{"id":68501,"date":"2020-11-20T19:33:58","date_gmt":"2020-11-20T16:33:58","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=68501"},"modified":"2020-11-21T00:47:47","modified_gmt":"2020-11-20T21:47:47","slug":"qaar-kamid-ah-musharaxiinta-diidan-sida-loo-maamulayo-doorashada-2020-2021-oo-maanta-muqdisho-kasoo-degay","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2020\/11\/qaar-kamid-ah-musharaxiinta-diidan-sida-loo-maamulayo-doorashada-2020-2021-oo-maanta-muqdisho-kasoo-degay\/","title":{"rendered":"Qaar Kamid ah Musharaxiinta Diidan Sida Loo Maamulayo Doorashada 2020\/2021 oo Maanta Muqdisho kasoo Degay."},"content":{"rendered":"<p>Saacadihii ugu danbeeyay Garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho waxaa ka soo Deggay qaar ka mid ah musharixiinta xilka madaxweynaha Soomaaliya doorashada 2020-21, dhinaca kalana ah siyaasiyiin siweyn uga biyo diidan hannaanka ay dowladdu u maamuleyso doorashada.<\/p>\n<p>Ra\u2019iisal Wasaarihii hore ee dalka laakiin hadda ah musharax u taaggan xilka madaxweynaha Soomaaliya Xassan Cali Kheyre iyo musharax Daahir Maxamuud Geelle ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay, waxaana horay u sii joogay magaalada musharixiin kale uu ka mid yahay Cabdikariin Xusseen Guulleed.<\/p>\n<p>Isku imaantinka musharixiintan oo horey bayaan ka dhan ah doorashada u soo saaray ayaa u muuqda mid cadaadis lagu saarayo Dowladda Dhexe Federaalka oo eedeynta ugu culus ee loo jeedinayo tahay in ay waddo qorshe ay ku musuqmaasuqeyso doorashada.<\/p>\n<p>Daahir Maxamuud Geelle oo taageerayaashiisa la hadlayay ayaa sheegay in marka musharixiinta oo dhan ku soo dhameystirmaan magaalada \u00a0Muqdisho soo saari doonaan bayaan la xiriira qaabka ay ka rabaan in ay u dhacdo doorashada dalka, isaga oo dhinaca kale sheegay in aysan raali ka aheyn isku goodin iyo caburin siyaasadeed oo uu ku eedeeyay dowladda hadda jirta ee uu madaxweynaha ka yahay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.<\/p>\n<p>Xassan Cali Kheyre oo meel fagaaro ah kula hadlayay taageerayaashiisa ayaa yiri \u2018\u2019Haddii aan lagu heshiin nidaamka doorasho oo aan lagu wada qanacsanaan lagu heshiin-maayo dowladnimada.<\/p>\n<p>Siyaasiyiinta mucaaradka oo intooda badan isku aragti ka ah mowqifka ka dhanka ah doorashada iyo guddiyada ay dowladdu u magacaawday ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay arintan, iyaga oo sheegay in madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ka weecday dhabihii sharciga waxaana ay ka digeen in dalka la galiyo qalaalase iyo fowdo siyaasadeed.<\/p>\n<p>Laakiin dhinaca mas\u2019uuliyiinta dowladda marka la eego iyagu ma qabaan dareenka ay muujiyaan siyaasiyiinta mucaaradka ku ah, taa badalkeedana waxaa ay ku adkeysanayaa in ay dalka ku hoggaamin doonaan doorasho daah furan oo si xalaal ah u dhacda.<\/p>\n<p>Ra\u2019iisal Wasaare Maxamed Xusseen Rooble ayaa kol sheegay in saaxiibada mucaaradka looga baahan yahay in ay is dajiyaan kuna kalsoonaadaan xukuuumada, waxaana uu meesha ka saaray in ay qorsheynayaan boob lagu sameeyo doorashada.<\/p>\n<p>Inkastoo Ra\u2019iisal Wasaare Rooble uu kulan la qaatay guddiyada lagu muransan yahay ee doorashada islamarkaana uu howlgaliyay haddana waxaa wali maqan guddiyadii heer dowlad gobolleed ee maamulada Jubbaland iyo Puntland oo aan wali dhankooda soo magacaabin xubnihii laga sugayay, waxaana muuqata in labadan maamul laftirkooda walwal ka qabaan habka loo maamulayo doorashada.<\/p>\n<p>Beesha caalamka wali si faah faahin ugama aysan hadalin mowqifkeeda ku aadan khilaafka ka taaggan sida loo wajahayo doorashada sanadka 2021 oo ah mid xasaasi ah siweynna dadweynaha Soomaaliyeed isha ugu hayaan.<\/p>\n<p><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/beco.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone wp-image-57894 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/beco-300x156.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/beco-300x156.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/beco.jpg 578w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"156\" \/><\/a>\u00a0<a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/syl.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-58055 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/syl.jpg\" alt=\"\" width=\"228\" height=\"221\" \/><\/a>\u00a0<a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58054 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-300x111.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-300x111.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-768x285.jpg 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-696x258.jpg 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell.jpg 850w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"111\" \/><\/a>\u00a0<a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58053 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-252x300.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 252px) 100vw, 252px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-252x300.jpg 252w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-353x420.jpg 353w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1.jpg 450w\" alt=\"\" width=\"252\" height=\"300\" \/><\/a>\u00a0<a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/hormuud-logo.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-58052 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/hormuud-logo.png\" alt=\"\" width=\"251\" height=\"201\" \/><\/a>\u00a0<a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58051 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj-300x38.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj-300x38.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj.jpg 468w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"38\" \/><\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58050 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-300x91.png\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-300x91.png 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-768x232.png 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1024x309.png 1024w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-696x210.png 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1392x420.png 1392w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1068x323.png 1068w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1391x420.png 1391w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom.png 1722w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"91\" \/><\/a><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Saacadihii ugu danbeeyay Garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho waxaa ka soo Deggay qaar ka mid ah musharixiinta xilka madaxweynaha Soomaaliya doorashada 2020-21, dhinaca kalana ah siyaasiyiin siweyn uga biyo diidan hannaanka ay dowladdu u maamuleyso doorashada. Ra\u2019iisal Wasaarihii hore ee dalka laakiin hadda ah musharax u taaggan xilka madaxweynaha Soomaaliya Xassan Cali Kheyre iyo musharax Daahir [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":68502,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3],"tags":[],"class_list":["post-68501","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/68501","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=68501"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/68501\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":68513,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/68501\/revisions\/68513"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/68502"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=68501"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=68501"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=68501"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}