{"id":65096,"date":"2020-05-13T02:23:05","date_gmt":"2020-05-12T23:23:05","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=65096"},"modified":"2020-05-13T02:29:35","modified_gmt":"2020-05-12T23:29:35","slug":"gabadhii-u-dhalatey-dalka-talyaaniga-ee-lasoo-furtey-oo-ku-dhawaaqdey-in-ay-diinta-islaamka-qaadatey","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2020\/05\/gabadhii-u-dhalatey-dalka-talyaaniga-ee-lasoo-furtey-oo-ku-dhawaaqdey-in-ay-diinta-islaamka-qaadatey\/","title":{"rendered":"Gabadhii U Dhalatey Dalka Talyaaniga ee Lasoo Furtey oo Ku Dhawaaqdey In ay Diinta Islaamka Qaadatey."},"content":{"rendered":"<p>Salvia Constanza Romano oo dhowaan ciidamada Soomaaliya, Turkiga iyo Talyaaniga ay kasoo daayeen gacanta ururka Al-shabaab oo Af-duub ahaan ugu haaystay meel ku dhow caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa waxay si rasmi ah u sheegtay in ay qaadatay diinta Islaamka , iyadoo taas ay ku dhacday rabitaankeeda oo aysan jirin cid ku qasabtay.<\/p>\n<p>Warkaan ayaa waxaa lagu sheegay warbixin gaar ah oo ay qortay wakaaladda wararka Turkiga ee Anadolu.<\/p>\n<p>Romanu oo 25 jir ah ayaa laga qafaashay deegaanka lagu magacaabo Chakama oo ku yaalla Koonfur bari gobolka xeebta kulaala ee Kenya bishii November sanadkii 2018-kii, waxaana lasoo badbaadiyay Axaddii lasoo dhaafay, iyadoo lagusoo furtay sida la sheegay howl-gal ay wadajir isaga kaashadeen ciidamada Soomaaliya, Turkiga iyo Talyaaniga<\/p>\n<p>\u201cWaxey ii xaqiijiyeen in aan la I dili doonin, xaalkuna sidaas ayuu ahaa \u201c ayeey Romano u sheegtay wakaaladda Wararka Talyaaniga ee ANSA.<\/p>\n<p>Salvia Romano oo sii hadleysay ayaa waxay sheegtay in ay qaadatay diinta Islaamka intii ay Af-duubka u aheyd ururka Al-shabaab, balse aysan la kulmin wax dhibaato ah.<\/p>\n<p>\u201cdhowr goor ayaa la iisoo jeediyay qaadashada diinta Islaamka, la iguma qasbin, bilihii dembe Ayaan qaatay, waxay I bareen Qur\u2019aanka weyna ku mahadsanyihiin sidii wanaagsaneyd oo ay iila dhaqmeen, waxay I bareen wax kamid ah Carabiga, iyo dhaqanka Islaamka, sidoo kalena ma jirin cid aan xiriir wadaagnay amma I guursaday, keliya xushmad Ayaan haaystay\u201d ayeey mar kale u sheegtay Salvia Warbaahinta .<\/p>\n<p>Wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda Talyaaniga ayaa waxa uu sheegay marka laga yimaado ciidamada Soomaaliya in soo furashada Salvia Romano ay garab ku siiyeen sirdoonka waddanka Turkiga, isagoo aad ugu mahad-celiyay.<\/p>\n<p>Hadalka kasoo baxay gabadhan dhowaan lagasoo badbaadiyay gacanta Al-shabaab ayaa wuxuu sii xoojinayaa qoraal iyada ku saabsan oo ay horay u qoreen wargeysyada Talyaaniga oo sheegayay in laga shaki qabo in Romano ay qaadatay diinta Islaamka , iyagoo markaasi wax ka qorayay hab labiskeeda oo ahaa kan ay xirtaan dumarka Muslimiinta ah . hase-ahaatee, hadda ayeey si rasmi ah u sheegtay in ay tahay gabar muslimad ah.<\/p>\n<p><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/beco.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone wp-image-57894 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/beco-300x156.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/beco-300x156.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/beco.jpg 578w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"156\" \/><\/a>\u00a0<a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/syl.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-58055 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/syl.jpg\" alt=\"\" width=\"228\" height=\"221\" \/><\/a>\u00a0<a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58054 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-300x111.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-300x111.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-768x285.jpg 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-696x258.jpg 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell.jpg 850w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"111\" \/><\/a>\u00a0<a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58053 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-252x300.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 252px) 100vw, 252px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-252x300.jpg 252w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-353x420.jpg 353w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1.jpg 450w\" alt=\"\" width=\"252\" height=\"300\" \/><\/a>\u00a0<a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/hormuud-logo.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-58052 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/hormuud-logo.png\" alt=\"\" width=\"251\" height=\"201\" \/><\/a>\u00a0<a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58051 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj-300x38.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj-300x38.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj.jpg 468w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"38\" \/><\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58050 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-300x91.png\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-300x91.png 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-768x232.png 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1024x309.png 1024w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-696x210.png 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1392x420.png 1392w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1068x323.png 1068w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1391x420.png 1391w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom.png 1722w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"91\" \/><\/a><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Salvia Constanza Romano oo dhowaan ciidamada Soomaaliya, Turkiga iyo Talyaaniga ay kasoo daayeen gacanta ururka Al-shabaab oo Af-duub ahaan ugu haaystay meel ku dhow caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa waxay si rasmi ah u sheegtay in ay qaadatay diinta Islaamka , iyadoo taas ay ku dhacday rabitaankeeda oo aysan jirin cid ku qasabtay. Warkaan ayaa [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":65097,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3],"tags":[],"class_list":["post-65096","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/65096","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=65096"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/65096\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":65100,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/65096\/revisions\/65100"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/65097"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=65096"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=65096"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=65096"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}