{"id":65478,"date":"2020-05-29T23:56:18","date_gmt":"2020-05-29T20:56:18","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=65478"},"modified":"2020-06-01T02:24:06","modified_gmt":"2020-05-31T23:24:06","slug":"dibad-bax-rabshado-wata-oo-wali-ka-socda-gobolo-mareykanka-kamid-ah","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2020\/05\/dibad-bax-rabshado-wata-oo-wali-ka-socda-gobolo-mareykanka-kamid-ah\/","title":{"rendered":"Dibad Bax Rabshado Wata oo Wali Ka Socda Gobolo Mareykanka Kamid ah."},"content":{"rendered":"<div align=\"justify\">\n<p>Magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota waxaa maalintii sadexaad ka socda muhaaraadyo rabshado wata, kuwaas oo lagu dalbanaayo in la soo xiro saraakiishii ciidanka booliska ee lagu eedeeyay inay dileen George Floyd oo ahaa African-American.<\/p>\n<div class=\"inline-ad\">\n<div>Dibad baxayaasha oo ku qeylinaya \u201cMa neefsan karo\u201d oo ahaa eraygii ugu dambeeyay ee Floyd yiraahdo inta uusan dhiman ayaa ku sii jeeda faras magaalaha Minneapolis, waxaana laga qabsi qabaa in dab hor leh ay qabadsiiyaan xarumo iyo dhismeyaal muhiim ah.\u00a0 Waxaa la gubay dhowr xarumood oo ay leeyihiin ciidamada booliska Minneapolis iyo goobo ganacsi oo dhac iyo dab la iskugu daray. Ciidamada gaarka ah ee National Guard ayaa lagu amray inay xoojiya kuwa booliska, waxaana 500 oo ka mid ah ay saaka ku soo biireen xakameynta rabshadahan.<\/div>\n<div><\/div>\n<\/div>\n<p>Duqa magaaladda Minneapolis Jacob Frey ayaa bannaan baxayaasha ka codsaday in la ilaaliyo xassiloonida, si nabad ahna dareenka shacabka loo muujiyo. \u201cWixii dhacay maalmihii ugu dambeeyay wax la aqbali karo maahan, waxaan codsaneynaa in magaalada laga taxadaro\u201d ayuu yiri Frey.<\/p>\n<p>Madaxweyne Donald Trump ayaa isna ku hanjabay inuu soo faragalin doono arrinta Minneapolis haddii aan la xakameyn rabshadaha socda. Wuxuuu sheegay inuu la hadlay guddoomiyaha gobolka Minnesota Tim Walz. \u201cMa daawan karo waxaa ka socda magaalada Minneapolis\u201d ayuu tweeterkiisa ku soo qoray.<\/p>\n<p>Waxaa sidoo kale xoogeysanayaa baaqa ku socda xeer-ilaaliyaha degmada Mike Freeman, kaas oo looga codsanayo inuu soo xiro askari jilinkiisa ku dilay Floyd, waxaana la aaminsanyahay in haddii la soo xiro ay xaalddu degi doonto.<\/p>\n<\/div>\n<div align=\"justify\">Xeer-ilaaliyaha Gobolka Minnesota, Keith Ellison ayaa isna sheegay inuu rajeynayo in dhawaan dacwo lagu soo oogi doono saraakiishii ku lugta laheyd geerida Floyd. \u201cSi kasta oo aan awoodno oo taxadar iyo dhaqso leh ayaan uga qeyb qaadaneynaa arrintan\u201d ayuu yiri.<\/div>\n<div align=\"justify\">\n<p>Dibad baxan wuxuu ku fiday gobolo badan, waxaana ka mid ah gobolka New York oo lagu xiray 72 qofood. Gobolada kale ee ka coarooday dilkii Floyd waxaa ka mid ah Arizona, Tennessee, Ohio iyo Colorado.Qoyska Floyd iyo hoggaamiyeyaasha dadka laga tira badan yahay ayaa iyaguna dibad baxayaasha ka codsaday in rabshaha la joogiyo, si nabad ahna loo muujiyo carada laga qaaday dilkii George Floyd.<\/p>\n<p><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/beco.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone wp-image-57894 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/beco-300x156.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/beco-300x156.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/beco.jpg 578w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"156\" \/><\/a>\u00a0<a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/syl.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-58055 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/syl.jpg\" alt=\"\" width=\"228\" height=\"221\" \/><\/a>\u00a0<a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58054 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-300x111.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-300x111.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-768x285.jpg 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-696x258.jpg 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell.jpg 850w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"111\" \/><\/a>\u00a0<a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58053 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-252x300.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 252px) 100vw, 252px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-252x300.jpg 252w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-353x420.jpg 353w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1.jpg 450w\" alt=\"\" width=\"252\" height=\"300\" \/><\/a>\u00a0<a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/hormuud-logo.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-58052 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/hormuud-logo.png\" alt=\"\" width=\"251\" height=\"201\" \/><\/a>\u00a0<a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58051 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj-300x38.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj-300x38.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj.jpg 468w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"38\" \/><\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58050 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-300x91.png\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-300x91.png 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-768x232.png 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1024x309.png 1024w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-696x210.png 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1392x420.png 1392w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1068x323.png 1068w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1391x420.png 1391w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom.png 1722w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"91\" \/><\/a><\/p>\n<\/div>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota waxaa maalintii sadexaad ka socda muhaaraadyo rabshado wata, kuwaas oo lagu dalbanaayo in la soo xiro saraakiishii ciidanka booliska ee lagu eedeeyay inay dileen George Floyd oo ahaa African-American. Dibad baxayaasha oo ku qeylinaya \u201cMa neefsan karo\u201d oo ahaa eraygii ugu dambeeyay ee Floyd yiraahdo inta uusan dhiman ayaa ku [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":65479,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3,36],"tags":[],"class_list":["post-65478","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka","category-wararka-caalamka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/65478","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=65478"}],"version-history":[{"count":6,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/65478\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":65510,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/65478\/revisions\/65510"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/65479"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=65478"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=65478"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=65478"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}