{"id":67105,"date":"2020-08-29T22:59:54","date_gmt":"2020-08-29T19:59:54","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=67105"},"modified":"2020-08-29T23:16:55","modified_gmt":"2020-08-29T20:16:55","slug":"xafiiska-qaramada-midoobay-ee-soomaaliya-oo-waqtiga-loo-kordhiyey","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2020\/08\/xafiiska-qaramada-midoobay-ee-soomaaliya-oo-waqtiga-loo-kordhiyey\/","title":{"rendered":"Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya oo Waqtiga Loo Kordhiyey."},"content":{"rendered":"<p>Golaha Ammaanku wuxuu meel mariyey qaraar lagu cusbooneysiinayo howlgalka Kaalmeynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM), illaa iyo 31ka Agoosto, 2021.<\/p>\n<p>Qaraar 2540, oo ay si wadajir ah u qaateen 15-ka xubnood ee golaha, ayaa ka codsanaya UNSOM inay ilaaliso oo ay sii xoojiso joogitaankeeda dhamaan dowladaha xubnaha ka ah federaalka ee Soomaaliya, iyada oo la raacayo shuruudaha amniga ee UN-ka iyo sida xaaladdu amni tahay.<\/p>\n<p>Golaha Ammaanku wuuxu u muujiyey taageerada UNSOM ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan horumarinta siyaasadda loo dhan yahay iyo u diyaargarowga doorashooyinka 2021, geeddi-socodka dib-u-eegista dastuurka, dhexdhexaadinta, ka hortagga iyo xallinta khilaafaadka, horumarinta booliska federaaliga ah iyo nidaamka garsoorka, xoojinta ku dhaqanka sharciga iyo dib u habeynta waaxda amniga, iyo isku-dubaridka taageerada kobcinta awooda ee arrimaha la dagaalanka musuqmaasuqa.<\/p>\n<p>Goluhu wuxuu ku booriyay mas&#8217;uuliyiinta Soomaaliya inay abuuraan jawi siyaasadeed iyo nabadgelyo oo ku habboon doorashooyinka loo dhan yahay ee guud ahaan Soomaaliya iyo heerar kasta si loo kobciyo hannaanka siyaasadeed ee badan, la hubiyo xuquuqda iyo waajibaadka xisbiyada siyaasadeed ee sharci ahaan loo dhisay, la dhowro xuquuqda aasaasiga ah, lana cambaareeyo hurinta rabshadaha.<\/p>\n<p>Wuxuu ugu baaqay dowladda federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah federaalka inay sare u qaadaan la-tashiyada iyo dhismaha is-afgarad iyada oo loo marayo habab wadatashi oo heer walba leh.<\/p>\n<p><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/beco.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone wp-image-57894 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/beco-300x156.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/beco-300x156.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/beco.jpg 578w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"156\" \/><\/a>\u00a0<a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/syl.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-58055 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/syl.jpg\" alt=\"\" width=\"228\" height=\"221\" \/><\/a>\u00a0<a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58054 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-300x111.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-300x111.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-768x285.jpg 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-696x258.jpg 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell.jpg 850w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"111\" \/><\/a>\u00a0<a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58053 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-252x300.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 252px) 100vw, 252px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-252x300.jpg 252w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-353x420.jpg 353w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1.jpg 450w\" alt=\"\" width=\"252\" height=\"300\" \/><\/a>\u00a0<a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/hormuud-logo.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-58052 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/hormuud-logo.png\" alt=\"\" width=\"251\" height=\"201\" \/><\/a>\u00a0<a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58051 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj-300x38.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj-300x38.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj.jpg 468w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"38\" \/><\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58050 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-300x91.png\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-300x91.png 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-768x232.png 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1024x309.png 1024w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-696x210.png 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1392x420.png 1392w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1068x323.png 1068w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1391x420.png 1391w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom.png 1722w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"91\" \/><\/a><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Golaha Ammaanku wuxuu meel mariyey qaraar lagu cusbooneysiinayo howlgalka Kaalmeynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM), illaa iyo 31ka Agoosto, 2021. Qaraar 2540, oo ay si wadajir ah u qaateen 15-ka xubnood ee golaha, ayaa ka codsanaya UNSOM inay ilaaliso oo ay sii xoojiso joogitaankeeda dhamaan dowladaha xubnaha ka ah federaalka ee Soomaaliya, iyada oo la [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":67106,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3],"tags":[],"class_list":["post-67105","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/67105","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=67105"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/67105\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":67109,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/67105\/revisions\/67109"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/67106"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=67105"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=67105"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=67105"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}