{"id":6464,"date":"2012-05-24T09:39:59","date_gmt":"2012-05-24T09:39:59","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=6464"},"modified":"2012-05-24T09:51:58","modified_gmt":"2012-05-24T09:51:58","slug":"qodobadii-ka-soo-baxay-shirkii-saxiixayaasha-road-map-ka-oo-magaalada-adis-ababa-lagu-soo-gabagabeeyay","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2012\/05\/qodobadii-ka-soo-baxay-shirkii-saxiixayaasha-road-map-ka-oo-magaalada-adis-ababa-lagu-soo-gabagabeeyay\/","title":{"rendered":"Qodobadii ka soo baxay shirkii saxiixayaasha Road Map-ka oo magaalada Adis Ababa lagu soo gabagabeeyay."},"content":{"rendered":"<p><a class=\"highslide\" onclick=\"return vz.expand(this)\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2012\/05\/shirka-dastuurka_16-300x200.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-6467\" title=\"shirka-dastuurka_16-300x200\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2012\/05\/shirka-dastuurka_16-300x200.jpg\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"200\" \/><\/a><br \/>\nSHABAKADA WARARKA WARSOM.COM<\/p>\n<p>Saxiixayaasha hehsiiskii Road Map-ka oo shir sedex maalmood uga socday magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya ayaa xalay halkaasi shirkii lagu soo gabagabeeyay, waxaana shirkaasi oo ay uga doodayeen sidii ay uga gudbi lahaayeen kala aragti duwanaanshahooda ku aadan arrimaha dastuurka, xulidda Baarlamanka cusub, wadashaqeynta dawlad goboleedyada iyo dawlada dhexe, waqtiga uu ku ekaanayo jiritaanka hay\u2019adaha dowladda KMG, doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo ku xigeenadiisa, sidii looga bixi lahaa xilliga KMG  iyo waliba doorashada Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya ayaa laga soo saaray gabagabadii kulankaasi qodobo la sheegay inay ku heshiiyeen dhinacyadii shirka yeeshay, waxayna qodobada kala yihiin sida tan:-<br \/>\n26 May 2012 waxa la soo magacaabayaa Guddiga xalinta khilaafaadka beelaha oo ka kooban 25 xubnood.<\/p>\n<p>1 June 2012 waxa la magacaabayaa xubnaha guddiga farsamo ee ka kooban 30 xubnood<br \/>\n20 June 2012 odayaasha dhamaan inay diyaariyaan ergada ansixineysa dastuurka.<br \/>\n30 June 2012 waxaa la soo gudbinayaa liiska magacyada ergada ansixineysa dastuurka<br \/>\n2 July 2012 waxaa loo fariisanayaa shirkii ugu horeeyay ee afti u qaadida dastuurka (NCA)<br \/>\n10 July 2012 waxaa la ansixinayaa dastuurka federaalka Somalia.<br \/>\n15 July 2012 waxa la soo bandhigayaa xubnhaha Baarlamaanka Soomaaliya ka mid noqonaya.<br \/>\n20 July 2012 waxa la dhaarinayaa xubnaha Baarlamaanka afarta sano ee soo socota.<br \/>\n4 August 2012 waxa la dooranayaa Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo labadiisa ku xigeen.<\/p>\n<p>August waxa la dooranayaa madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya<br \/>\nDhinaca kale wasiirka dastuurka dowladda KMG oo wax laga weydiiyey in Odayaal dhaqameedyada hadda ku sugan magaalada Muqdisho ee wada howsha xulidda ay shaqada sii wadayaan iyo in odayaal cusub la keenayo ayuu tilmaamay in Odayaal dhaqameedyada hadda ku sugan magaalada 95% la isku raacsanyahay,Shanta dhimanna la dhameystiri doono si deg deg ah, wuxuuna xusay in intii shirku socday is faham laga gaaray dhaliilo horey looga soo jeediyey dastuurka oo ay qabeen maamul goboleedyada qaarkood hadana si wadajir loogu heshiiyey in wixii doodi ay ka jirto la bedelo.<\/p>\n<p>Gebagebadii kulanka ayaa waxaa ka hadlay Madaxweynaha dowladda KMG oo sheegay in la dhameeyay khilaafkii iyo kala aragti duwanaantii u dhaxeysay xubnaha saxiixayaashii Road Map-ka, wuxuuna yiri mar uu arrimahaasi ka hadlayey \u201cSida aan wada arkeyno waxay noo tahay farxad wuxuu shirku ku soo dhamaaday si wanaagsan taas micnaheedu wuxuu yahay qorshihii dhameystirka KMG-ka inuu u socdo si wanaagsan waqtiga hareyna in loo sameeyey jadwal, howlaha dhiman sidii loogu qaban lahaa dhammaan ka soo qeybgalayaashana waxay muujiyeen dadaal iyo firfircooni\u201d.<\/p>\n<p>Xafiiska warqabadka warsom.com<br \/>\nmuqdisho,Somaliya<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>SHABAKADA WARARKA WARSOM.COM Saxiixayaasha hehsiiskii Road Map-ka oo shir sedex maalmood uga socday magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya ayaa xalay halkaasi shirkii lagu soo gabagabeeyay, waxaana shirkaasi oo ay uga doodayeen sidii ay uga gudbi lahaayeen kala aragti duwanaanshahooda ku aadan arrimaha dastuurka, xulidda Baarlamanka cusub, wadashaqeynta dawlad goboleedyada iyo dawlada dhexe, waqtiga [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":0,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3],"tags":[49],"class_list":["post-6464","post","type-post","status-publish","format-standard","hentry","category-wararka","tag-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/6464","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=6464"}],"version-history":[{"count":3,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/6464\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":6466,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/6464\/revisions\/6466"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=6464"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=6464"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=6464"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}