{"id":70473,"date":"2021-02-26T18:23:07","date_gmt":"2021-02-26T15:23:07","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=70473"},"modified":"2021-02-26T19:55:35","modified_gmt":"2021-02-26T16:55:35","slug":"dacwadda-badda-ee-soomaaliya-iyo-turkiga-oo-turkigu-dadaal-gelinayo-in-isfaham-lagu-dhameeyo","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2021\/02\/dacwadda-badda-ee-soomaaliya-iyo-turkiga-oo-turkigu-dadaal-gelinayo-in-isfaham-lagu-dhameeyo\/","title":{"rendered":"Dacwadda Badda ee Soomaaliya iyo Turkiga oo Turkigu Dadaal Gelinayo In Isfaham Lagu Dhameeyo."},"content":{"rendered":"<p>Turkiga ayaa ka shaqeynaya sidii Soomaaliya iyo Kenya la isugu keeni lahaa miiska wada hadalka ,sida ay oggaatay Warbaahinta\u00a0 Qaar Kamid ah.<\/p>\n<p>Ujeeddada ayaa ah in wada-hadal lagu xalliyo muranka badda ee u dhaxeeya labada dal, waxaana socdaal guda-gal arrintan ah ku tagaya labada dal horraanta bisha soo socota, wasiirka arrimaha dibadda Turkiga Mevl\u00fct \u00c7avusoglu. Inta uu ku jiro booqashada wuxuu la kulmi doonnaa Madaxweyne Farmaajo iyo Uhurro Kenyatta.<\/p>\n<p>Sida laga soo xigtay ilo xogogaal u ah qorshaha cusub ee dublamaasiyadeed, Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan wuxuu aad u daneynayaa in labada dal ay xal nabadeed ka gaaraan dacwadda badda oo ahayd isha ugu weyn ee khilaafaadka labada dal u dhexeeya.<\/p>\n<p>Ankara ayaa isu aragta mid xiriir wanaagsan la leh Soomaaliya iyo Kenya, iyadoo doonaysa inay xallinta arrintan u adeegsato fursad ay ku xoojiso saamaynteeda gobolka iyo midda ay ku leedahay guud ahaanba qaaradda.<\/p>\n<p>Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda ayaa dhowaan diidday codsi ay Kenya u gudbisay oo la xiriiray in markii afaraad dib loo dhigo kiiska, waxaana go\u2019aanka maxkamadda uu noqday in dib loo billaabo 15-ka bisha Maarso, muddadaa ka dibna waxaa la filayaa inay maxkamaddu soo gabagabeyso kiiska sannadkan oo ay soo saarto xukun kama dambeys ah.<\/p>\n<p>Soomaaliya ayaa dacwadda badda gudbisay sannadkii 2015-kii.<\/p>\n<p>Labada dal xiriir aan wanaagsaneyn ayaa ka dhaxeeyay labadii sanno ee u dambeysay, khilaafka wuxuu halkii u sarreysay gaaray bishii November ee sannadkii la soo dhaafay. Soomaaliya waxaa ay eriday safiirkii Kenya , Lucas Tumbo iyo dhammaan diblumaasiyiinta Kenya ka joogay Muqdisho, sababo la xiriira waxa ay Dawladda Soomaaliya ku sheegtay faragelin joogto ah ee arrimaha gudaha.<\/p>\n<p>Xukuumadda Nairobi ayaa iska diidday dhammaan eedeymaha uga yimid Dawladda Soomaaliya, waxaana shir gaar ah oo ay yeesheen hoggaamiyaasha urur-gobolleedka IGAD la isku raacay in guddi xaqiiqo raadin ah loo saaro eedeymaha la xiriira xad-gudubka ay Dawladda Soomaaliya ku eedeysay Kenya- iyadoo warbixintii u horreysay oo guddiga uu soo saaray ay ku gacansayrtay Dawladda Soomaaliya oo ay ku tilmaamtay mid eex ah.<\/p>\n<p>Si kastaba ha ahaatee ma cadda sida uu arrimahan xal ugu heli karo Turkiga. Xilli jahwareer siyaasadeed uu ka taaganyahay Muqdisho, waxaana cadaadis xoog leh kala kulmaya mucaaradka iyo qeybo ka mid ah Dawladaha xubnaha ka ah Dawladda Federaalka madaxweynaha uu muddo xileedkiisu dhacay 8dii Febraayo,Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Mucaaradka ayaa ka dalbaday inuu xukunka ku wareejiyo Gole ku-meel-gaar ah.<\/p>\n<p><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/beco.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone wp-image-57894 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/beco-300x156.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/beco-300x156.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/beco.jpg 578w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"156\" \/><\/a>\u00a0<a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/syl.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-58055 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/syl.jpg\" alt=\"\" width=\"228\" height=\"221\" \/><\/a>\u00a0<a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58054 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-300x111.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-300x111.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-768x285.jpg 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-696x258.jpg 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell.jpg 850w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"111\" \/><\/a>\u00a0<a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58053 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-252x300.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 252px) 100vw, 252px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-252x300.jpg 252w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-353x420.jpg 353w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1.jpg 450w\" alt=\"\" width=\"252\" height=\"300\" \/><\/a>\u00a0<a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/hormuud-logo.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-58052 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/hormuud-logo.png\" alt=\"\" width=\"251\" height=\"201\" \/><\/a>\u00a0<a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58051 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj-300x38.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj-300x38.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj.jpg 468w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"38\" \/><\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58050 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-300x91.png\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-300x91.png 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-768x232.png 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1024x309.png 1024w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-696x210.png 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1392x420.png 1392w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1068x323.png 1068w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1391x420.png 1391w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom.png 1722w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"91\" \/><\/a><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Turkiga ayaa ka shaqeynaya sidii Soomaaliya iyo Kenya la isugu keeni lahaa miiska wada hadalka ,sida ay oggaatay Warbaahinta\u00a0 Qaar Kamid ah. Ujeeddada ayaa ah in wada-hadal lagu xalliyo muranka badda ee u dhaxeeya labada dal, waxaana socdaal guda-gal arrintan ah ku tagaya labada dal horraanta bisha soo socota, wasiirka arrimaha dibadda Turkiga Mevl\u00fct \u00c7avusoglu. [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":70474,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3],"tags":[],"class_list":["post-70473","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/70473","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=70473"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/70473\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":70485,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/70473\/revisions\/70485"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/70474"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=70473"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=70473"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=70473"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}