a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58054 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-300x111.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-300x111.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-768x285.jpg 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-696x258.jpg 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell.jpg 850w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"111\" \/><\/a>\u00a0<a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58053 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-252x300.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 252px) 100vw, 252px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-252x300.jpg 252w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-353x420.jpg 353w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1.jpg 450w\" alt=\"\" width=\"252\" height=\"300\" \/><\/a>\u00a0<a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/hormuud-logo.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-58052 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/hormuud-logo.png\" alt=\"\" width=\"251\" height=\"201\" \/><\/a>\u00a0<a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58051 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj-300x38.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj-300x38.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj.jpg 468w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"38\" \/><\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58050 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-300x91.png\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-300x91.png 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-768x232.png 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1024x309.png 1024w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-696x210.png 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1392x420.png 1392w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1068x323.png 1068w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1391x420.png 1391w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom.png 1722w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"91\" \/><\/a><\/li>\n<\/ol>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Guddoomiyaha ku meel gaadhka ah ee xisbiga Waddani Cabdiqaadir X. Ismaaciil Jirde, ayaa ku baaqay in aan dhibaato laga dhex abuurin, xildhibaannada golaha wakiilada Somaliland ee cusub iyo musharixiinta u taagan doorashada shirgudoonka. Jirde ayaa sheegay in dhamaan 82 xildhibaan ee usoo baxay golaha wakiilada ay isku mid yihiin oo mid kasta oo kamid ahi [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":73760,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3],"tags":[],"class_list":["post-73759","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/73759","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=73759"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/73759\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":73769,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/73759\/revisions\/73769"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/73760"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=73759"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=73759"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=73759"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}