{"id":65014,"date":"2020-05-08T00:38:32","date_gmt":"2020-05-07T21:38:32","guid":{"rendered":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=65014"},"modified":"2020-05-08T01:59:58","modified_gmt":"2020-05-07T22:59:58","slug":"ugu-yaraan-16-ruux-oo-ku-geeryooday-roobabka-guga-ee-soomaaliya-ka-daay","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2020\/05\/ugu-yaraan-16-ruux-oo-ku-geeryooday-roobabka-guga-ee-soomaaliya-ka-daay\/","title":{"rendered":"Ugu Yaraan 16 Ruux oo Ku Geeryooday Roobabka Guga ee Soomaaliya Ka Da&#8217;ay."},"content":{"rendered":"<div align=\"justify\">Ugu yaraan 16 ruux ayaa ku dhimatay halka 200,000 ay saameeyeen ku yeesheen deegaannadoodii daad ka dhashay roobka Guga oo Soomaaliya ka da\u2019o inta u dhexeysa bilaha April iyo June , roobka ayaa Waddanka ka bilowday bil ka hor sida ay sheegtay hay\u2019adda isku duwada arrimaha gargaarka qaramada Midoobe ee (OCHA), Maalintii Arbacada ee shalay.<\/div>\n<div align=\"justify\"><\/div>\n<div align=\"justify\">OCHA waxay sheegtay in la weysanyahay 10 ruux oo ay daadadku la tageen, halka 2,000 oo beerna ay biyaha wax-yeeleeyeen.<\/div>\n<div align=\"justify\"><\/div>\n<div align=\"justify\">\n<p>\u201cRoobabkan iyo daadka waxaa laga cabsi qabaa in ay\u00a0 keenaan cudurrada biyaha ka dhasha\u201d ayeey mar kale OCHA ku sheegtay warbixintaan ay kaga hadleysay saameynta daadadka roobka uu ku yeeshay Soomaaliya.<\/p>\n<p>Saadaalin ay sameysay hay\u2019adda beeraha iyo raashiinka QM ee FAO ayaa waxay ku qeexday in roobabka ka da\u2019aya\u00a0 Soomaaliya bishaan May bartamaheeda ay saameyn ku yeelan karaan dhulka uu maro webiga Shabeelle gaar ahaan magaalooyinka Jowhar iyo Beledweyne oo ka wada tirsan maamulka Hirshabeelle.<\/p>\n<p>Qaramada midoobay ayaa waxay sheegtay in biyaha badan ee webiga hadda uu wado ay ka tan badanyihiin halka ay ku socdaan, sidaas darteedna ay muuqaneyso khatar xooggan, taas oo laga cabsi qabo in maalmaha soo socda uu sameeyo fatahaad xooggan.<\/p>\n<p>Shacabka ku nool magaalada Beledweyne ayaa waxa ay QM ugu baaqday in ay sameeyaan feejignaan xooggan iyo diyaar-garow xaalad kasta ah inta lagu guda jiro xilli roobaadka Guga.<\/p>\n<p>Qaramada Midoobe waxay tilmaantay in meelaha ugu daran oo ay hadda roobabku\u00a0 saameeyeen ay kamid tahay Puntland halkaas oo daadad soo rogmay 27-kii April ay ku dileen lix ruux, halka ay ku barakaceen 22,000 oo qof,\u00a0 Galmudug-na lix ruux ayaa roobabka ku dhintay, waxayna si lamid ah Puntland ay saameeyeen 22,000 oo qof. Kuwaas oo ay wax-yeeleeyeen daadadka halkii ay ku noolaayeen.<\/p>\n<p>In ka badan 100,000 qof ayaa la sheegay in daadadka roobabka Guga ay ku saameeyeen Koonfur galbeed, halka Jubaland ay wax-yeeleeyeen u geysteen 11,800 oo qof sida hay\u2019adaha gargaarka QM sheegeen.<\/p>\n<p>Qaramada midoobe waxay ka digeysaa xaalad adag oo bani-aadannimo oo ka dhalata caqabadaha hadda isku biirsaday Soomaaliya sida daadadka roobka Gugu, xanuunka safmarka ee COVID-19 iyo Ayaxa oo aad saameeyey deegaanka.<\/p>\n<p><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/beco.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone wp-image-57894 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/beco-300x156.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/beco-300x156.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/beco.jpg 578w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"156\" \/><\/a>\u00a0<a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/syl.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-58055 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/syl.jpg\" alt=\"\" width=\"228\" height=\"221\" \/><\/a>\u00a0<a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58054 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-300x111.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-300x111.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-768x285.jpg 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-696x258.jpg 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell.jpg 850w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"111\" \/><\/a>\u00a0<a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58053 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-252x300.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 252px) 100vw, 252px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-252x300.jpg 252w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-353x420.jpg 353w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1.jpg 450w\" alt=\"\" width=\"252\" height=\"300\" \/><\/a>\u00a0<a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/hormuud-logo.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-58052 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/hormuud-logo.png\" alt=\"\" width=\"251\" height=\"201\" \/><\/a>\u00a0<a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58051 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj-300x38.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj-300x38.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj.jpg 468w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"38\" \/><\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58050 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-300x91.png\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-300x91.png 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-768x232.png 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1024x309.png 1024w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-696x210.png 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1392x420.png 1392w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1068x323.png 1068w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1391x420.png 1391w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom.png 1722w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"91\" \/><\/a><\/p>\n<\/div>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Ugu yaraan 16 ruux ayaa ku dhimatay halka 200,000 ay saameeyeen ku yeesheen deegaannadoodii daad ka dhashay roobka Guga oo Soomaaliya ka da\u2019o inta u dhexeysa bilaha April iyo June , roobka ayaa Waddanka ka bilowday bil ka hor sida ay sheegtay hay\u2019adda isku duwada arrimaha gargaarka qaramada Midoobe ee (OCHA), Maalintii Arbacada ee shalay. [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":65015,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3],"tags":[],"class_list":["post-65014","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/65014","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=65014"}],"version-history":[{"count":5,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/65014\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":65029,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/65014\/revisions\/65029"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/65015"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=65014"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=65014"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=65014"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}