{"id":64917,"date":"2020-05-05T00:15:12","date_gmt":"2020-05-04T21:15:12","guid":{"rendered":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=64917"},"modified":"2020-05-05T02:21:40","modified_gmt":"2020-05-04T23:21:40","slug":"dhinacyada-difaaca-warbaahinta-eedeyn-ay-ujeediyeen-dawladda-soomaaliya-oo-laga-jawaab-celiyey","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2020\/05\/dhinacyada-difaaca-warbaahinta-eedeyn-ay-ujeediyeen-dawladda-soomaaliya-oo-laga-jawaab-celiyey\/","title":{"rendered":"Dhinacyada Difaaca Warbaahinta Eedeyn ay Ujeediyeen Dawladda Soomaaliya oo Laga Jawaab Celiyey."},"content":{"rendered":"<p>Agaasimaha warfaafinta madaxtooyada Soomaaliya Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa ka jawaabay eedo shalay ay dowladda u jeediyeen ururrada u dooda xuquuqda weriyayaasha iyo warbaahinta oo dowladda madaxweyne Farmaajo ku dhaleeceeyay in ay sameysay xad-gudubyo ka dhan ah saxaafadda iyo saxafiyiinta.<\/p>\n<p>Isagoo ka jawaabaya hadalkii Ururradaasi ayuu Cabdinuur sheegay in dowladda ay ku dadaasho islamarkaana ay tix-geliso xoriyadda hadalka iyo madax-bannaanida warbaahinta . waxa uuna intaa ku daray in dowladda fadaraalka ah aysan si buuxda saameyn ugu laheyn guud ahaan maamul goboleedyada qeybta ka ah dowladda hannaanka ay warbaahinta iyo suxufiyiinta ula macaamilaan.<\/p>\n<p>\u201cAnnaga ma qaadaneyno mas\u2019uuliyadda waxa ka dhaca Baydhabo, balse waxaa dowladda u furan keliya inaan la hadalno madaxda maamul goboleedyada qeybta ka ah Faderaalka,\u00a0 Madaxweyne Farmaaja-na ma bixin ammar ah in la xiro weriye jooga Baydhabo, Kismaayo Hargeysa iyo Garowe\u201d ayuu sheegay Cabdinuur Maxamed Axmed.<\/p>\n<p>Dhinaca kale Cabdalle Axmed Muumin oo ah xoghayaha Ururka saxafiyiinta Soomaaliyeed ee SJS oo kamid ahaa ururradii saxaafadeed ee shalay dhaliilay dowladda oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in jawaabta ka timid dowladda Soomaaliya ay tahay mid ka fog xaqiiqada, welina ay ka meermeereyso bixinta hadal lagu qanci karo.<\/p>\n<p>&#8220;Waan maqlay afhayeenka u hadlay Madaxtooyada. Nasiib darro kamuusan jawaabin tacadiyada muuqda ee ay Dowladda uu isagu metelo ay ku heyso saxaafadda. Anaga haddaan nahay ururrada saxaafadda, anagoo mideysan ayaan gudbinay qoraal rasmi ah kaasoo qareenkeena uu u gudbiyay Xafiisyada sare ee Dowladda. Muxuu uga jawaabi waayey tacadiyadan oo ah kuwo wada muuqda oo dhammaan wada diiwaangashan?&#8221;\u00a0 ayuu yiri Cabdalle Axmed Muumin.<\/p>\n<p>Sidoo kale waxa uu Cabdalle Muumin hadalkiisa ku daray haddii dowladda Soomaaliya aan si rasmi ah maanta loogala xisaabtamin tacadiyada ka dhaca Maamul goboleedyada hoos yimaada Faderaalka, waxa uu is weydiiyay cidda sida gaarka ah loogala xisaabtamayo?.<\/p>\n<p>\u201cWaxaa nasiib darro ah in sarkaal Xafiiska Madaxweynaha ka tirsan\u00a0 uu qirto in Dowladda Soomaaliya aysan ka talin gobollada dalka oo ay Baydhabo iyo Kismaayo ka mid tahay.<\/p>\n<p>Wuxuu meel uga dhacay qarannimada dalka oo ku qeexan Dastuurka Dalka. Dowladda haddeysan dalka wada maamulin waxay ku habbooneyd inay weerarada ay ku heyso saxaafadda ee ka dhacaya Muqdisho ay joojiso marka hore, Annagu waxaan dooneynaa inaan ammaan iyo badqab helno\u201d . ayuu\u00a0 Cabdalle Muumin ku daray hadalkiisa.<\/p>\n<p>Shan Urur oo arrimaha saxaafadda u ololeeya ayaa Axaddii shalay dowladda Soomaaliya ku eedeeyay in ay weerar cad ku haayso warbaahinta madaxa-bannaan ee Soomaaliya taas oo ka hor-imaaneyso xoriyadda hadalka, iyadoo la sheegay in weriyayaashu ay dareemaan culeys adag, dowladduna aaney ka jawaabin cabashada saxaafadda.<\/p>\n<p>Ururradan ayaa qeexay in 12 bilood ee lasoo dhaafay ay dhaceen\u00a0 81 tacaddi oo ka dhan ah saxaafadda, halka 53 ay ahaayeen kuwa aan illaa iyo hadda waxay u dhaceen aan sabab loo haynin.<\/p>\n<p>Laba saxafi ayaa lagu dilay Soomaaliya, halka 12 kale lagu qasbay in ay Waddanka isaga cararaan. Sida ay ururradaasi sheegeen.<\/p>\n<p>Laakiin Cabdinuur Maxamed ayaa sheegay in aysan jirin hay\u2019ad warbaahineed oo ay dowladdu bartilmaameedsatay oo ku taalla Muqdisho. Hase-ahaayee waxa tilmaamay jiritaanka hal dhacdo oo aheyd weerar lagu qaaday xarunta Telefashinka Universal ee Muqdisho, waxana uu ku tilmaamay mid aan xiriir lala heyn arrimaha shaqada balse aheyd isku dhac iyo muran ka yimid dhinaca canshuuraha .<\/p>\n<p><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/beco.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone wp-image-57894 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/beco-300x156.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/beco-300x156.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/beco.jpg 578w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"156\" \/><\/a>\u00a0<a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/syl.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-58055 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/syl.jpg\" alt=\"\" width=\"228\" height=\"221\" \/><\/a>\u00a0<a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58054 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-300x111.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-300x111.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-768x285.jpg 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-696x258.jpg 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell.jpg 850w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"111\" \/><\/a>\u00a0<a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58053 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-252x300.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 252px) 100vw, 252px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-252x300.jpg 252w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-353x420.jpg 353w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1.jpg 450w\" alt=\"\" width=\"252\" height=\"300\" \/><\/a>\u00a0<a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/hormuud-logo.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-58052 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/hormuud-logo.png\" alt=\"\" width=\"251\" height=\"201\" \/><\/a>\u00a0<a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58051 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj-300x38.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj-300x38.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj.jpg 468w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"38\" \/><\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58050 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-300x91.png\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-300x91.png 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-768x232.png 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1024x309.png 1024w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-696x210.png 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1392x420.png 1392w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1068x323.png 1068w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1391x420.png 1391w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom.png 1722w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"91\" \/><\/a><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Agaasimaha warfaafinta madaxtooyada Soomaaliya Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa ka jawaabay eedo shalay ay dowladda u jeediyeen ururrada u dooda xuquuqda weriyayaasha iyo warbaahinta oo dowladda madaxweyne Farmaajo ku dhaleeceeyay in ay sameysay xad-gudubyo ka dhan ah saxaafadda iyo saxafiyiinta. Isagoo ka jawaabaya hadalkii Ururradaasi ayuu Cabdinuur sheegay in dowladda ay ku dadaasho islamarkaana ay tix-geliso [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":64918,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3],"tags":[],"class_list":["post-64917","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/64917","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=64917"}],"version-history":[{"count":3,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/64917\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":64942,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/64917\/revisions\/64942"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/64918"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=64917"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=64917"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=64917"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}