{"id":64797,"date":"2020-04-30T22:56:53","date_gmt":"2020-04-30T19:56:53","guid":{"rendered":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=64797"},"modified":"2020-05-01T00:50:53","modified_gmt":"2020-04-30T21:50:53","slug":"fatahaadda-wabiga-juba-ee-magaalada-baardheere-oo-dawladda-lagu-eedeeyey-in-ay-indhaha-ka-laabatey","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2020\/04\/fatahaadda-wabiga-juba-ee-magaalada-baardheere-oo-dawladda-lagu-eedeeyey-in-ay-indhaha-ka-laabatey\/","title":{"rendered":"Fatahaadda Webiga Juba ee Magaalada Baardheere oo Dawladda Lagu Eedeeyey In ay Indhaha Ka Laabatey."},"content":{"rendered":"<p align=\"justify\">Tan iyo wixii ka danbeeyay markii webiga Jubba uu ku fatahay degmada Baardheere ee gobolka Gedo, ayadoo uu baabi\u2019iyay in ka badan 2000 oo beer iyo ku dhawaad 500 oo guri oo ay daganaayeen dad shacab ah, ayaa waxaa isa soo tarayay qeylo dhaanta ku aaddan xaaladdaasi deg-degga ah ee kasoo yeereeysa bulshada qeybaheeda kala duwan, gaar ahaan kuwa kasoo jeeda gobolkaasi.<\/p>\n<p>Arrintan ayaa cadho iyo niyad-jab ku abuurtay bulshada gobolkaasi Gedo, kadib markii madaxda ugu sareeysa ee dowladda federaalka Soomaaliya, ay ka aamuseen wax ka qabashada xaaladda ka taagan gobolkaasi, ayadoo ay xusid mudantahay in dowladda federaalka ay Puntland ku wareejisay lacag dhan $1,000,000 (Hal Milyan oo Doollar), taasoo shacabka reer Gedo ay sheegeen in ahayd in dowladdu sahashaneeyso dhibaatada ka taagan Baardheere.<\/p>\n<p>Cali Sheekh Aadan (Cali Soomaali) waa aqoonyahan ka tirsan madasha aqoonyahanka gobolka Gedo, waxa ay bilaabeen olole loogu gurmanayo dadka ay fatahaadda saameysay, mar uu la hadlay Warbaahinta ayuu sheegay in ilaa\u00a0 hadda aysan arkin qorshe dowladeed ee wax looga qabanayo dhibaatada ka taagan Baardheere.<\/p>\n<p>\u201cMagaalada Baardheere maamul kama jiro, wadooyinkii galayay roobab ayaa xidhay, shacabka degmadaasina waxay u badanyihiin beeraleey, waxaa intaa u dheer fatahaadda webiga oo saameeysay dalagyadii ay beerteen, marka laga reebo madaxda xisbiyada mucaaradka qaarkood oo arrintan ka hadlay ilaa hadda dowladda federaalka arrinta Baardheere waxba kama oran,\u201d ayuu yiri Cali Soomaali.<\/p>\n<p>Waxa uu intaa ku daray in aysan garanayn sababta ilaa hadda ay dowladda diiradda u saari la\u2019dahay xaaladda cakiran ee ka taagan gobolka Gedo oo shacabka ku nool uu sheegay in ay markii horeba tabasho badan ka qabeen arrimaha\u00a0 dowladda oo uu sheegay in ay gabtay kaalinteedii, xilli xaaladda siyaasadeed ee Jubbaland ay taagantahay.<\/p>\n<p>Dhinaca kale, Gudoomiye ku xigeenka 2-aad ee gobolka Gedo ee dowlad goboleedka Jubbaland Sheekh Maxamed Yuusuf (Al-qaadi) oo isagu ku sugan Muqdisho, halkaa oo dowladda federaalka ah ay isaga iyo maamulkii Baardheeraba kal hore geeysay kadib muran ka dhashay is-qabqabsi maamul oo ka jiray degmadaasi ayaa sheegay in arrin laga xumaado ay tahay masiibada ka taagan Baardheere iyo sida ay sheedda uga daawanayaan madaxda dowladda.<\/p>\n<p>\u201cAnigoo ka xun dhibta gaartay reer Qardho, hadana Qardho iyo Baardheeraba waa dhul Soomaaliyeed, ma garan karo siyaasadda ka danbeeysa in Qardho ay dowladda $1,000,000 ugu gurmato, Baardheerana ay ka gaabsato xitaa in ay u tacsiyadeeyso dadka ku hoy iyo hanti beelay fatahaadda,\u201d ayuu yiri Gudoomiye Al-qaadi.<\/p>\n<p>Waxa uu ugu baaqay shacabka gobolka Gedo in ay isku tashadaan oo aysan waxba ka sugin dowladda, isagoo sheegay in madaxda dowladda ay ceeb ugu filantahay labadii mar ee masiibooyinka ay ka dhaceen degmadaasi sida ay uga falcelisay.<\/p>\n<p>\u201cFatahaaddii hore sidan oo kale ayay dowladda sameeysay, way ka aamustay, qeylo dhaan dheer kadib ayay wax yar oo aan wax badan ka tareyn dhibta gaarsiisay, hadana waa isla sidii oo shacabkaasi dhibtoonaya oo cir iyo dhulba ka xiran ayay dowladdu doorbiday in ay ka aamusto kaalmo iskaba daaye,\u201d Ayuu hadalkiisii raaciyay.<\/p>\n<p>Dhinaca kale, Qaar kamid ah axsaabta siyaasadeed ee dalka ayaa arrintan ka hadlay ayagoo dowladda ugu baaqay in aysan arrintan indhaha ka daboolan.<\/p>\n<p align=\"justify\"><strong>C\/raxmaan C\/shakuur, Gudoomiyaha xisbiga Wadajir ayaa bartiisa Facebook kusoo qoray;<\/strong><\/p>\n<p align=\"justify\"><img decoding=\"async\" src=\"https:\/\/www.hiiraan.com\/2020\/gallery\/apr\/2020430637238246578481097.jpg\" \/><\/p>\n<p><strong>Gudoomiyaha Xisbiga Himilo Qaran, Shariif Sheekh Axmed ayaa isna bartiisa facebook kusoo qoray;<\/strong><br \/>\n<img decoding=\"async\" src=\"https:\/\/www.hiiraan.com\/2020\/gallery\/apr\/2020430637238246425477937.jpg\" \/><\/p>\n<p align=\"justify\">Shacabka Soomaaliyeed ayaa siyaabo kala duwan uga falceliyay go\u2019aannada dowladda ee ku aadan ka jawaabidda masiibooyinka rabbaaniga ah ee dalka ka dhaca. Dadka Qaar ayaa aaminsan in dowladdu talaabooyin wanaagsan u qaaday dhankaasi, halka qaar kalena ay qabaan aragtida ah\u00a0 in kaalmada dowladda aysan ka marnayn siyaasad.<\/p>\n<p align=\"justify\"><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/beco.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone wp-image-57894 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/beco-300x156.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/beco-300x156.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/beco.jpg 578w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"156\" \/><\/a>\u00a0<a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/syl.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-58055 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/syl.jpg\" alt=\"\" width=\"228\" height=\"221\" \/><\/a>\u00a0<a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58054 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-300x111.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-300x111.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-768x285.jpg 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-696x258.jpg 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell.jpg 850w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"111\" \/><\/a>\u00a0<a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58053 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-252x300.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 252px) 100vw, 252px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-252x300.jpg 252w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-353x420.jpg 353w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1.jpg 450w\" alt=\"\" width=\"252\" height=\"300\" \/><\/a>\u00a0<a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/hormuud-logo.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-58052 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/hormuud-logo.png\" alt=\"\" width=\"251\" height=\"201\" \/><\/a>\u00a0<a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58051 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj-300x38.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj-300x38.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj.jpg 468w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"38\" \/><\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58050 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-300x91.png\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-300x91.png 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-768x232.png 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1024x309.png 1024w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-696x210.png 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1392x420.png 1392w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1068x323.png 1068w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1391x420.png 1391w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom.png 1722w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"91\" \/><\/a><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Tan iyo wixii ka danbeeyay markii webiga Jubba uu ku fatahay degmada Baardheere ee gobolka Gedo, ayadoo uu baabi\u2019iyay in ka badan 2000 oo beer iyo ku dhawaad 500 oo guri oo ay daganaayeen dad shacab ah, ayaa waxaa isa soo tarayay qeylo dhaanta ku aaddan xaaladdaasi deg-degga ah ee kasoo yeereeysa bulshada qeybaheeda kala [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":64798,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3],"tags":[],"class_list":["post-64797","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/64797","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=64797"}],"version-history":[{"count":4,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/64797\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":64819,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/64797\/revisions\/64819"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/64798"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=64797"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=64797"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=64797"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}