{"id":65198,"date":"2020-05-17T01:35:19","date_gmt":"2020-05-16T22:35:19","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=65198"},"modified":"2020-05-17T03:37:56","modified_gmt":"2020-05-17T00:37:56","slug":"xukuumadda-soomaaliya-oo-ku-gacan-sayrtey-codsiga-kenya-ee-dib-u-dhigista-dacwadda-badda","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2020\/05\/xukuumadda-soomaaliya-oo-ku-gacan-sayrtey-codsiga-kenya-ee-dib-u-dhigista-dacwadda-badda\/","title":{"rendered":"Xukuumadda Soomaaliya oo Ku Gacan Sayrtey Codsiga Kenya ee Dib U Dhigista Dacwadda Badda."},"content":{"rendered":"<p>Ra\u2019iisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa waxa uu ka hadlay arrinta ku saabsan dacwadda badda ee taalla maxkamadda cadaaladda adduunka ee ICJ, una dhexeysa waddamada Soomaaliya iyo Kenya, kadib markii warbaahintu ay sii daysay macluumaad muujinaya in xukuumadda Nairobi ay codsatay in dib loo dhigo markii seddexaad garmaqalka labada dal\u00a0 sababa jiro oo hadda ay wajahayaan labada dalba dib loogu dhigo.<\/p>\n<p>Mahdi Guuleed oo la hadlay laanta Afka Soomaaliga ah ee BBC-da ayaa waxa uu sheegay in marnaba Soomaaliya aysan aqbali Karin in kiiskaas dhageysigiisa dib loo dhigo, islamarkaana\u00a0 ay ku gacan seyreen codsiga Kenya ee ahaa in sababo la xiriira xanuunka COVID-19 dartiis\u00a0 dib loo madlo\u00a0 garmaqalka maxkamadda.<\/p>\n<p>\u201cwaxaan doonayaa in aan iftiimiyo in dowladda Kenya ay rabtay mar walba in ay dib u dhigto, dacwadda amma ay isku daydo in meel ka baxsan maxkamadda caalamiga ah\u00a0 wax lagu xalliyo, innaga mowqifkeennu wuxuu yahay in mar walba maxkamadda iyo qawaaniinta caalamiga ah ee dunida ku heshiisay si nabad ah oo amni ah loogu kala baxo\u201d ayuu yiri ra\u2019iisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Guuleed.<\/p>\n<p>Mar wax laga weydiiyay haddii Kenya ay ka cabaneyso qarashaadka ku baxaya maxkamadda iyo qareennada difaacaya,\u00a0 Soomaaliya oo tag ahaan ka jeeb yar Kenya , halka lacagtaas ay ka keeneyso ? waxa uu ku jawaabay in arrintaasi ay sax tahay, hase-ahaatee la kari karayo ,balse Soomaaliya ay ka bixineyso miisaaniyaddeeda yar.<\/p>\n<p>Waxa uu sidoo kale sheegay in Kenya ay dhowr jeer isku dayday in kiiskaasi loo galo hab diblumaasi ah, sida in lagu xalliyo wada-hadal amma la geeyo meelo ay kamid tahay midowga Afrika, balse Soomaaliya taasi ay aqbali weysay.<\/p>\n<p>Dhageysiga kiiska muranka badda ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya ayaa waxaa loo balansanyahay 8-da Juun 2020.<\/p>\n<p><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/beco.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone wp-image-57894 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/beco-300x156.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/beco-300x156.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/beco.jpg 578w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"156\" \/><\/a>\u00a0<a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/syl.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-58055 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/syl.jpg\" alt=\"\" width=\"228\" height=\"221\" \/><\/a>\u00a0<a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58054 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-300x111.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-300x111.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-768x285.jpg 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-696x258.jpg 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell.jpg 850w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"111\" \/><\/a>\u00a0<a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58053 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-252x300.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 252px) 100vw, 252px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-252x300.jpg 252w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-353x420.jpg 353w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1.jpg 450w\" alt=\"\" width=\"252\" height=\"300\" \/><\/a>\u00a0<a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/hormuud-logo.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-58052 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/hormuud-logo.png\" alt=\"\" width=\"251\" height=\"201\" \/><\/a>\u00a0<a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58051 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj-300x38.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj-300x38.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj.jpg 468w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"38\" \/><\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58050 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-300x91.png\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-300x91.png 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-768x232.png 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1024x309.png 1024w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-696x210.png 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1392x420.png 1392w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1068x323.png 1068w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1391x420.png 1391w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom.png 1722w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"91\" \/><\/a><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Ra\u2019iisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa waxa uu ka hadlay arrinta ku saabsan dacwadda badda ee taalla maxkamadda cadaaladda adduunka ee ICJ, una dhexeysa waddamada Soomaaliya iyo Kenya, kadib markii warbaahintu ay sii daysay macluumaad muujinaya in xukuumadda Nairobi ay codsatay in dib loo dhigo markii seddexaad garmaqalka labada dal\u00a0 sababa jiro [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":65199,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3],"tags":[],"class_list":["post-65198","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/65198","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=65198"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/65198\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":65202,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/65198\/revisions\/65202"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/65199"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=65198"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=65198"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=65198"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}