{"id":64487,"date":"2020-04-16T22:45:04","date_gmt":"2020-04-16T19:45:04","guid":{"rendered":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=64487"},"modified":"2020-04-17T03:46:54","modified_gmt":"2020-04-17T00:46:54","slug":"markii-ugu-horeysay-oo-shirkii-golaha-wasiirada-somaliland-ku-qabsoomey-habka-online","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2020\/04\/markii-ugu-horeysay-oo-shirkii-golaha-wasiirada-somaliland-ku-qabsoomey-habka-online\/","title":{"rendered":"Markii Ugu Horeysay oo Shirkii Golaha Wasiirada Somaliland Ku Qabsoomey Habka Online."},"content":{"rendered":"<p>Shirkii golaha wasiirada Somaliland ayaa maanta ku qabsoomay habka maqalka iyo muuqaalka ee\u00a0 isgaadhsiinta Internetka, kuwaas oo iyagoo xafiisyadooda kala jooga shirkooda ku qabsaday adeegan.<\/p>\n<p>Shirkan golaha wasiirada waxa shirgudoominayey madaxweyne Biixi, waxaana lagaga hadlayey cudurkan faraha baas ku haya dunida ee Covid-19, waxaana lagaga doodayey sidii looga hortegi karo, sidii looga feejignaan lahaa iyo hoos u dhaca ku yimid dhaqaalihii dawladda oo sababtay inay is dhinto kutalogalkii miisaaniyadda 2020-ka..<\/p>\n<p>ugu horrayn warbixin la xidhiidha xanuunka covid 19 laga dhegeystay wasiirka horumarinta caafimaadka, Mudane Cumar Cali Cabdilaahi waxaanu wasiirku ku dheeraaday dadaalka iyo u diyaargarawga\u00a0 ka hortagga xanuunka ee wasaaradda horumarinta caafimaadku ugu jirto iyadoo kaashanaysa guddida heer qaran ee u diyaargarawga iyo ka hortagga xanuunka ay xil weyn iska saareen badqabka bulshada, waxaanu wasiirku sheegay in baadhitaanno lagu sameeyey dad looga shakiyey xanuunka, tirada rasmiga ah ee xanuunka laga helayna tahay shanti qof ee hore loo shaaciyey, iyada oo laba qof oo laga shakisan yahana jawaabta shaybaadhkooda\u00a0 la sugayo, sidoo kale waxa uu wasiirku xusay in gobol walba\u00a0 iyo xuduudaha dalka\u00a0 ay ka hirgeliyeen goobo u gaara xanuunka oo ay ku sugan yihiin hawl-wadeenada caafimaadku.<\/p>\n<p>Sidoo kale, madaxweyne ku xigeenka Somaliland ahna guddoomiyaha guddida heer qaran ee u diyaargarawga iyo ka hortagga xanuunka covid 19, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa golaha warbixin ka siiyay hawsha ay wadaan isagoo xusay inay hadh iyo habeen heegan ugu jiraan ka hortaga iyo diyaar garowga xanuunka Covid-19 iyagoo kaashanaya guddiyada gobolada iyo degmooyinka ilaa imikana si fiican ay hawshu ugu socoto, wuxuna tilmaamay madaxweyne ku xigeenku in ay socoto fulinta go\u2019aamadii ay soo saareen.<\/p>\n<p>Dhinaca kale, wasiirka wasaarada horumarinta maaliyada, Dr. Sacad Cali Shire\u00a0 ayaa golaha warbixin ka siiyey saamaynta dhaqaale ee uu xanuunku ku yeeshay guud ahaan dhaqaalaha dunida, gaar ahaanna Somaliland, isagoo wasiirku caddeeyey in xanuunkani saameeyey mala\u2019awaalka miisaaniyad-sanadeedka qaran ee 2020, sababina karo hoos udhac dhaqaale, sidaa awgeed la tashiili doono miisaaniyada dalka, iyadoo dawladduna qorshe ka yeelan doonta\u00a0 saamaynta dhaqaale ee xanuunkani bulshada ku keeni karo.<\/p>\n<p>Ugu danbayntii waxa goluhu isla qaateen\u00a0 in la dardargeliyo baraarujinta iyo wacyigelinta bulshada ee xanuunka covid 19, iyagoo shacabka u soo jeediyey inay u hoggaansamaan awaamiirta guddida heer qaran ee covid 19\u00a0 iyo talooyinka caafimaad ee la soo saaray .<\/p>\n<p><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/beco.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone wp-image-57894 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/beco-300x156.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/beco-300x156.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/beco.jpg 578w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"156\" \/><\/a>\u00a0<a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/syl.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-58055 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/syl.jpg\" alt=\"\" width=\"228\" height=\"221\" \/><\/a>\u00a0<a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58054 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-300x111.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-300x111.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-768x285.jpg 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-696x258.jpg 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell.jpg 850w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"111\" \/><\/a>\u00a0<a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58053 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-252x300.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 252px) 100vw, 252px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-252x300.jpg 252w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-353x420.jpg 353w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1.jpg 450w\" alt=\"\" width=\"252\" height=\"300\" \/><\/a>\u00a0<a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/hormuud-logo.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-58052 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/hormuud-logo.png\" alt=\"\" width=\"251\" height=\"201\" \/><\/a>\u00a0<a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58051 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj-300x38.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj-300x38.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj.jpg 468w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"38\" \/><\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58050 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-300x91.png\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-300x91.png 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-768x232.png 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1024x309.png 1024w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-696x210.png 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1392x420.png 1392w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1068x323.png 1068w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1391x420.png 1391w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom.png 1722w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"91\" \/><\/a><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Shirkii golaha wasiirada Somaliland ayaa maanta ku qabsoomay habka maqalka iyo muuqaalka ee\u00a0 isgaadhsiinta Internetka, kuwaas oo iyagoo xafiisyadooda kala jooga shirkooda ku qabsaday adeegan. Shirkan golaha wasiirada waxa shirgudoominayey madaxweyne Biixi, waxaana lagaga hadlayey cudurkan faraha baas ku haya dunida ee Covid-19, waxaana lagaga doodayey sidii looga hortegi karo, sidii looga feejignaan lahaa iyo [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":64488,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3],"tags":[],"class_list":["post-64487","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/64487","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=64487"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/64487\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":64493,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/64487\/revisions\/64493"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/64488"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=64487"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=64487"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=64487"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}