{"id":64538,"date":"2020-04-19T23:01:02","date_gmt":"2020-04-19T20:01:02","guid":{"rendered":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=64538"},"modified":"2020-04-19T23:12:06","modified_gmt":"2020-04-19T20:12:06","slug":"deegaanka-fadhi-gaab-ee-gobolka-sanaag-beelo-ku-dagaalamey-oo-m-weyne-muuse-biixi-baaq-nabadeed-u-diray","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2020\/04\/deegaanka-fadhi-gaab-ee-gobolka-sanaag-beelo-ku-dagaalamey-oo-m-weyne-muuse-biixi-baaq-nabadeed-u-diray\/","title":{"rendered":"Deegaanka Fadhi Gaab ee G\/Sanaag Beelo Ku Dagaalamey oo M\/weyne Muuse Biixi Baaq Nabadeed U Diray."},"content":{"rendered":"<p>Madaxweynaha Somaliland\u00a0 Muuse Biixi Cabdi ayaa baaq nabadeed u direy labadda beelood ee ku diriraya deegaanka fadhi gaab ee gobolka Sanaag oo saaka dagaal ku dhexmaray laba beelood oo walaalo ah oo marar badan dagaalo dhexmaray.<\/p>\n<p>Sidoo kale, waxa uu ka hadlay sidii loo yareen lahaa faafitaanka cudurka Covid19 maadaama oo dadku guryaha wada joogi Karin oo ah bulsho aroortii shaqo tagta oo aan marna guriga joogi Karin.<\/p>\n<p>Mar uu ka hadlayey dagaalka labadda beelood ee ka socda fadhi gaab ee gobolka Sanaag waxa uu yidhi\u00a0 \u201cWaxan leeyahay dagaalka halla joojiyo, bishii Ramadaanna way inagu soo dhaw dahay, Ilaahayna Barwaaqo badan iyo Roob iyo Nimco badan buu ina siiyey, col kale oo cudur ahina waa ina hayaa oo adduunka oo dhan haya,\u00a0 Maanta waa maalintii la wada-jiri lahaa ee la is kaashan lahaaye, ma aha maalintii xabbad la isku bilaabi lahaaye waxgaradka iyo waayeelka waxan usoo jeedinayaa in arrintaas halkaas lagu joojiyo.\u201d<\/p>\n<p>Madaxweynuhu waxa uu sheegay in dhammaanba bulshada Somaliland, xukuumaddeeda, aqoonyahankeeda,waxgaradkeeda iyo\u00a0 haldoorkeeduba waqti badan geliyeen xallinta colaadda deegaannada ceel-Afweyn, marar badanna xal laga gaadhay, balse ay nasiib-darro tahay dhibaatada maanta soo cusboonaatay.<\/p>\n<p>Dhinaca kale, waxa uu ka hadlay cudurka covid19, waxaanu yidhi\u00a0 \u201cMa odhan karno meel walba weynu xidhaynaa waayo qof walba qol gaar ah uma helayno oo suurtogal ma aha, markaa haddii aynu xidhno waa dhibaato soo korodhaye innagu waxaynu qaadanaynaa aynnu dhibaatada yarayno, dhibaatadana waxaynu ku yarayn karnaa innaga oo qaadana talada dhakhaatiirta oo intii suurtogal ahba la kala fogaado.\u201d<\/p>\n<p>Madaxweynuhu waxa uu sidoo kale bulshada ugu baaqay inay guryahooda ku cibaadaystaan, kana dheeraadaan goobaha masaajiiddada si looga fogaado isu ururka bulshada, isaga oo culimada iyo dadka kaleba ugu baaqay inay raacaan talada dhakhaatiirta iyo guddida ka hortagga xanuunka COVID-19, \u201cInnagu waxaynu leenahay maadaama oo uu xanuunkii inagu jiro oo aynu hubno ururrada aynu masaajidku kamid yahaye dadku guryahooda haku tukadaan, masaajidkii marka intaas oo qof isugu timaaddo ee kii kaa horreeyey halkuu ku suguuday aad ku sujuuddo ee kii soo galay aad lasoo gasho Ilaahay baa inoo fasaxaye ma aha wax aynu diintii ku gefayno, inaynnu is fahmi weynonna ma ahee culimada iyo dadkoo dhanba waxaynnu leenahay caafimaadkeennii baa ku ege sida inoo roon ee guddidu inoogu talinayso aynnu yeelno,\u201d ayuu yidhi madaweyne Muuse Biixi Cabdi.<\/p>\n<p>Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu bulshada ugu bushaareeyey inay xukuumad ahaan fureen Sanduuq lagu ururinayo dhaqaalaha loogu talo galay in lagula tacaalo xanuunka COVID-19, islamarkaana ay xukuumad ahaan\u00a0 ku shubeen qaddar lacag ah, waxana uu yidhi, \u201cWaxan go\u2019aaminnay in la furo Akoon lagu ururinayo wixii dhaqaale loo baahan yahay oo la isugu tago, dawlad, baayac-mushtar iyo ciddii kale ee ina caawinaysa ee adduunka ah oo halkaas lagu soo ururiyo oo loo diyaar garoobo haddii hawshu soo cusboonaato, dawlad ahaanna $3,000,000 (Saddex milyan) oo doollar baannu ku shubaynaa Akoonkaas oo aannu ka goynay mashaariicdii horumarka, gunnooyinkii iyo wixii kale ee la hakin karo ee dawladdu ay leedahay, uu dhaqaalaheeda saamaynayo dhaqaalaha istaagay.\u201d<\/p>\n<p>Ganacsatada iyo baayac-mushtarka ayuu sidoo kale madaxweynuhu ugu baaqay inay maalkooda iyo maskaxdoodaba kaga qayb-qaataan halganka lagula jiro xanuunka covid-19, una damqadaan bulshadooda, \u201cTujaarta iyo baayac-mushtarka waxa la farayaa haddii ay sekedoodii tahay iyo sadaqo iyo waxtarba inay maanta dadka\u00a0 la gurmad galaan oo xoolahooda kula hawl-galaan dawlad iyo shicibba in xanuunkaas laga hortago, qaar kasoo jawaabayna way jiraan,\u201d ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.<\/p>\n<p>Ugu dambayntii madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu ka hadlay arrinta qaadka oo bulshada dhibaato ku haya iyo joojintiisa, waxana uu caddeeyey inaan lagu joojin Karin laab la-kac iyo caaddifad, balse loo baahan yahay go\u2019aamo lagu midaysan yahay oo si hufan loo lafo-guray, si dhibaato la\u2019aan loo joojiyo qaadka.<\/p>\n<p><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/beco.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone wp-image-57894 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/beco-300x156.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/beco-300x156.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/beco.jpg 578w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"156\" \/><\/a>\u00a0<a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/syl.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-58055 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/syl.jpg\" alt=\"\" width=\"228\" height=\"221\" \/><\/a>\u00a0<a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58054 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-300x111.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-300x111.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-768x285.jpg 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-696x258.jpg 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell.jpg 850w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"111\" \/><\/a>\u00a0<a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58053 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-252x300.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 252px) 100vw, 252px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-252x300.jpg 252w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-353x420.jpg 353w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1.jpg 450w\" alt=\"\" width=\"252\" height=\"300\" \/><\/a>\u00a0<a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/hormuud-logo.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-58052 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/hormuud-logo.png\" alt=\"\" width=\"251\" height=\"201\" \/><\/a>\u00a0<a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58051 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj-300x38.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj-300x38.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj.jpg 468w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"38\" \/><\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58050 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-300x91.png\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-300x91.png 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-768x232.png 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1024x309.png 1024w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-696x210.png 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1392x420.png 1392w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1068x323.png 1068w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1391x420.png 1391w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom.png 1722w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"91\" \/><\/a><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Madaxweynaha Somaliland\u00a0 Muuse Biixi Cabdi ayaa baaq nabadeed u direy labadda beelood ee ku diriraya deegaanka fadhi gaab ee gobolka Sanaag oo saaka dagaal ku dhexmaray laba beelood oo walaalo ah oo marar badan dagaalo dhexmaray. Sidoo kale, waxa uu ka hadlay sidii loo yareen lahaa faafitaanka cudurka Covid19 maadaama oo dadku guryaha wada joogi [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":64539,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3],"tags":[],"class_list":["post-64538","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/64538","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=64538"}],"version-history":[{"count":3,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/64538\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":64543,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/64538\/revisions\/64543"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/64539"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=64538"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=64538"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=64538"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}