{"id":64744,"date":"2020-04-28T21:48:53","date_gmt":"2020-04-28T18:48:53","guid":{"rendered":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=64744"},"modified":"2020-04-29T00:01:45","modified_gmt":"2020-04-28T21:01:45","slug":"xiriirka-ururka-shaqaalaha-soomaaliyeed-oo-ku-baaqey-in-shaqaalaha-laga-difaaco-cudurada-faafa","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2020\/04\/xiriirka-ururka-shaqaalaha-soomaaliyeed-oo-ku-baaqey-in-shaqaalaha-laga-difaaco-cudurada-faafa\/","title":{"rendered":"Xiriirka Ururka Shaqaalaha Soomaaliyeed oo Ku Baaqey In Shaqaalaha Laga Difaaco Cudurada Faafa."},"content":{"rendered":"<div>Maanta oo ku beegan maalinta caalamiga ah ee la xuso shaqaalaha weynaha adduunka ayaa Xiriirka Ururrada Shaqaalaha Soomaaliyeed ee FESTU waxaa uu sheegay in ay tahay maanta maalin si weyn u mudan in lasoo xasuusto shaqaalaha Soomaaliyeed ee ku dhintay, dhaawacmay ama ku curyaamay inta ay ku guda jireen shaqadooda.<\/div>\n<div><\/div>\n<div>Ayadoo lagu jiro sanadka Coronavirus (COVID-19) ayaa xiriirka ururrada shaqaalaha waxaa uu sheegay in maanta aysan jirin maalin ay ka mudan tahay in la xuso maadaama ay dhibaato hor leh ay soo wajahday shaqaalaha muhiimka gaar ahaan kuwa ka shaqeeya goobaha caafimaadka.<\/div>\n<div><\/div>\n<div>FESTU ayaa qirtay kaalinta wax ku oolka ah ee shaqaalaha dalka gudihiisa ay ka hayaan, gaar ahaan howl-wadeenada caafimaadka iyo shaqaalaha kale ee muhiimka ah ee naftooda u huraya sidii loo badnaadin lahaa dadka Soomaaliyeed.<\/div>\n<div><\/div>\n<div>Maalmihii la soo dhaafay, ururrada shaqaalaha Soomaaliya waxay arkeen kor u kac xagga tirada shaqaalaha ah ee uu soo gaaray fayraska COVID-19. Ururada shaqaalaha ayaa heley macluumaad sheegaya in shaqaalo badan ay bukoodeen dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay, ayadoo\u00a0 FESTUay sheegtay in loo baahan yahay in la qaado tilaabooyin deg deg ah si looga hor tago in cudurkan uu dhibaato xoog leh u geysto shaqaalaha intiisa kale.<\/div>\n<div><\/div>\n<div>FESTU waxay aad ugu nuux-nuuxsatay in la ilaaliyo oo la sugo difaaca iyo daryeelka howl wadeenada caafimaadka iyo shaqaalaha kale ee muhiimka ah kuwaas oo safka hore kaga jira ka hortaga iyo la dagaalanka cudurka safmarka ah.<\/div>\n<div><\/div>\n<div>Xiriirka iyo ururada xubnaha ka ah ayaa dhowr jeer muujiyey khataraha ka dhalan kara la&#8217;aanta qalabka qofka ka ilaaliya in uu qaado cudurka oo ku filan shaqaalaha, aqoon yarida ku saabsan sida ugu haboon ee loo adeegsanayo qalabkan la isku ilaaliyo iyo wacyigelinta guud ee ku saabsan sida loola tacaali karo COVID-19 si markaasi looga ilaaliyo shaqaalaha inay qaadaan cudurka inta ay joogaan goobahooda shaqo.<\/div>\n<div><\/div>\n<div>\u201cWaxaan ka dalbanaynaa Dowladda Federaalka iyo Dowladaha xubinta ka ah iyo sidoo kale loo shaqeeyayaasha shirkadaha gaarka loo leeyahay inay shaqaalaha siiyaan qalab ku filan oo ay isku ilaaliyaan.<\/div>\n<div>Marka ay dhibaatadani dhamaato, waxaan dooneynaa in dowladda ay si dhakhso leh ugu dhaqaaqdo meel marinta sharciga Badqabka iyo caafimaadka shaqaalaha inta ay shaqada ku jiraan\u201dayuu yiri Cumar Faaruuq Cusmaan, xoghayaha guud ee FESTU.<\/div>\n<div><\/div>\n<p>Xiriirka ururrada shaqaalaha wuxuu si cad ugu baaqey dhamaan xarumaha daryeelka caafimaadka ee gaarka loo leeyahay iyo kuwa dowlada in aysan ku qasbin ama ku cabsi galin shaqaalaha in ay shaqeeyaan iyagoon heysanin qalabkii ay isku ilaalin lahaayeen maxaa yeelay haddii la qasbo waxay u dhigantaa iskuday dil iyo fal dambiyeed.<\/p>\n<p><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/beco.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone wp-image-57894 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/beco-300x156.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/beco-300x156.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/beco.jpg 578w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"156\" \/><\/a>\u00a0<a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/syl.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-58055 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/syl.jpg\" alt=\"\" width=\"228\" height=\"221\" \/><\/a>\u00a0<a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58054 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-300x111.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-300x111.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-768x285.jpg 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-696x258.jpg 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell.jpg 850w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"111\" \/><\/a>\u00a0<a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58053 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-252x300.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 252px) 100vw, 252px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-252x300.jpg 252w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-353x420.jpg 353w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1.jpg 450w\" alt=\"\" width=\"252\" height=\"300\" \/><\/a>\u00a0<a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/hormuud-logo.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-58052 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/hormuud-logo.png\" alt=\"\" width=\"251\" height=\"201\" \/><\/a>\u00a0<a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58051 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj-300x38.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj-300x38.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj.jpg 468w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"38\" \/><\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58050 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-300x91.png\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-300x91.png 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-768x232.png 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1024x309.png 1024w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-696x210.png 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1392x420.png 1392w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1068x323.png 1068w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1391x420.png 1391w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom.png 1722w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"91\" \/><\/a><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Maanta oo ku beegan maalinta caalamiga ah ee la xuso shaqaalaha weynaha adduunka ayaa Xiriirka Ururrada Shaqaalaha Soomaaliyeed ee FESTU waxaa uu sheegay in ay tahay maanta maalin si weyn u mudan in lasoo xasuusto shaqaalaha Soomaaliyeed ee ku dhintay, dhaawacmay ama ku curyaamay inta ay ku guda jireen shaqadooda. Ayadoo lagu jiro sanadka Coronavirus [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":64745,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3],"tags":[],"class_list":["post-64744","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/64744","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=64744"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/64744\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":64771,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/64744\/revisions\/64771"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/64745"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=64744"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=64744"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=64744"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}