{"id":65273,"date":"2020-05-20T01:28:03","date_gmt":"2020-05-19T22:28:03","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=65273"},"modified":"2020-05-20T01:32:41","modified_gmt":"2020-05-19T22:32:41","slug":"dhageysiga-dacwadda-badda-ee-soomaaliya-iyo-kenya-oo-mar-kale-dib-loo-dhigay","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2020\/05\/dhageysiga-dacwadda-badda-ee-soomaaliya-iyo-kenya-oo-mar-kale-dib-loo-dhigay\/","title":{"rendered":"Dhageysiga Dacwadda Badda ee Soomaaliya Iyo Kenya oo Mar Kale Dib Loo Dhigay."},"content":{"rendered":"<div align=\"justify\">\n<p>Garsoorka maxkamadda caddaaladda caalamiga ah ee ICJ ayaa ku dhawaaqay in mar kale dib loo dhigay waqtiga dhageysiga dacwadda muranka badda ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya.<\/p>\n<div class=\"inline-ad\">\n<div><\/div>\n<div id=\"1412x300x250x278x_ADSLOT3\"><\/div>\n<\/div>\n<p>War maanta kasoo baxay maxkamadda uu fadhigeedu yahay magaalada Hague ee dalka Netherlands ayaa lagu sharraxay sababta dib u dhigista iyo waliba jadwalka dhageysiga kiiskaas.<\/p>\n<\/div>\n<div align=\"justify\">Warqad loo diray dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ayey garsoorka maxkamaddu ku sheegeen in markii ay dhageysteen codsiga dib u dhigista ee ay gudbisay Kenya, sidoo kalena eegeen xaaladda qeyrul-caadiga ah ee uu sababay xanuunka coronavirus ay go&#8217;aansadeen in waqtiga furitaanka dhageysiga kiiska laga dhigo sanadka soo socda ee 2021-ka.<\/div>\n<div align=\"justify\"><\/div>\n<div align=\"justify\">\n<p>15-ka bisha March ee sanadka dambe ayaa si rasmi ah loo billaabi doonaa dacwaddan, sida ay maxkamaddu caddeysay.<\/p>\n<p>Dhowr jeer oo hore dib loo dhigay kiiska, codsi ka yimid Kenya dartiis, hase ahaatee markan waxaa la sheegay in saameynta xanuunka Covid-19 ay qeyb ka tahay go&#8217;aanka dib u dhigista.<\/p>\n<p>Dowladda Soomaaliya oo maalmihii lasoo dhaafay si weyn uga biyo diidsaneyd dib u dhigista dacwadda ayaa hadda sheegtay inay u hoggaansami doonto jadwalka cusub.<\/p>\n<p>Ra&#8217;iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya, Mahdi Maxamed Guuleed, oo hoggaaminaya guddiga dacwadda u qaabilsan dowladda Federaalka oo goor dhaweyd ay la xiriirtay BBC-da ayaa yiri: &#8220;Mar walba Soomaaliya dalabkeedu wuxuu ahaa inaan dib u dhigis kale lagu sameynin dacwadda laakiin hadda waxaan ku khasban nahay inaan ku qanacno go&#8217;aanka maxkamadda.<\/p>\n<\/div>\n<div align=\"justify\"><b>\u00a0<\/b><\/div>\n<div align=\"justify\"><b>Jadwalka cusub ee dacwadda<\/b><\/div>\n<div align=\"justify\"><b>\u00a0<\/b><\/div>\n<div align=\"justify\"><b>\u00a0\u00a0\u00a0<img decoding=\"async\" id=\"imageuploader1_Image1\" src=\"https:\/\/www.hiiraan.com\/2020\/images\/May\/2020519637254943695158882.jpg\" \/><\/b><\/div>\n<div align=\"justify\"><\/div>\n<div align=\"justify\">\n<p>Wuxuu dhageysiga billaabanayaa bisha March, 2021-ka, waxaana la wadi doonaa ilaa 4 maalmood.<\/p>\n<p><b>Isniin, 15 March, (10:00 am &#8211; 01:00 pm):\u00a0<\/b>Furitaanka doodda afka ah ee dhinaca Soomaaliya, wareeggeeda koowaad.<\/p>\n<p><b>03:00 pm &#8211; 04:30 pm:\u00a0<\/b>Sii waditaanka doodda afka ah ee dhinaca Soomaaliya, wareeggeeda koowaad.<\/p>\n<p><b>Arbaco, 17 March, ((10:00 am &#8211; 01:00 pm):\u00a0<\/b>Furitaanka doodda afka ah ee dhinaca Kenya, wareeggeeda koowaad.<\/p>\n<p><b>03:00 pm &#8211; 04:30 pm:<\/b>\u00a0Sii waditaanka doodda afka ah ee dhinaca Kenya, wareeggeeda koowaad.<\/p>\n<p><b>Khamiis, 18 March, (03:00 pm &#8211; 06:00 pm):<\/b>\u00a0Doodda afka ah ee dhinaca Soomaaliya, wareeggeeda labaad.<\/p>\n<p><b>Jimce, 19 March, (03:00 pm &#8211; 06:00 pm):\u00a0<\/b>Doodda afka ah ee dhinaca Kenya, wareeggeeda labaad.<\/p>\n<\/div>\n<div align=\"justify\"><\/div>\n<div align=\"justify\"><b>Soomaaliya waxay ka soo horjeedday dib u dhigis hor leh<\/b><\/div>\n<div align=\"justify\"><b>\u00a0<\/b><\/div>\n<div align=\"justify\">\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0<img decoding=\"async\" id=\"imageuploader1_Image1\" src=\"https:\/\/www.hiiraan.com\/2020\/images\/May\/2020519637254943935724392.jpg\" \/><\/div>\n<div align=\"justify\"><\/div>\n<div align=\"justify\">\n<p>Mas&#8217;uuliyiinta dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maalmihii lasoo dhaafay Kenya ku eedeeyay inay isku dayeyso dib u dhigis kale oo lagu sameeyo dacwadda muranka xadka badda ee u dhaxeeya labada waddan, taasoo hor taalla Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda (ICJ).<\/p>\n<p>Kiiska ayaa markii hore qorshuhu ahaa inuu billowdo horaanta bisha June ee foodda nagu soo heysa.<\/p>\n<p>Kenya ayaa dhankeeda codsi u dirsatay maxkamadda, si mar kale loo siiyo waqti ku filan oo ay ugu diyaar garowdo, maadaama hadda uu dhibaato abuuray xanuunka safmarka ah ee Covid-19, kaasoo waxyaabo badan xannibay.<\/p>\n<p>Waxay xukuumadda Nairobi codsigeeda sal uga dhigtay in cudurka coronavirus uu waxyeello gaarsiiyay dhaqaalaheeda iyo qorsheyaasheedii ku aaddanaa diyaarinta qareenno u dooda.<\/p>\n<p>Soomaaliya ayaa kiiskan markii ugu horreysay u gudbisay maxkamadda sanadkii 2014-kii, iyadoo ka dacwooneysay Kenya.<\/p>\n<p>Bishii September ee sanadkii 2019-kii ayaa la filayay inay dacwadda furanto, hase yeeshee waxaa dib loogu dhigay codsi ka yimid Kenya awgiis.<\/p>\n<p><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/beco.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone wp-image-57894 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/beco-300x156.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/beco-300x156.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/beco.jpg 578w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"156\" \/><\/a>\u00a0<a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/syl.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-58055 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/syl.jpg\" alt=\"\" width=\"228\" height=\"221\" \/><\/a>\u00a0<a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58054 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-300x111.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-300x111.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-768x285.jpg 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-696x258.jpg 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell.jpg 850w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"111\" \/><\/a>\u00a0<a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58053 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-252x300.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 252px) 100vw, 252px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-252x300.jpg 252w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-353x420.jpg 353w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1.jpg 450w\" alt=\"\" width=\"252\" height=\"300\" \/><\/a>\u00a0<a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/hormuud-logo.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-58052 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/hormuud-logo.png\" alt=\"\" width=\"251\" height=\"201\" \/><\/a>\u00a0<a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58051 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj-300x38.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj-300x38.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj.jpg 468w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"38\" \/><\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58050 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-300x91.png\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-300x91.png 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-768x232.png 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1024x309.png 1024w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-696x210.png 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1392x420.png 1392w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1068x323.png 1068w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1391x420.png 1391w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom.png 1722w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"91\" \/><\/a><\/p>\n<\/div>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Garsoorka maxkamadda caddaaladda caalamiga ah ee ICJ ayaa ku dhawaaqay in mar kale dib loo dhigay waqtiga dhageysiga dacwadda muranka badda ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya. War maanta kasoo baxay maxkamadda uu fadhigeedu yahay magaalada Hague ee dalka Netherlands ayaa lagu sharraxay sababta dib u dhigista iyo waliba jadwalka dhageysiga kiiskaas. Warqad loo diray [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":65274,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3],"tags":[],"class_list":["post-65273","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/65273","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=65273"}],"version-history":[{"count":3,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/65273\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":65278,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/65273\/revisions\/65278"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/65274"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=65273"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=65273"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=65273"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}