{"id":70410,"date":"2021-02-22T22:45:50","date_gmt":"2021-02-22T19:45:50","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=70410"},"modified":"2021-02-22T23:45:38","modified_gmt":"2021-02-22T20:45:38","slug":"m-weynaha-puntland-oo-ku-eedeeyey-m-weyne-farmaajo-in-uu-reerkiisa-la-jiro","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2021\/02\/m-weynaha-puntland-oo-ku-eedeeyey-m-weyne-farmaajo-in-uu-reerkiisa-la-jiro\/","title":{"rendered":"M\/weynaha Puntland oo Ku Eedeeyey M\/weyne Farmaajo In uu Reerkiisa La Jiro."},"content":{"rendered":"<p align=\"justify\">Madaxweynaha dowlad gobolleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo xalay shir jaraa\u2019id ku qabtay magaalada Garoowe shaaciyay xog hoose iyo hadalo ay is dhaafsadeen isaga iyo madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo laga soo bilaabo shirarkii doorashooyinka ilaa 19kii bishan oo ay qalaalso ka dhaceen magaalada Muqdisho.<\/p>\n<p>Deni ayaa ku eedeeyay madaxweynaha Farmaajo in uu aamisan yahay in uu dalkan gabi ahaanba ku qabsado sida uu hadalka u dhiggay xoog iyo awood ciidan , isaga oo intaa ku darray in doorashada Soomaliya kala weyn tahay Farmaajo arinta Garbahaareey iyo in beeshiisu aysan ogoleyn in la hoosgeeyo Jubbaland.<\/p>\n<p align=\"justify\">&#8220;Shirkii ugu danbeeyay ee Dhuusamareeb, markii la soo gaaray in laga hadlo arinta gobolka Gedo iyo Garbahaareey wuxuu nagu yiri Annigu waan baxayaa xitaa wuxuu isku dayay in sababta shirka uu u burburinayo aan micno u sameyno, isaga oo markaa diidan in laga hadlo arinta gobolka Gedo iyo Garbahaareey\u2019\u2019 \u00a0habbeen- barkiina waxaa dhawaaqay nin waqtiyada danbe soo baxay oo Dubbe la yiraahdo wixii uu ku hadlayna waad maqasheen &#8221;ayuu yiri Deni.<\/p>\n<p align=\"justify\">Waxaan isku dayay ayuu yiri in aan xasuusiyo madaxweynaha in waqtigu gabagabo yahay islamarkaana ay soo dhawday 8da Feberaayo oo ku ek muddo xileedkisia hasse ahaatee waxaa uu iigu jawaabay ayuu yiri\u2019\u2019 Wax 8da Feberaayo la yiraahdo \u00a0ma jiraan, dalka hay\u2019addaha hadda jira ayaa sii shaqey-naya ilaa laga helayo hay\u2019addo kale oo sharci ah oo badala \u2018\u2019Wuxuu ii soo diray talleefoon markii la dhaafay waqtigii muddo xileedkiisa, wuxuu igu yiri aaway dadkii lahaa waxbaa dhacaya haddii waqtigaa la gaaro, wax dhacay ma aragtay\u2019\u2019<\/p>\n<p align=\"justify\">Saciid Deni ayaa sheegay in dhowr jeer isaga iyo Axmed Madoobe uu kula \u00a0diriray madaxweyne Farmajo la kulanka siyaasiyiinta iyo waxgaradka beesha Hawiye\u2019\u2019&#8217; Marar badan oo aan Muqdisho tagnay aniga iyo Axmed Madoobe madaxweyne Farmaajo wuxuu nagula diriray la kulanka siyaasiyiinta iyo waxgaradka beesha Hawiyo, isaga oo markaa noo muujinaya in ay yihiin dad isaga cadaw ku ah.<\/p>\n<p align=\"justify\">Mar uu soo hadal qaaday Deni dhacadadii 19kii bishan Jimcihii ina dhaafay oo ay ka wada hadleen madaxweyne Farmaajo ayuu sheegay in madaxweyuhu af buuxa ugu sheegay in cid kasta oo sharciga ka hortimaada xoog lagu maquuninayo\u2019\u2019 Waxaan ku iri sow ceeb ma\u2019aha in madaxweynayaal hore iyo Ra\u2019iisal Wasaarihii muddada saddex sano ah kula soo shaqeynayay aad rasaas iyo ciidan u adeegsato, wuxuu igu yiri cid kasta oo sharciga ka hortimaada talaabo ayaa laga qaadayaa\u2019\u2019<\/p>\n<p align=\"justify\">Deni ayaa siweyn u weerarray ujeedada laga leeyahay ciidamada Gorgor iyo Harimocad oo uu ku tilmaamay in ay yihiin ciidamo qarsoon oo howlo gaar ah qabta, laakiin aan loogu tala-galin in ay cadawga la dagaalamaan sida uu hadalka u dhiggay.<\/p>\n<p align=\"justify\">\u2018\u2019Ciidamadan la leeyahay Gorgor iyo Harimocade bal dib u fiiriya ilaa iyo hadda meelaha ay ka dagaalameen oo aan annigu arkay waa Dhuusa-Mareeb, Gedo iyo Daljirka Dahsoon ee magaalada Muqdisho, Huriwaana lama taggi karo oo Al-shabaab ayaa heysta, waddada Muqdisho iyo Afgooyana wey xiran tahay oo ma taggaan, ayuu yiri Deni.<\/p>\n<p align=\"justify\">Mar uu soo hadal qaaday shirka uu ku baaqay madaxweynaha ayuu sheegay in magaalada Muqdisho xiligan lafahooda kala baqayaan, \u2018\u2019 bal ka warama haddii hadda taggista magaaladii Muqdisho laga wiswisayo, oo laga baqayo oo la leeyahay armaa raashinka sun leydiin ku darraa\u2019\u2019 ayuu yiri Deni oo hadalkiisa sii raaciyay in dalku meel halis ah marayo.<\/p>\n<p align=\"justify\">Beesha caalamka ayuu ugu baaqay in ay hoos u eegaan xaalada dalka \u2018\u2019 Beesha caalamku waxey uga dhagtay fulinta heshiiskii 17ka September, waxaan leeyahay arintu 17ka September wey soo dhaaftay 19ka Feberaayo ayaa ka danbeysay\u2019\u2019.<\/p>\n<p align=\"justify\">Ugu dambeyn ayuu sheegay in dalka uu halis ugu jiro in uu dagaal sokeeye ku laabto, iyadoo beesha caalamka aanay wax badan kala socon, islamarkaana Pu<a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/beco.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone wp-image-57894 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/beco-300x156.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/beco-300x156.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/beco.jpg 578w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"156\" \/><\/a>\u00a0<a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/syl.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-58055 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/syl.jpg\" alt=\"\" width=\"228\" height=\"221\" \/><\/a>\u00a0<a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58054 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-300x111.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-300x111.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-768x285.jpg 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-696x258.jpg 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell.jpg 850w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"111\" \/><\/a>\u00a0<a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58053 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-252x300.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 252px) 100vw, 252px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-252x300.jpg 252w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-353x420.jpg 353w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1.jpg 450w\" alt=\"\" width=\"252\" height=\"300\" \/><\/a>\u00a0<a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/hormuud-logo.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-58052 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/hormuud-logo.png\" alt=\"\" width=\"251\" height=\"201\" \/><\/a>\u00a0<a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58051 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj-300x38.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj-300x38.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj.jpg 468w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"38\" \/><\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58050 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-300x91.png\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-300x91.png 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-768x232.png 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1024x309.png 1024w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-696x210.png 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1392x420.png 1392w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1068x323.png 1068w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1391x420.png 1391w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom.png 1722w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"91\" \/><\/a>ntland aanay qeyb ka noqon doonin halista Farmaajo la damacsan yahay dalka.<\/p>\n<p align=\"justify\">Guud ahaan marka la eego hadalka madaxweynaha dowlad gobolleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa muujinaya dhinacyada Soomaaliya ku sii kala fogaanayaa heshiis laga gaaro khilaafka doorashada.<\/p>\n<p align=\"justify\">\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Madaxweynaha dowlad gobolleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo xalay shir jaraa\u2019id ku qabtay magaalada Garoowe shaaciyay xog hoose iyo hadalo ay is dhaafsadeen isaga iyo madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo laga soo bilaabo shirarkii doorashooyinka ilaa 19kii bishan oo ay qalaalso ka dhaceen magaalada Muqdisho. Deni ayaa ku eedeeyay madaxweynaha Farmaajo in uu aamisan [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":70411,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3],"tags":[],"class_list":["post-70410","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/70410","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=70410"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/70410\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":70423,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/70410\/revisions\/70423"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/70411"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=70410"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=70410"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=70410"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}