{"id":70642,"date":"2021-03-07T22:13:54","date_gmt":"2021-03-07T19:13:54","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=70642"},"modified":"2021-03-09T01:28:34","modified_gmt":"2021-03-08T22:28:34","slug":"saraakiisha-militeryga-soomaaliya-oo-walaac-ka-muujiyay-goaanka-biden","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2021\/03\/saraakiisha-militeryga-soomaaliya-oo-walaac-ka-muujiyay-goaanka-biden\/","title":{"rendered":"Saraakiisha Militeryga Soomaaliya Oo Walaac Ka Muujiyay Go&#8217;aanka Biden"},"content":{"rendered":"<p>Tan iyo markii Joe Biden noqday madaxweynaha Mareykanka 20-kii Janaayo, dowladda Mareykanka ayaan wax duqeymo ah la beegsan Al-Shabaab, kadib toddoba duqeyn oo ay fulisay 1-dii illaa 19-kii Janaayo ee sanadka 2021.<\/p>\n<p>Saraakiil sare oo ka tirsan militiraga Soomaaliya ayaa ka walaacsan in jiheynta cusub, oo xakameyn xooggan kusoo rogtay duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya, una baahan in Aqalka Cad uu ansixiyo howlgallada, ay ka dhigan tahay in Al-Shabaab ay dib isu urursan doonto.<\/p>\n<p>\u201cDuqeyn la\u2019aanta waxay ka dhigan tahay in hoggaamiyayaasha Al-Shabaab ay kasoo bixi doonaan dhuumashada,\u201d waxaa sidaas VOA u sheegay sarkaal sare oo ka tirsan militariga Soomaaliya oo codsaday inaan magaciisa la sheegin.<\/p>\n<p>\u201cWaxay dib usoo saari doonaan hubkooda dagaalka, qoryo waa weyn ay ku rakiban doonaan baabuur, waxayna billaabi doonaan inay tiro badan isku urursadaan,\u201d ayuu yiri.<\/p>\n<p>\u201cWaxay waxyeelo badan u gaysan doontaa Soomaaliya kaliya maahee gobolka oo dhan, haddii Al-Shabaab la siiyo xorriyad ay ku dhaq-dhaqaaqaan.\u201d<\/p>\n<p>Waxaa sidoo kale walaaca sii kordhinaya, ayada oo ciidankii la-dagaalami lahaa Al-Shabaab hadda loo adeegsanayo ujeedooyin siyaasadeed, sida ay sheegeen mas\u2019uuliyiinta Soomaalida.<\/p>\n<p>\u201cXaaladda siyaasadeed ee iminka, oo ciidamadeenii amniga loo weeciyey amniga doorashooyinka iyo shaqooyin siyaasadeed, tani waxay mar kale faa\u2019iido u tahay Al-Shabaab,\u201d waxaa sidaas tiri Samira Gaid oo horey la-taliye sare oo dhanka amniga ugu aheyd ra\u2019iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.<\/p>\n<p>Xayiraadda maamulka Biden uu saaray duqeymaha ka hor-tagga argagixisanimada, oo markii ugu horreysay uu weriyey wargeyska The New York Times, ayaa qeyb ka ah dib u eegis weyn oo maamulka ku sameynayo hanaanka sharciyeed iyo siyaasadeed ee maamula howl-gallada noocan ah.<\/p>\n<p>\u201cUjeedka jiheynta cusub ee ku-meel gaarka ah, waa in la xaqiijiyo in madaxweynaha uu aragti buuxda ka haysto muhiimadda ficilladan,\u201d waxaa sidaas tiri afhayeenka Golaha Amniga Qaranka Mareykanka Emily Horne.<\/p>\n<p>Saraakiisha Soomaalida ayaa sheegay inay fahmi karaan sababta maamulka u adeegsaday arrintan, hase yeeshee ay ka cabsi qabaan inay khasaare horseeddo.<\/p>\n<p>\u201cDabcan waa in howlgallada lagu fuliyaa sida ugu taxaddarka badan ee lagu ilaalin karo shacabka, hase yeeshee xaqiiqda ayaa ah, Al-Shabaab waxay u baahan tahay inay difaac ku jirto, oo aysan marnaba helin xoriyad dhaq-dhaqaaq iyo mid howlgal, taasina waa waxa ay duqeymaha naga caawiyeen,\u201d ayey tiri Samira Gaid.<\/p>\n<p>Bayaan uu soo saaray ayaa taliska AFRICOM waxa uu ku qiray in saraakiisha Soomaalida ay sheegeen in duqeymaha ay qeyb muhiim ah ka yihiin dadaallada ka dhanka ah Al-Shabaab.<\/p>\n<p>\u201cCiidamada Xoogga Soomaaliyeed waxay si buuxda u taageersan yihiin dadaallada AFRICOM ee lagu wiiqayo Al-Shabaab ayada loo adeegsanayo duqeymo,\u201d waxaa sidaas bayaan laga soo xigtay ku yiri Taliyaha ciidamada xoogga dalka Jeneral Yuusuf Raage, isaga oo sidaas ka sheegay kulan uu dhowaan la qaatay saraakiisha Mareykanka.<\/p>\n<p>\u201cDuqeymahan waxay kaalin weyn kaga jiraan dagaalka aan kula jirno cadow aan ka laba labeyn inuu shacabka Soomaaliyeed ku argagax geliyo caburin, baad iyo dil,\u201d ayuu yiri Odowaa.<\/p>\n<p>Si kastaba, Pentagon-ka ayaa Jimcihii sheegay haddii ay jiraan wax walaacyo oo laga qabo in adkeynta uu Biden ku sameeyey maamulka duqeymaha, inaan weli lala wadaagin.<\/p>\n<p>\u201cKama war hayo wax walaacyo ah oo waaxda loo soo muujiyey,\u201d waxaa siudaas weriyayaasha u sheegay afhayeenka Pentagon-ka John Kirby.<\/p>\n<p>Mar ay VOA si toos ah AFRICOM wax uga weydiisay walaaca Soomaalida, waxa uu taliska sheegay \u201cinuu weli ku kalsoon yahay\u201d inay saaxiibadooda Soomaaliya siin karaan taageerada lagama maarmaanka ah ee lagula dagaalaayo Al-Shabaab.<\/p>\n<p><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/beco.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone wp-image-57894 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/beco-300x156.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/beco-300x156.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/beco.jpg 578w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"156\" \/><\/a>\u00a0<a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/syl.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-58055 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/syl.jpg\" alt=\"\" width=\"228\" height=\"221\" \/><\/a>\u00a0<a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58054 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-300x111.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-300x111.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-768x285.jpg 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-696x258.jpg 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell.jpg 850w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"111\" \/><\/a>\u00a0<a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58053 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-252x300.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 252px) 100vw, 252px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-252x300.jpg 252w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-353x420.jpg 353w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1.jpg 450w\" alt=\"\" width=\"252\" height=\"300\" \/><\/a>\u00a0<a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/hormuud-logo.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-58052 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/hormuud-logo.png\" alt=\"\" width=\"251\" height=\"201\" \/><\/a>\u00a0<a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58051 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj-300x38.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj-300x38.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj.jpg 468w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"38\" \/><\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58050 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-300x91.png\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-300x91.png 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-768x232.png 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1024x309.png 1024w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-696x210.png 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1392x420.png 1392w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1068x323.png 1068w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1391x420.png 1391w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom.png 1722w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"91\" \/><\/a><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Tan iyo markii Joe Biden noqday madaxweynaha Mareykanka 20-kii Janaayo, dowladda Mareykanka ayaan wax duqeymo ah la beegsan Al-Shabaab, kadib toddoba duqeyn oo ay fulisay 1-dii illaa 19-kii Janaayo ee sanadka 2021. Saraakiil sare oo ka tirsan militiraga Soomaaliya ayaa ka walaacsan in jiheynta cusub, oo xakameyn xooggan kusoo rogtay duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya, una [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":70643,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3],"tags":[],"class_list":["post-70642","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/70642","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=70642"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/70642\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":70679,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/70642\/revisions\/70679"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/70643"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=70642"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=70642"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=70642"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}