{"id":65085,"date":"2020-05-13T00:57:57","date_gmt":"2020-05-12T21:57:57","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=65085"},"modified":"2020-05-13T02:34:19","modified_gmt":"2020-05-12T23:34:19","slug":"isbitaal-martiini-oo-laga-saarey-tiro-badan-dad-ka-bogsadey-caabuqa-covid-19","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2020\/05\/isbitaal-martiini-oo-laga-saarey-tiro-badan-dad-ka-bogsadey-caabuqa-covid-19\/","title":{"rendered":"Isbitaal Martiini oo Laga Saarey Tiro Badan Dad Ka Bogsadey Caabuqa Covid-19."},"content":{"rendered":"<div align=\"justify\">\u00a0Maamulka Isbitaalka u gaarka ah la tacaalidda safmarka COVID19 ee Martiini ayaa shaaciyay in 42 bukaan oo kamid ah kuwa xaaladahoodu adkaayeen ay bogsoodeen oo isbitaalka ay ka soo baxeen. 34 kamid ah ayaa lab ahaa halka 8da kale ay dhidig ahaayeen.<\/div>\n<div align=\"justify\">\n<p>Inta badan bukaannadan ayaa isbitaalka la seexiyay kadib markii ay ku adkaatay neefsashada, kadibna lagu xiray qalab u fududeeya inay neefsiga. Arrintaan ayaa ka dambeysay kadib markii sare loo qaaday adeegga caafimaad ee Isbitaalka laguna soo kordhiyay agab casri ah.Baadi Duqoow Macallin oo muddo todobaad ah ku jiray isbitaalka, waxuu ka baxay xaaladdii adkayd, dhaqaatiirta ayaana u oggolaaday inuu gurigiisa isku karantiilo, waxa uu sheegay in uu isbitaalka yimid isaga oo aan eheladiisa ogeysiinin sababo la xiriiro cabsi laga qabay inuusan daryeel ka helin, balse uu isbitaalka kala kulmay arrin kaa ka duwan.<\/p>\n<p>\u201cWaxaan halkan imid aniga oo iska quustay, neefstuna igu xirmeyso, oo ay yartahay rajadeydu, Alxamdulillaah maantana cagaheyga ayaan uga baxayaa. Been fakatay run ma gaarto ee waxa aan filaayay iyo waxa aan halkaan kala kulmay waa kala duwan yihiin\u201d ayuu yiri Baadi Duqoow.<\/p>\n<p>Dadka da\u2019da ah ee gaara xaaladaha adag ee neefsiinta u baahan, aad ayey u yar tahay inay ka badbaadaan, balse nasiib wanaag tiro badan oo bukaannadaas ah ayaa bogsooday, iyada oo guryahooda loo fasaxay, xaaladdoodana ay dhaqaatiirtu la socon doonaan.<\/p>\n<p>Dahabo Xasan oo isbitaalka la keenay iyada oo miir-daboolan, waxay ku dardaarantay inaan isbitaalka Martiini la geynin, balse ehelkeeda markii ay ku arkeen astaamaha COVID19 ayey ula soo carareen.<\/p>\n<p>\u201cXaalado adag ayaa isoo maray intaanan isbitaalka ley keenin, habeen dhan ayaan koomo galay, kadibna si qasab ah ayey reerkeyga halkaan igu keeneen, ilaaheey mahaddiis hadda waxaan marayaa in gurigeyga la ii fasaxo anigoo caafimaad qaba\u201d, ayey tiri Dahabo Xasan.<\/p>\n<p>Isbitaalka oo lagu sameeyay horumarin ballaaran waxaa ka howl gala dhaqaatiir iyo kalkaaliyaal isu bedela shaqada oo xilli kasta heegan u ah inay adeegga caafimaad ee ay u baahanyihiin siiyaan dadka xanuunku soo rito ee isbitaalka lasoo gaarsiiyo. Maamulka Isbitaalka ayaa bahda caafimaadka uga mahad celiyay sida ay uga go\u2019antahay horumarinta caafimaadka bulshada iyo xakameynta faafitaanka Feyruska Karoona.<\/p>\n<p>Dadka ka baxa isbitaalka ee guryahooda isku baxnaaninaya ayaa isbitaalka kusoo laabta todobaadkiiba mar si baaris dheeri ah loogu sameeyo, loona xaqiijiyo inuu Feyrusku jirkooda ka dhamaaday.<\/p>\n<p>Dowladda ayaa hirgelisay xarunta xariirka COVID19 oo ka kooban taleefoon gaaban oo dadku si toos ah usoo wacayaan iyo hab (Application) taleefannada lagu degsado oo dadka isaga shakiya xanuunka ay kula xariirayaan dhaqaatiirta si ay u helaan talo caafimaad iyo gargaagka ay u baahanyihiin, waxaana hirgelinta xaruntaasi ay fududeysay in bulshada lagu xiro Xarumaha caafimaadka ee loo asteeyay la tacaalidda Feyruska Karoona.<\/p>\n<p><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/beco.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone wp-image-57894 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/beco-300x156.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/beco-300x156.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/beco.jpg 578w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"156\" \/><\/a>\u00a0<a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/syl.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-58055 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/syl.jpg\" alt=\"\" width=\"228\" height=\"221\" \/><\/a>\u00a0<a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58054 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-300x111.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-300x111.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-768x285.jpg 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-696x258.jpg 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell.jpg 850w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"111\" \/><\/a>\u00a0<a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58053 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-252x300.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 252px) 100vw, 252px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-252x300.jpg 252w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-353x420.jpg 353w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1.jpg 450w\" alt=\"\" width=\"252\" height=\"300\" \/><\/a>\u00a0<a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/hormuud-logo.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-58052 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/hormuud-logo.png\" alt=\"\" width=\"251\" height=\"201\" \/><\/a>\u00a0<a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58051 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj-300x38.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj-300x38.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj.jpg 468w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"38\" \/><\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58050 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-300x91.png\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-300x91.png 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-768x232.png 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1024x309.png 1024w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-696x210.png 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1392x420.png 1392w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1068x323.png 1068w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1391x420.png 1391w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom.png 1722w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"91\" \/><\/a><\/p>\n<\/div>\n<div align=\"justify\"><\/div>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>\u00a0Maamulka Isbitaalka u gaarka ah la tacaalidda safmarka COVID19 ee Martiini ayaa shaaciyay in 42 bukaan oo kamid ah kuwa xaaladahoodu adkaayeen ay bogsoodeen oo isbitaalka ay ka soo baxeen. 34 kamid ah ayaa lab ahaa halka 8da kale ay dhidig ahaayeen. Inta badan bukaannadan ayaa isbitaalka la seexiyay kadib markii ay ku adkaatay neefsashada, [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":65086,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3],"tags":[],"class_list":["post-65085","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/65085","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=65085"}],"version-history":[{"count":4,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/65085\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":65103,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/65085\/revisions\/65103"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/65086"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=65085"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=65085"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=65085"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}