{"id":64991,"date":"2020-05-07T00:42:15","date_gmt":"2020-05-06T21:42:15","guid":{"rendered":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=64991"},"modified":"2020-05-07T00:45:52","modified_gmt":"2020-05-06T21:45:52","slug":"fiditaanka-caabuqa-covid-19-ee-soomaaliya-oo-walaac-laga-muujinayo","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2020\/05\/fiditaanka-caabuqa-covid-19-ee-soomaaliya-oo-walaac-laga-muujinayo\/","title":{"rendered":"Fiditaanka Caabuqa Covid-19 ee Soomaaliya oo Walaac Laga Muujinayo."},"content":{"rendered":"<p>Warbixin ay soo saartay hay\u2019adda IRC ayaa waxey sheegtay in ay ka walaacsantahay xaaladda caafimaad ee Soomaaliya , iyadoo la xaqiijiyay guud ahaan dalka in ka badan 750 xaalad oo ah xanuunka COVID-19, sida ay hay\u2019addaasi ku sheegtay warbixin ay sii daaysay maanta oo Arbaco ah.<\/p>\n<p>\u201cIRC waxay diyaarineysaa kooxo caafimaad oo la siinayo tababar dheeri ah, si ay qeyb uga noqdaan baaritaannada lagu sameynayo dadka ay kasoo muuqdaan calaamadaha Coronavirus si loo karaantiilo, sababa la xiriira in aanu fidin xanuunka \u201c ayuu yiri Richard Crothers oo ah madaxa IRC ee Soomaaliya .<\/p>\n<p>Isagoo sii hadlayay ayaa waxa uu sheegay in guud ahaan xaaladda dalka ay aad uga walaacsanyihiin ka hay\u2019ad ahaan marka loo eego tirada dadka uu xanuunka soo ridanayo.<\/p>\n<p>\u201dIRC si daran ayeey uga walaacsantahay Soomaaliya oo uu aad hadda xanuunka u faafayo COVID-19\u201d . ayuu hadalkiisa ku daray.<\/p>\n<p>\u201cShaqaalaha caafimaadka ee hay\u2019adda ayaa waxay dadka leh caalamadaha Coronavirus u sheegayaan in ay joogaan guryahooda, kuwaas oo hadda xanuunsanaya, taasi waxay na tuseysaa in warbixinnada dadka laga diiwaan-gashay marka laga yimaado ay jiri karaan kiisas kale oo aan la ogaan\u201d. Ayeey IRC warbixinteeda ku dartay<\/p>\n<p>\u201dMarka laga hadlayo bulshada Soomaaliyeed horay ayeeyba u qabeen dhib ku filan, sanadkii lasoo dhaafay oo keliya waddanka waxaa ku dhuftay abaaro xooggan, waxaana usii raacay daadad lixaad leh, waxayna sidoo kale dadka aad u saameeyay Ayax kacay oo xooggan marka loo eego rubuc qarni midkii ugu saameynta badnaa, haddana safmarka Coronavirus wuxuu saameeyay dhaqaalihii dalka\u201d ayuu mar kale yiri Richard Crothers<\/p>\n<p>Sanado\u00a0 colaadaha jiray, abaaraha soo laa-laabtay iyo daadadku waxay qasab ka dhigeen in shan milyan oo Soomaali ah ay guryahooda ka barakacaan, una baahdaan gargaar bani-aadanimo.<\/p>\n<p>Dadka barakacay oo badi ku nool xerooyin ku yaalla Muqdisho, waxay wajahayaan xaalad nololeed oo adag, sida biyo la\u2019aan, faya-dhowr xummo,\u00a0 waxayna markasta u nugulyihiin cudurrada maadaama hay\u2019addu ay sheegtay in badi jirkoodu uusan laheyn difaac adag<\/p>\n<p>Hay\u2019adda IRC ayaa codsatay lacag dhan 30 milyan oo dollar si ay wax uga qabato xanuunka COVID-19 ee caalamka kusii fidaya, iyadoo lacagtaasi u adeegsandoonta dhinaca caafimaadka goobaha ay ku suganyihiin dadka nugul.<\/p>\n<p><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/beco.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone wp-image-57894 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/beco-300x156.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/beco-300x156.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/beco.jpg 578w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"156\" \/><\/a>\u00a0<a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/syl.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-58055 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/syl.jpg\" alt=\"\" width=\"228\" height=\"221\" \/><\/a>\u00a0<a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58054 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-300x111.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-300x111.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-768x285.jpg 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-696x258.jpg 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell.jpg 850w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"111\" \/><\/a>\u00a0<a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58053 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-252x300.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 252px) 100vw, 252px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-252x300.jpg 252w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-353x420.jpg 353w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1.jpg 450w\" alt=\"\" width=\"252\" height=\"300\" \/><\/a>\u00a0<a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/hormuud-logo.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-58052 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/hormuud-logo.png\" alt=\"\" width=\"251\" height=\"201\" \/><\/a>\u00a0<a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58051 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj-300x38.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj-300x38.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj.jpg 468w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"38\" \/><\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58050 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-300x91.png\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-300x91.png 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-768x232.png 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1024x309.png 1024w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-696x210.png 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1392x420.png 1392w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1068x323.png 1068w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1391x420.png 1391w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom.png 1722w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"91\" \/><\/a><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Warbixin ay soo saartay hay\u2019adda IRC ayaa waxey sheegtay in ay ka walaacsantahay xaaladda caafimaad ee Soomaaliya , iyadoo la xaqiijiyay guud ahaan dalka in ka badan 750 xaalad oo ah xanuunka COVID-19, sida ay hay\u2019addaasi ku sheegtay warbixin ay sii daaysay maanta oo Arbaco ah. \u201cIRC waxay diyaarineysaa kooxo caafimaad oo la siinayo tababar [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":64992,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3],"tags":[],"class_list":["post-64991","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/64991","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=64991"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/64991\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":64995,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/64991\/revisions\/64995"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/64992"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=64991"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=64991"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=64991"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}