{"id":7078,"date":"2012-06-06T18:55:30","date_gmt":"2012-06-06T18:55:30","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=7078"},"modified":"2012-06-07T10:16:06","modified_gmt":"2012-06-07T10:16:06","slug":"wasiirka-gaashaandhiga-somaliland-oo-sidii-suldaan-beeshiisha-difaacaya-uga-hadlay-qadiyada-somaliland-laasqoray-kaga-difaacayso-puntland%e2%80%8f","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2012\/06\/wasiirka-gaashaandhiga-somaliland-oo-sidii-suldaan-beeshiisha-difaacaya-uga-hadlay-qadiyada-somaliland-laasqoray-kaga-difaacayso-puntland%e2%80%8f\/","title":{"rendered":"Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland Oo Sidii Suldaan Beeshiisha Difaacaya Uga Hadlay Qadiyada Somaliland Laasqoray Kaga Difaacayso Puntland\u200f."},"content":{"rendered":"<p><a class=\"highslide\" onclick=\"return vz.expand(this)\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2012\/06\/wasiir-cadami.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2012\/06\/wasiir-cadami.jpg\" alt=\"\" title=\"wasiir cadami\" width=\"208\" height=\"125\" class=\"alignnone size-full wp-image-7094\" \/><\/a>WAKAALADDA WARARKA WARSOM.COM<\/p>\n<p>Wasiirka Wasaaradda gaashaandhiga Somaliland Axmed Xaaji Cali Cadami ayaa Somaliland iyo Maamul goboleedka Puntland ugu baaqay In aanay ku goolaaftamin deegaanka Laasqoray oo uu sheegay inay ka socdaan mashaariic horumarineed oo ay ugu muhiimsan tahay dib-u-dhis lagu samaynayo dekeda<br \/>\nMacmalka ah ee Laasqoray<\/p>\n<p>Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland, oo Telefiishanka HCTV iyo Twitter-ka warsom.com waydiiyeen waxa uu kaga jawaabayo dhaqdhaqaaqyada gar-darada ah ee maamul goboleedka Puntland ka wado deegaanka Laasqoray ayaa si qaawan u difaacay hawlaha beesha uu ka soo jeedaa ka wado Laasqoray, waxaanu isaga oo magaca Somaliland afka ka dhowraya uu ku baaqay in Somaliland iyo Maamulka Puntland nabadgalyo siiyaan dadka deegaanka Laaqoray oo buu yidhi goolaaftanka ka daayaan \u201cLaasqoray waa deegaanka ka mid ah Somaliland, beel-baa deggan oo hawlo uga socdaan, wax dhibaato ah oo Somaliland ugu maqan tahay wixii horumar ah ee laga samaynayo aagaasi ma jirto, waxaanuna<br \/>\ndiyaar u nahay in wixii lala qaban karo lala qabto xagga amniga iyo dhan walba.\u201d<\/p>\n<p>Wasiir Cadami oo su\u2019aashii la waydiiyay ku dabaqay luuqad la mid ah ta Salaadiinta qaarkood xukuumaddaha kula hadlaan mararka ay difaacayaan dano ay leeyihiin ay sidoo kale soo qaaday  Halkaasi in goob lagu loolamo ay noqoto diyaar uma nihin oo anagu waxaanu bixinaynaa nabad buuxda oo mashruucaasi iyo cida wadataaba Somaliland nabad ayay ka helaysaa, xalay (Habeen hore) waxaan maqlayey wasiir reer Puntland ah oo leh Somaliland haka gurato, jawaabtu waxay tahay anagu diyaar uma nihin xitaa haddii labada maamul goolaaftamayaan, halaga daayo goolaaftanka Laasqoray iyo meeshaa Mashaariicdu uga socoto (beesha), waayo meelo kale oo badan oo lagu goolaaftami karo ayaa jira, awaamiir aanu kala qaadano iyo qaramada midoobay oo tidhi halkaasi qoladaa waa ka mabnuuc, qoladaana waa loo ogol yahay la arag, laakiin xaalad abuur ayaanu u jeednaa (arkaynaa) waxaanu ku talin lahayd xaalad abuurka, siyaasada iyo mashaariicda hala kala saaro, cidii iyadu cid sideeda u doonaysa way taqaanaa meesha ay ka helayso iyo halka ay ka taliso\u2019e halkeeda haka raadiso, laakiin aagaga kale ee dad ku nool yahay, umaddaa masiirkeeda iyo horumarka ay samaysanayso waxaanu<br \/>\nleenahay haloogu deeqo nabadgalyo ay labada dhinacba ka hesho\u201dayuu yidhi.\u201d<\/p>\n<p>Xafiiska Warqabadka warsom.com<br \/>\nBoorame,S\/Land<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>WAKAALADDA WARARKA WARSOM.COM Wasiirka Wasaaradda gaashaandhiga Somaliland Axmed Xaaji Cali Cadami ayaa Somaliland iyo Maamul goboleedka Puntland ugu baaqay In aanay ku goolaaftamin deegaanka Laasqoray oo uu sheegay inay ka socdaan mashaariic horumarineed oo ay ugu muhiimsan tahay dib-u-dhis lagu samaynayo dekeda Macmalka ah ee Laasqoray Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland, oo Telefiishanka HCTV iyo Twitter-ka warsom.com [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":0,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3],"tags":[49],"class_list":["post-7078","post","type-post","status-publish","format-standard","hentry","category-wararka","tag-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/7078","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=7078"}],"version-history":[{"count":4,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/7078\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":7095,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/7078\/revisions\/7095"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=7078"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=7078"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=7078"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}