{"id":65270,"date":"2020-05-20T01:17:20","date_gmt":"2020-05-19T22:17:20","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=65270"},"modified":"2020-05-20T01:33:39","modified_gmt":"2020-05-19T22:33:39","slug":"safiirka-soomaaliya-ee-dalka-kenya-oo-beeniyey-war-uu-siidaayey-tvga-citizen","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2020\/05\/safiirka-soomaaliya-ee-dalka-kenya-oo-beeniyey-war-uu-siidaayey-tvga-citizen\/","title":{"rendered":"Safiirka Soomaaliya ee Dalka Kenya oo Beeniyey War uu Siidaayey TVga Citizen."},"content":{"rendered":"<p>Maxamuud Axmed Nuur \u201cTarsan\u201d safiirka Jamhuuriyadda Soomaaliya ee Kenya ayaa waxa uu ka jawaabay warbixin uu sii daayay Telefashinka Citizen ee fadhigiisu yahay Nairobi\u00a0 oo sheegay in safaaradda Soomaaliya ay heshiis qarsoodi ah la gashay cisbitaal ku yaalla magaalada Nairobi gaar ahaan xaafadda Islii .<\/p>\n<p>Warbixinta ayaa tilmaantay in ujeedka heshiiska loola galay xaruntaasi caafimaad\u00a0 tahay in ay baarto dadka la doonayo in lagu celiyo Soomaaliya in ay qabaan xanuunka COVID-19\u00a0 iyo in kale.<\/p>\n<p>Safiir Tarsan oo la hadlay laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da ayaa waxa uu sheegay in haba-yaraatee uusan jirin heshiis ka safaarad ahaan ay la galeen Cisbitaal ku yaalla Nairobi, warkaasina uu yahay mid aan sal iyo raad toona laheyn.<\/p>\n<p>\u201cMarka hore, safaaradda Soomaaliya isbitaal ma lahan, mana jiro isbitaal ay heshiis la geli karto\u201d ayuu ku sheegay safiirka wareysigiisa.<\/p>\n<p>Telefashinka Citizen ayaa sidoo kale soo bandhigay warqado dad uu ku sheegay in laga helay xanuunka iyo dhowr qof oo dhismaha cisbitaalka sii fuulayo, walow aan la xaqiijin Karin in ay ahaayeen kuwa usii socday xarunta caafimaad iyo in ay ahaayeen kuwa dhismahan oo ganacsiyo ballaaran ay ku yaallaan dano kale kalahaa.<\/p>\n<p>\u201cDowladda Kenya ayaa bixisay sharuud ah in qofkii dalka ka baxayo uusan qabin Coronavirus, annagana waa muhiim in dadkeenna xayiran aan dalkii ku celinno\u00a0 dowladda Kenya iyo innaguna waan isku waafaqnay\u201d ayuu mar kale wareysigiisa ku sheegay safiir Tarsan.<\/p>\n<p>Dhinaca kale Dr Axmed Kalebi oo ka tirsan Cisbitaalka uu Telefashinka Citizen sheegay in uu heshiiska la galay safaaradda Soomaaliya ayaa arrintaasi uga hadlay bartiisa twitter-ka , isagoo sida warbixinta loo dhigay, si ka duwan uga hadlay dhabta sheekadaasi tahay.<\/p>\n<p>\u201cMa jiro baaritaan sir ah oo aan sameynay annaga iyo safaaradda Soomaaliya, safaarado\u00a0 dhowr ah iyo shirkado sameeyo duulimaad ayaa rakaabkooda\u00a0 baaro mar kastana waa lala wadaagaa wasaaradda caafimaadka natiijooyinka guud ahaan\u201d ayuu ku yiri qoraalkiisa Dr Axmed Kalebi.<\/p>\n<p>Warbixinta Telefashinka Citizen oo ka tirsan xarunta warbaahinta ee Royal Media Service ayaa waxay u muuqatay mid dhinac keliya ka raran, iyadoo xogta ay soo gudbiyeen aysan ka dhex muuqan cid ka hadashay dhinaca sheekada laga sameeyay, lamana sheegin in loo ogolaaday fursad ay ku hadlaan.<\/p>\n<p><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/beco.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone wp-image-57894 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/beco-300x156.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/beco-300x156.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/beco.jpg 578w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"156\" \/><\/a>\u00a0<a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/syl.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-58055 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/syl.jpg\" alt=\"\" width=\"228\" height=\"221\" \/><\/a>\u00a0<a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58054 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-300x111.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-300x111.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-768x285.jpg 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-696x258.jpg 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell.jpg 850w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"111\" \/><\/a>\u00a0<a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58053 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-252x300.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 252px) 100vw, 252px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-252x300.jpg 252w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-353x420.jpg 353w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1.jpg 450w\" alt=\"\" width=\"252\" height=\"300\" \/><\/a>\u00a0<a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/hormuud-logo.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-58052 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/hormuud-logo.png\" alt=\"\" width=\"251\" height=\"201\" \/><\/a>\u00a0<a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58051 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj-300x38.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj-300x38.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj.jpg 468w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"38\" \/><\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58050 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-300x91.png\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-300x91.png 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-768x232.png 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1024x309.png 1024w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-696x210.png 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1392x420.png 1392w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1068x323.png 1068w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1391x420.png 1391w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom.png 1722w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"91\" \/><\/a><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Maxamuud Axmed Nuur \u201cTarsan\u201d safiirka Jamhuuriyadda Soomaaliya ee Kenya ayaa waxa uu ka jawaabay warbixin uu sii daayay Telefashinka Citizen ee fadhigiisu yahay Nairobi\u00a0 oo sheegay in safaaradda Soomaaliya ay heshiis qarsoodi ah la gashay cisbitaal ku yaalla magaalada Nairobi gaar ahaan xaafadda Islii . Warbixinta ayaa tilmaantay in ujeedka heshiiska loola galay xaruntaasi caafimaad\u00a0 [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":65271,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3],"tags":[],"class_list":["post-65270","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/65270","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=65270"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/65270\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":65279,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/65270\/revisions\/65279"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/65271"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=65270"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=65270"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=65270"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}