{"id":7300,"date":"2012-06-11T17:06:44","date_gmt":"2012-06-11T17:06:44","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=7300"},"modified":"2012-06-11T17:06:44","modified_gmt":"2012-06-11T17:06:44","slug":"xukuumadda-oo-iska-fogeysay-inay-faro-gelisay-xukunkii-masuuluyiintii-u-xidhnaa-musuqii-raashinka%e2%80%8f","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2012\/06\/xukuumadda-oo-iska-fogeysay-inay-faro-gelisay-xukunkii-masuuluyiintii-u-xidhnaa-musuqii-raashinka%e2%80%8f\/","title":{"rendered":"Xukuumadda oo iska fogeysay inay faro-gelisay xukunkii masuuluyiintii u xidhnaa musuqii raashinka\u200f."},"content":{"rendered":"<p><strong>WAKAALADDA WARARKA WARSOM.COM<\/strong><\/p>\n<p>Wasiirka wasaaradda warfaafinta iyo wacyigelinta Somaliland Md. Cabdi Yuusuf Ducaale (Boobe) ahna afhayeenka rasmiga ah ee xukuumadda ayaa maanta gaashaanka ku dhuftay warar maalmihii la soo dhaafay ka soo baxayay saxaafadda oo xukuumadda ku eedeynayay inay faro-gelisay xukunkii masuuliyiintii ku eedeysnaa musuqii raashinka.<\/p>\n<p>Wasiirka warfaafintu wuxuu sidaasi ku sheegay war-saxaafadeed uu maanta soo saaray oo u dhignaa sidan:-<\/p>\n<p>\u201cMaalmahan danbe waxa saxaafadda Somaliland lagu saydhinayay warar aan sugnayn oo lagu eedaynayo Xukuumadda Somaliland in iyadu ka danbeysay go\u2019aankii-maxkamadeed ee laga gaadhay mas\u2019uuliyiintii ku eedaysnayd arrinta rashinkii mucaawanada ahaa.<\/p>\n<p>Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo weligii dhaqan uma ay ahayn, maantana uma aha, in uu faro-geliyo arrimaha ka socda maxkamadaha Somaliland, oo ah dhardhaar ka madaxbannaan<br \/>\nfulinta iyo sharci-dejintaba. Sida oo kale xukuumaddan maanta ee Somaliland caado uma aha in ay faro-geliso ama ay daaha dabadiisa ka maamusho arrimaha hor yaal garsoorka Somaliland.<\/p>\n<p>Maxkamadaha Somaliland waxay go\u2019aammo dhaxal-gal ah oo loo wada riyaaqay oo aan dhinac ka rarnayn ka qaateen arrimo siyaasadeed oo aad u murugsanaa.<\/p>\n<p>Maxkamadaha Somaliland waxay go\u2019aammo ka qaateen murannadii ka dhex aloosmay Xisbiyada UCID iyo UDUB. Shacbiga Somaliland aad ayay ugu bogeen go\u2019aammadaa caddaaladda iyo garsoorka suubban ku qotomay.<\/p>\n<p>Caqliga fayoobi wuxuu ina tusayaa in Madaxweynaha iyo Xukuumadda faro-gelin waayay arrimahaa siyaasadeed aanay ku dhiirranayn ama dani ugu jirin in ay ku lug yeelato dacwad caadiya oo ka socota maxkamadaha.<\/p>\n<p>Dhanka kale marka aad iska taagto, ma jirto sabab xukuumadda ku kallifta in ay faro-geliso dhacdooyin la xidhiidha raashin muucaawina ah oo dad mas\u2019uuliyiin xukuumadda ka tirsanaa lagu eedeeyay.<\/p>\n<p>Waxa kale oo aanu halkan ku caddaynaynaa in aanay cidina Madaxweynaha ka codsanin saamaxaad, isla markaana aanu Madaxweynuhu cidna farin af iyo qoraal midna, in uu saamaxaad u fidiyay mas\u2019uulintaa la xukumay.<\/p>\n<p>Madaxweynaha iyo Xukuumadda Somaliland waxay mar walba ixtiraamayaan go\u2019aammada ka soo baxa maxkamadaha garsoorka.<\/p>\n<p>Xildhibaannada iyo xubnaha Golaha Dhexe ee Kulmiye ee saxaafadda cabashooyinkooda u adeegsanaya, waxa ka habboon in ay u maraan jidadka sharciyeed ee ay fursadaha u haystaan, aanay dadka kale haysan.<\/p>\n<p>Xafiiska Warqabadka Warsom.com<br \/>\nBoorame,S\/Land<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>WAKAALADDA WARARKA WARSOM.COM Wasiirka wasaaradda warfaafinta iyo wacyigelinta Somaliland Md. Cabdi Yuusuf Ducaale (Boobe) ahna afhayeenka rasmiga ah ee xukuumadda ayaa maanta gaashaanka ku dhuftay warar maalmihii la soo dhaafay ka soo baxayay saxaafadda oo xukuumadda ku eedeynayay inay faro-gelisay xukunkii masuuliyiintii ku eedeysnaa musuqii raashinka. Wasiirka warfaafintu wuxuu sidaasi ku sheegay war-saxaafadeed uu maanta [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":0,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3],"tags":[49],"class_list":["post-7300","post","type-post","status-publish","format-standard","hentry","category-wararka","tag-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/7300","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=7300"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/7300\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":7301,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/7300\/revisions\/7301"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=7300"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=7300"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=7300"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}