{"id":7137,"date":"2012-06-07T15:23:15","date_gmt":"2012-06-07T15:23:15","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=7137"},"modified":"2012-06-07T15:23:15","modified_gmt":"2012-06-07T15:23:15","slug":"shir-ku-saabsan-dib-u-habaynta-shaqaalaha-dawladda-oo-lagu-qabtay-hargeysa%e2%80%8f","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2012\/06\/shir-ku-saabsan-dib-u-habaynta-shaqaalaha-dawladda-oo-lagu-qabtay-hargeysa%e2%80%8f\/","title":{"rendered":"Shir Ku saabsan dib u habaynta shaqaalaha dawladda oo lagu qabtay Hargeysa\u200f."},"content":{"rendered":"<p><a class=\"highslide\" onclick=\"return vz.expand(this)\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2012\/06\/fshssssssssssssxccccccccc.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2012\/06\/fshssssssssssssxccccccccc.jpg\" alt=\"\" title=\"fshssssssssssssxccccccccc\" width=\"350\" height=\"250\" class=\"alignnone size-full wp-image-7140\" \/><\/a><\/p>\n<p>WAKAALADDA WARARKA WARSOM.COM<\/p>\n<p>Agaasimayaasha guud ee wasaaradaha iyo hay\u2019adaha kale ee dawladda Somaliland ayaa maanta kulan balaadhan ku yeeshay Hotel Maansoor ee Magaalada Hargaysa, kaasi oo ujeedadiisu la xidhiidhay qorshaha dib u habaynta shaqaalaha.<\/p>\n<p>Kulankaasi waxa hadal ka soo jeediyey gudoomiyaha Hay\u2019adda Shaqaalaha Dawladda Nuux Sheekh Muuse oo sharaxaad ka bixiyey sababaha loo aasaasay hay\u2019adda shaqaalaha dawladda oo ay ugu horayso in dalku yeesho shaqaale rasmi ah isla markaana la tayeeyo, la dhiirrigeliyo, la anshax-mariyo, la dallacsiiyo ama la ruqseeyo.<\/p>\n<p>Gudoomiyaha hay\u2019adda shaqaaluhu wuxuu sheegay in xukuumadan hadda jirtaa ay ku dhawaaqday qorshaha dib u habaynta shaqaalaha dawladda ayna ahayd mid uu ku dhawaaqay madaxweynaha JSL Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo). <\/p>\n<p>Gudoomiyahu waxuu sheegay in ay hay\u2019ad ahaan u yeedheen agaasimayaashii guud ee wasaaradaha oo ah maskaxdii guud ee wasaaradda, inkastoo buu yidhi ay jirto dhibaato weli ina daba socota oo ah in qaab qabiil lagu keeno agaasimayaasha guud taasoo ah mid u baahan in laga gudbo.<\/p>\n<p>Mudane Nuux waxa uu sheegay in agaasimayaasha guud ay tahay in ay ka dhabeeyaan higelinta baaqii madaxweynaha ee ku aadanaa in la sameeyo isbedel ama dib u habayn dhinaca shaqaalaha dawladda ah.<\/p>\n<p>Agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta iyo wacyigelinta ee JSL Mudane Faysal Cali Sheekh oo ku hadlayey magaca agaasimayaasha guud ee kulanka ka soo qayb galay oo halkaasi ka hadlay ayaa si weyn u soo dhoweeyey qorshaha<br \/>\ndib u habaynta shaqaalaha maadaama ay yihiin buu yidhi lafdhabarta wadanka, waxana uu ku amaanay hay\u2019adda shaqaalaha dawladda sidii ay uga soo gudbeen marxaladii adkayd ee sanadkan ay ku qaadayeen imtixaanaadkii shaqaalaha<br \/>\ndawladda, halka sidoo kalena.<\/p>\n<p>Xafiiska Warqabadka Warsom.com<br \/>\nBoorame,S\/Land<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>WAKAALADDA WARARKA WARSOM.COM Agaasimayaasha guud ee wasaaradaha iyo hay\u2019adaha kale ee dawladda Somaliland ayaa maanta kulan balaadhan ku yeeshay Hotel Maansoor ee Magaalada Hargaysa, kaasi oo ujeedadiisu la xidhiidhay qorshaha dib u habaynta shaqaalaha. Kulankaasi waxa hadal ka soo jeediyey gudoomiyaha Hay\u2019adda Shaqaalaha Dawladda Nuux Sheekh Muuse oo sharaxaad ka bixiyey sababaha loo aasaasay hay\u2019adda [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":0,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3],"tags":[49],"class_list":["post-7137","post","type-post","status-publish","format-standard","hentry","category-wararka","tag-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/7137","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=7137"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/7137\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":7144,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/7137\/revisions\/7144"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=7137"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=7137"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=7137"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}