{"id":70124,"date":"2021-02-09T19:16:15","date_gmt":"2021-02-09T16:16:15","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=70124"},"modified":"2021-02-10T00:05:48","modified_gmt":"2021-02-09T21:05:48","slug":"dastuuriyan-m-weyne-farmaajo-oo-sii-joogistiisa-xafiiska-siyaabo-kala-duwan-looga-hadley","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2021\/02\/dastuuriyan-m-weyne-farmaajo-oo-sii-joogistiisa-xafiiska-siyaabo-kala-duwan-looga-hadley\/","title":{"rendered":"Dastuuriyan M\/weyne Farmaajo oo Sii Joogistiisa Xafiiska Siyaabo Kala Duwan Looga Hadley."},"content":{"rendered":"<p>Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maalintii shalay ay uga ekeyd muddo xilkeedka xafiiska loo dhaariyay ee afarta sano ayeey dood badani ka taaggan tahay awooda sharci ee uu ku sii joogayo xafiiska.<\/p>\n<p>Siyaasiyiinta mucaaradka iyo midowga musharixiinta intaba waxaa ay u soo jeediyeen madaxweynaha in uu xafiiska banneeyo, kuna wareejiyo awooda dalka guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.<\/p>\n<p>Qoraal ay soo saareen ayeey sidoo kale siyaasiyiinta mucaaradku ku sheegeen in aysan u aqoosaneyn Farmaajo in uu yahay madaxweynaha Jahmuuriyada.<\/p>\n<p>Garyaqaan Cabdiwaaxid Cusmaan Qalinle\u00a0 oo ku sugan \u00a0gobolka Minnesota oo su&#8217;aashan la weydiiyay ayaa sheegay in sharcigu u ogolaanayo madaxweyne Farmaajo in uu xilka sii hayo, isaga oo tusaale u soo qaatay sharci uu horrey Baarlamaanku u meelmariyay oo ahaa in xilka sii heyn doonaan hay&#8217;addaha Dastuuriga ah ilaa laga helayo hay&#8217;addo kale oo sharci ah oo tallada kala wareega.<\/p>\n<p>Wuxuu intaa ku darray in taasi macnaheedu aheyn in ay meesha iska sii joogayaan, laakiin loo baahan yahay in madaxtooyada iyo xukuumadda intaba muddo gaaban uga shaqeeyaan sidii uu dalka doorasho u aadi lahaa.<\/p>\n<p>&#8221;Waa in ay ka shaqeeyaan sidii ay dalka muddo gaaban doorasho uga dhici laheyd,\u00a0waa in sii joogista madaxweynuhu aysan noqon mid iska furran laakiin waa in deg deg jadwal doorasho loo diyaariyaa &#8221; ayuu yiri Garyaaqaan Cabdiwaaxid\u00a0 Cusmaan Qalinle oo la hadlayay VOA.<\/p>\n<p>Waxaa uu meesha ka saaray erayga ah in Farmaajo loo aqoonsanayo waqtigan madaxweynihii hore ee Soomaaliya ilaa uu xafiiska ku wareejinayo madaxweyne kale oo isaga badala.<\/p>\n<p>Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa \u00a0dabayaaqadii sanadkii hore magaalada Garoowe ka sheegay haddii ay dhici weydo doorasho heshiis lagu yahay ka hor waqtiga u dhiman dowladda, in ay xilka sii heyn doonaan sida uu hadalka ku dhiggay hay&#8217;addaha Dastuuriga ah ee hadda jira.<\/p>\n<p>Madaxweynaha dowladda Soomaaliya ayaa siweyn loogu eedeynayaa in uusan ka shaqeyn muddadii uu xafiiska joogay sidii ay doorasho dalka uga dhici laheyn, sidaa daraadeed ay tahay in uu xafiiska banneeyo, madaama uu ku fashilmay in uu dalka doorasho u diyaariyo ka hor inta \u00a0uusan dhamaan muddo xileedkiisa.<\/p>\n<p>Laakiin Cabdiwaaxid Qalinle ayaa sheegay in ujeedadu tahay in aan dalka meel cidlo ah looga dhaqaaqin oo aysan dhicin fariiq dowladdeed, laakiin mar walba looga baahan yahay madaxda hadda joogta in ay ku dhaqsadaan doorasho wadar ogol ah oo dalka laga hergaliyo.<\/p>\n<p>&#8221;Iyaga hadda shaqo kale oo u taalaa ma jirto, go&#8217;aamo waaweyn oo ay gaari karaanna ma jirto, oo aan aheyn kaliya in ay doorashada ka shaqeeyaan&#8221; ayuu yiri Garyaqaanka.<\/p>\n<p>Dhawaan mar uu khudbad ka jeedinayay madaxweyne Farmaajo Golaha Shacabka ayuu sheegay in wali ay jirto rajo ah in isfaham laga gaaro khilaafka dhinaca doorashada ah ee taaggan, laakiin madaxweynuhu ma uusan sheegin waqti go&#8217;an oo doorashada heshiis looga gaari karo.<\/p>\n<p><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/beco.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone wp-image-57894 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/beco-300x156.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/beco-300x156.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/beco.jpg 578w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"156\" \/><\/a>\u00a0<a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/syl.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-58055 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/syl.jpg\" alt=\"\" width=\"228\" height=\"221\" \/><\/a>\u00a0<a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58054 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-300x111.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-300x111.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-768x285.jpg 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-696x258.jpg 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell.jpg 850w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"111\" \/><\/a>\u00a0<a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58053 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-252x300.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 252px) 100vw, 252px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-252x300.jpg 252w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-353x420.jpg 353w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1.jpg 450w\" alt=\"\" width=\"252\" height=\"300\" \/><\/a>\u00a0<a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/hormuud-logo.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-58052 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/hormuud-logo.png\" alt=\"\" width=\"251\" height=\"201\" \/><\/a>\u00a0<a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58051 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj-300x38.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj-300x38.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj.jpg 468w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"38\" \/><\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58050 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-300x91.png\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-300x91.png 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-768x232.png 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1024x309.png 1024w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-696x210.png 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1392x420.png 1392w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1068x323.png 1068w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1391x420.png 1391w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom.png 1722w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"91\" \/><\/a><\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maalintii shalay ay uga ekeyd muddo xilkeedka xafiiska loo dhaariyay ee afarta sano ayeey dood badani ka taaggan tahay awooda sharci ee uu ku sii joogayo xafiiska. Siyaasiyiinta mucaaradka iyo midowga musharixiinta intaba waxaa ay u soo jeediyeen madaxweynaha in uu xafiiska banneeyo, kuna wareejiyo awooda dalka guddoomiyaha [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":70125,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3],"tags":[],"class_list":["post-70124","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/70124","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=70124"}],"version-history":[{"count":4,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/70124\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":70143,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/70124\/revisions\/70143"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/70125"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=70124"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=70124"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=70124"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}