{"id":69399,"date":"2021-01-05T18:04:38","date_gmt":"2021-01-05T15:04:38","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=69399"},"modified":"2021-01-05T18:35:06","modified_gmt":"2021-01-05T15:35:06","slug":"g-sh-hoose-wiil-dhalinyaro-ah-oo-askeri-ciidamada-dawlada-ka-tirsanaa-uu-toogasho-ku-dilay","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2021\/01\/g-sh-hoose-wiil-dhalinyaro-ah-oo-askeri-ciidamada-dawlada-ka-tirsanaa-uu-toogasho-ku-dilay\/","title":{"rendered":"G\/sh\/hoose Wiil Dhalinyaro ah oo Askeri Ciidamada Dawlada Ka Tirsanaa uu Toogasho Ku Dilay."},"content":{"rendered":"<p>Sida laga soo xigtay dad goobjoog u ahaa dhacdadan Wiilka oo magaciisa loo soo gaabiyay Dhurre ayaa waxaa madaxa ka toogtay askari ka tirsan ciidanka dowladda Soomaaliya xili uu ku sugnaa deegaanka Golweyn ee gobolka Shabeellaha Hoose.<\/p>\n<p>Goobjoogayaasha ayaa warbaahinta u sheegay in askariga iyo marxuumka ay ku murmeen lacag uu askarigu weydiisatay marxuumka oo ka mid ahaa dadka ku xamaasha mootada nooca loo yaqaan Fekonta\u00a0 oo siweyn looga adeegsado deegaanka.<\/p>\n<p>&#8221;Wuxuu weydiistay lacag uu Qaad ku iibsado, laakiin wuu ka cudurdaartay in uu siiyo, kaddibna askarigu wuxuu bilaabay in uu qasbo marxuumka taasoo is jiidjiid kaddib keentay in uu madaxa ka toogto&#8221; ayuu yiri qof ku sugan deegaanka Golweyn oo la hadlay warbaahinta<\/p>\n<p>Dhacdadan ayaa waxaa siweyn uga xumaaday dadka deegaanka oo sheegay in wax lala yaabo aheyd sababta loo dilay ninkaa dhalinyarrada ah.<\/p>\n<p>Ciidamada dowladda ayaa marar badan oo hore siddan oo kale dad shacab ah ugu dilay qeybo kala duwan oo dalka kuwaa oo qaarkood loo dilay sababo aan macquul aheyn.<\/p>\n<p>Maxkamada ciidamada qalabka sida ayaa dhowr jeer oo hore arintan uga digtay ciidamada, hasse ahaatee waxaa muuqata in dilalku wali halkoodii ka sii socdaan,<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Sida laga soo xigtay dad goobjoog u ahaa dhacdadan Wiilka oo magaciisa loo soo gaabiyay Dhurre ayaa waxaa madaxa ka toogtay askari ka tirsan ciidanka dowladda Soomaaliya xili uu ku sugnaa deegaanka Golweyn ee gobolka Shabeellaha Hoose. Goobjoogayaasha ayaa warbaahinta u sheegay in askariga iyo marxuumka ay ku murmeen lacag uu askarigu weydiisatay marxuumka oo [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":69400,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3],"tags":[],"class_list":["post-69399","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/69399","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=69399"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/69399\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":69401,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/69399\/revisions\/69401"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/69400"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=69399"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=69399"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=69399"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}