{"id":70603,"date":"2021-03-06T05:13:21","date_gmt":"2021-03-06T02:13:21","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=70603"},"modified":"2021-03-06T21:28:41","modified_gmt":"2021-03-06T18:28:41","slug":"maxay-tahay-sababta-uu-u-baaqday-mudaharaadkii-daljirka-dahsoon","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2021\/03\/maxay-tahay-sababta-uu-u-baaqday-mudaharaadkii-daljirka-dahsoon\/","title":{"rendered":"Maxay Tahay Sababta Uu U Baaqday Mudaharaadkii Daljirka Dahsoon?"},"content":{"rendered":"<div class=\"bbc-1unnq9o-GridComponent e57qer20\" dir=\"ltr\">\n<p class=\"bbc-983qgs-Paragraph e1cc2ql70\" dir=\"ltr\">Golaha Musharraxiinta Mucaaradka ayaa sheegay in ay hakiyeen dibadbax ay qorsheynayeen in ay barito ku qabtaan Magaalada Muqdisho kaddib markii ay sheegeen in ciidamo lagu gadaamay halkaas.<\/p>\n<p class=\"bbc-983qgs-Paragraph e1cc2ql70\" dir=\"ltr\">Dibadbaxa oo ay maanta qabanqaabadi8sa si xoog leh u sococotay ayaa la filayay in uu ka dhaco fagaaraha Daljirka Dahsoon ee degmada Boondheere, oo ah goob caan ku ah isu soo baxyada. Mucaaradka iyo xukuumadda federaalka ayaa isku fahmi waayay arrimo farsamo oo la xiriira mudaharaadkan.<\/p>\n<p class=\"bbc-983qgs-Paragraph e1cc2ql70\" dir=\"ltr\">Shir ay xalay magaalada Muqdisho ku yeesheen Ra&#8217;iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo Musharraxiinta Mucaaradka ayaa ku dhammaaday fashil.<\/p>\n<\/div>\n<div class=\"bbc-1unnq9o-GridComponent e57qer20\" dir=\"ltr\">\n<p class=\"bbc-983qgs-Paragraph e1cc2ql70\" dir=\"ltr\">Labada dhinac ayuu midba kan kale ku dhaliilay in sabab u yahay khilaafka ay ku kala boodeen.<\/p>\n<\/div>\n<div class=\"bbc-1unnq9o-GridComponent e57qer20\" dir=\"ltr\">\n<p class=\"bbc-983qgs-Paragraph e1cc2ql70\" dir=\"ltr\">Hal qodob oo la isku waafaqi waayay, sababna u ah in uu mudaharaadka dhici waayo ayaa ah cidda sugeysa amniga, inkastoo mucaaradku ay ku andacoodeen in ay dowladda u daayeen howshaas.<\/p>\n<\/div>\n<div class=\"bbc-1unnq9o-GridComponent e57qer20\" dir=\"ltr\">\n<h2 id=\"Maxay-dhaheen-musharraxiinta-mucaaradka\" class=\"bbc-pzu2gg-SubHeading e14hemmw0\" tabindex=\"-1\">Maxay dhaheen musharraxiinta mucaaradka?<\/h2>\n<\/div>\n<div class=\"bbc-1unnq9o-GridComponent e57qer20\" dir=\"ltr\">\n<p class=\"bbc-983qgs-Paragraph e1cc2ql70\" dir=\"ltr\">Shir jaraa&#8217;id oo ay galinkii dmabe ee maanta Muqdisho ku qabteen qaar ka mid ah Musharraxiinta Mucaaradka &#8211; oo ay ku jiraan madaxweyneyaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed &#8211; ayey ku sheegeen in ay baajiyeen dibadbixii loo ballansanaa Sabtida kaddib markii dowladdu ay ciidamo hubeysan geystay Daljirka Dahsoon.<\/p>\n<\/div>\n<section class=\"e1j2237y8 bbc-113e14a e1e90g5r0\" role=\"region\" aria-label=\"Xayeysiin 2\" aria-hidden=\"true\" data-e2e=\"advertisement\">\n<div id=\"dotcom-mpu\" class=\"dotcom-ad\"><\/div>\n<\/section>\n<div class=\"bbc-1unnq9o-GridComponent e57qer20\" dir=\"ltr\">\n<p class=\"bbc-983qgs-Paragraph e1cc2ql70\" dir=\"ltr\">Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlayay shirka jaraa&#8217;id ayaa yidhi: &#8220;Dood dheer kaddib annaga iyo xukuumadda waan ku heshiinnay in bannaan baxa la dhigo, way aqbaleen.<\/p>\n<p class=\"bbc-983qgs-Paragraph e1cc2ql70\" dir=\"ltr\">Halkaas ayadoo ay taagan tahay, amnigiina aan ku wareejinnay, annagana qabanqaabadeennii caadiga ahayd aan ku jirno ayaa maanta waad ka war qabtaan Daljirka wuu xiran yahay. Ma aha Daljirka kaliya balse magaalada oo dhan baa xiran.&#8221;<\/p>\n<\/div>\n<div class=\"bbc-1ufkmt5-GridComponent e57qer20\" dir=\"ltr\">\n<figure class=\"bbc-m91nxa-Figure e6bmn90\">\n<div class=\"bbc-1gx5b6l-GridComponent e57qer20\" dir=\"ltr\">\n<div class=\"bbc-bqg5er-GridComponent e57qer20\" dir=\"ltr\">\n<div class=\"bbc-8q39gi-ImagePlaceholder e1whu0\">\n<div class=\"lazyload-wrapper \">\n<div class=\"lazyload-placeholder\"><\/div>\n<\/div>\n<\/div>\n<\/div>\n<\/div>\n<\/figure>\n<\/div>\n<div class=\"bbc-1unnq9o-GridComponent e57qer20\" dir=\"ltr\">\n<p class=\"bbc-983qgs-Paragraph e1cc2ql70\" dir=\"ltr\">Wuxuu dowladda ku eedeeyay in ay &#8220;xero ciidan ka dhigtay&#8221; Daljirka Dahsoon ee ay doonayeen in ay mudaharaadka ku qabsadaan.<\/p>\n<\/div>\n<div class=\"bbc-1unnq9o-GridComponent e57qer20\" dir=\"ltr\">\n<p class=\"bbc-983qgs-Paragraph e1cc2ql70\" dir=\"ltr\">&#8220;Lambar afar ka billow ilaa waqooyiga Muqdisho meesha ugu dambeysa magaaladu way xiran tahay. Ciidan ayaa lagu daadiyay waddooyinkii ayaa la xiray. Daljirka ciidan badan ayaa la dhoobay, xero ciidan ayaaba laga dhigay Daljirkii bannaanbaxa loo qabanqaabinayay,&#8221; ayuu yidhi Xasan Sheekh Maxamuud.<\/p>\n<\/div>\n<div class=\"bbc-1unnq9o-GridComponent e57qer20\" dir=\"ltr\">\n<p class=\"bbc-983qgs-Paragraph e1cc2ql70\" dir=\"ltr\">Sidoo kale Shariif Sheekh Axmed ayaa ku dhawaaqay in in ay baajiyeen mudaharaadkii la filayay, ayna dib kasoo sheegi doonaan xilliga mudaharaad kale la isugu imaanayo.<\/p>\n<\/div>\n<div class=\"bbc-1unnq9o-GridComponent e57qer20\" dir=\"ltr\">\n<p class=\"bbc-983qgs-Paragraph e1cc2ql70\" dir=\"ltr\">Wuxuu intaas ku daray in iyagu ay sugi doonaan amniga mudaharaadka.<\/p>\n<\/div>\n<div class=\"bbc-1unnq9o-GridComponent e57qer20\" dir=\"ltr\">\n<p class=\"bbc-983qgs-Paragraph e1cc2ql70\" dir=\"ltr\">&#8220;Madasha murashaxiintu waxay go&#8217;aansadeen in dib loo dhigo mudaharaadkii, lagana shaqeeyo xilli ay soo goynayaan murashaxiintu, amnigana iyagu ay sugayaan. Dadka abaabuleyaasha, taageerayaasha, shacabka Soomaaliyeed dhammaantood waxaan uga mahad celineynaa dadaalka iyo dhabar-adeyga ay qaadeen arrintaas.&#8221; Ayuu yidhi Shariif Sheekh Axmed.<\/p>\n<\/div>\n<div class=\"bbc-1unnq9o-GridComponent e57qer20\" dir=\"ltr\">\n<p class=\"bbc-983qgs-Paragraph e1cc2ql70\" dir=\"ltr\">Waa markii labaad oo uu si buuxda u baaqdo mudaharaad ay iclaamiyeen mucaaradka, halka marna uu qalalaase isu baddalay isusobax ay sameynayeen qaar ka mid ah hoggaamiyeyaasha madasha murashaxiinta.<\/p>\n<\/div>\n<div class=\"bbc-1unnq9o-GridComponent e57qer20\" dir=\"ltr\">\n<p class=\"bbc-983qgs-Paragraph e1cc2ql70\" dir=\"ltr\">Dhinaca kale, xukuumadda federaalka ayaa sheegtay in ay soo dhaweyneyso go&#8217;aanka ay mucaaradku ku baajiyeen dibadbaxii ay qorsheynayeen.<\/p>\n<\/div>\n<div class=\"bbc-1unnq9o-GridComponent e57qer20\" dir=\"ltr\">\n<p class=\"bbc-983qgs-Paragraph e1cc2ql70\" dir=\"ltr\">Wasiirka Amniga ee dowladda Soomaaliya, Xasan Xundubeey Jimcaale, ayaa sheegay in dowladdu ay markii horeba dooneysay in uusan dibadbaxaasi dhicin.<\/p>\n<\/div>\n<div class=\"bbc-1unnq9o-GridComponent e57qer20\" dir=\"ltr\">\n<p class=\"bbc-983qgs-Paragraph e1cc2ql70\" dir=\"ltr\">&#8220;Dowladdu iyadoo tixgalineysa caafimaadka iyo in amnigu dhibaato badan ka imaan karto markii horeba ra&#8217;yegeedu wuxuu ahaa inaan mudaharaad loo baahneyn, oo xoogga iyo xoolaha aan mudaharaad galineyno loo baahan yahay inaan gelinno oxygen inaan kusoo gadanno. Walaalaheen maanta waxay ku dhawaaqeen in ay mudaharaadkii joojiyeen, aad iyo aad ayan usoo dhaweyneynaa,&#8221; ayuu yidhi Wasiirka.<\/p>\n<\/div>\n<div class=\"bbc-1ufkmt5-GridComponent e57qer20\" dir=\"ltr\">\n<figure class=\"bbc-m91nxa-Figure e6bmn90\">\n<div class=\"bbc-1gx5b6l-GridComponent e57qer20\" dir=\"ltr\">\n<div class=\"bbc-1cx6mr7-GridComponent e57qer20\" dir=\"ltr\"><\/div>\n<\/div>\n<\/figure>\n<\/div>\n<div class=\"bbc-1unnq9o-GridComponent e57qer20\" dir=\"ltr\">\n<p class=\"bbc-983qgs-Paragraph e1cc2ql70\" dir=\"ltr\">Shirka Jaraa&#8217;id ayuu Wasiirka Amniga ku sheegay in markii hore la isku fahmi waayay dalab ay soo jeediyeen madaxda mucaaradka oo ahaa in iyagu ay la wareegaan amniga goobta mudaharaadka.<\/p>\n<\/div>\n<div class=\"bbc-1unnq9o-GridComponent e57qer20\" dir=\"ltr\">\n<p class=\"bbc-983qgs-Paragraph e1cc2ql70\" dir=\"ltr\">&#8220;Dowladdu way oggolaatay in ay murashaxiinta mudaharaad ku qabsadaan Daljirka Dahsoon. Arrintii Farsamada iyo qabashada dibadbaxa markii la gaaray waxay ku adkeysteen in ay dhahaan &#8216;goobta amaankeeda waa in aan annagu la wareegno&#8217;, taasina way ku adkaatay dowladda, sababtoo ah dowladdu ayadaa mas&#8217;uul ka ah wixii meeshaas ka dhaca,&#8221; ayuu yidhi.<\/p>\n<\/div>\n<div class=\"bbc-1unnq9o-GridComponent e57qer20\" dir=\"ltr\">\n<p class=\"bbc-983qgs-Paragraph e1cc2ql70\" dir=\"ltr\">Wasiir Xundubeey oo wax laga weydiiyay ciidamada la sheegay in ay isku gadaameen daljirka Dahsoon ayaa ku jawaabay: &#8220;Ciidamada aad sheegeyso, mar haddii uu goobta mudaharaad ka dhici doono barito in ay maanta amaanka sii sugaan way ku khasban yihiin, waana waajib saaran.&#8221;<\/p>\n<p dir=\"ltr\"><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/beco.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone wp-image-57894 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/beco-300x156.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/beco-300x156.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/beco.jpg 578w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"156\" \/><\/a>\u00a0<a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/syl.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-58055 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/syl.jpg\" alt=\"\" width=\"228\" height=\"221\" \/><\/a>\u00a0<a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58054 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-300x111.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-300x111.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-768x285.jpg 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-696x258.jpg 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell.jpg 850w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"111\" \/><\/a>\u00a0<a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58053 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-252x300.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 252px) 100vw, 252px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-252x300.jpg 252w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-353x420.jpg 353w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1.jpg 450w\" alt=\"\" width=\"252\" height=\"300\" \/><\/a>\u00a0<a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/hormuud-logo.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-58052 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/hormuud-logo.png\" alt=\"\" width=\"251\" height=\"201\" \/><\/a>\u00a0<a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58051 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj-300x38.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj-300x38.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj.jpg 468w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"38\" \/><\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58050 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-300x91.png\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-300x91.png 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-768x232.png 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1024x309.png 1024w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-696x210.png 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1392x420.png 1392w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1068x323.png 1068w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1391x420.png 1391w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom.png 1722w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"91\" \/><\/a><\/p>\n<\/div>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Golaha Musharraxiinta Mucaaradka ayaa sheegay in ay hakiyeen dibadbax ay qorsheynayeen in ay barito ku qabtaan Magaalada Muqdisho kaddib markii ay sheegeen in ciidamo lagu gadaamay halkaas. Dibadbaxa oo ay maanta qabanqaabadi8sa si xoog leh u sococotay ayaa la filayay in uu ka dhaco fagaaraha Daljirka Dahsoon ee degmada Boondheere, oo ah goob caan ku [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":70606,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3],"tags":[],"class_list":["post-70603","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/70603","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=70603"}],"version-history":[{"count":5,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/70603\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":70639,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/70603\/revisions\/70639"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/70606"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=70603"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=70603"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=70603"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}