{"id":6437,"date":"2012-05-23T03:31:30","date_gmt":"2012-05-23T03:31:30","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=6437"},"modified":"2012-05-23T03:31:30","modified_gmt":"2012-05-23T03:31:30","slug":"danjirayaasha-beesha-caalamka-oo-saxiixayaasha-road-map-ka-eedeyay","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2012\/05\/danjirayaasha-beesha-caalamka-oo-saxiixayaasha-road-map-ka-eedeyay\/","title":{"rendered":"Danjirayaasha beesha caalamka oo saxiixayaasha Road Map-ka Eedeyay."},"content":{"rendered":"<h2><span style=\"color: #0000ff;\"><em><a class=\"highslide\" onclick=\"return vz.expand(this)\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2012\/05\/Shariifeyn-vs-Faroole.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-thumbnail wp-image-6438\" title=\"Shariifeyn-vs-Faroole\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2012\/05\/Shariifeyn-vs-Faroole-150x150.jpg\" alt=\"\" width=\"150\" height=\"150\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2012\/05\/Shariifeyn-vs-Faroole-150x150.jpg 150w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2012\/05\/Shariifeyn-vs-Faroole.jpg 230w\" sizes=\"auto, (max-width: 150px) 100vw, 150px\" \/><\/a><br \/>\nSHABAKADA WARARKA WARSOM.COM<\/em><\/span><\/h2>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>Magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya waxaa ka bilwoday shalay shir ay<br \/>\nhalkaasi ku leeyihiin siyaasiyiin ka socda qeybaha siyaasada Soomaaaliya ee<br \/>\ndawlada KMG, Maamulada Puntland, Galmudug iyo Ahlu Sunna Waljamaaca, waxaana<br \/>\nlooga hadlayaa arrimaha ku aadan xallinta ismaandhaafka ka taagan dastuur u<br \/>\nsameynta Soomaaliya iyo arrimaha la xiriira waqtiga kala guurka hay\u2019adaha<br \/>\ndawlada KMG Soomaaliya.<\/p>\n<p>Shirka oo ay ka qeybgaleen in ka badan 100-diblumaasi oo ka kala socota<br \/>\nbeesha caalamka ayaa loogu baaqay dhinacyada Soomaalida inay la yimaadaan<br \/>\nwadahalo waxtar leh oo u gogol-xaaraya dhameynta waqtiga KMG ah ee u harsan<br \/>\ndowladda KMG ee hadda jirta, waxaana safiirka dowladda Ingiiiska u qaabilsan<br \/>\narrimaha Soomaaliya uu sheegay inay bixinayaan qarash dheeraad ah haddii ay<br \/>\ndhinacyada Soomaalidu ay ku guuleystaan dhameynta khilaafkooda.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>Qaar ka mid ah danjirayaasha ka qeybgalaya shirka ayaa sheegay in khilaafka u<br \/>\ndhaxeeya siyaasiyiinta Soomaalidu uu ragaadiyey qorshaha higelinta Road Map-ka,<br \/>\nwaxayna sidoo kale dhaliileen qaabka loo soo xulay odayaasha dhaqanka ee ku<br \/>\nshirsan Muqdisho oo ay sheegeen in siyaasiyiin damac leh ay soo xuleen qaar ka<br \/>\nmid ah odayaasha dhaqanka oo aan aheyn kuwii dhabta ahaa, loona baahanyahay in<br \/>\ndegdeg loo saxo qaladaadka jira.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>Ra\u2019isul wasaaaha dowladda KMG oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in Soomaaliya<br \/>\nay 12 sano ee la soo dhaafay ay ku jirtay dowlad KMG ah loona baahanyahay in<br \/>\nmarkan la soo afjaro, wuxuuna sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay rajo wanaagsan<br \/>\nka qabaan sidii loo dhameystiri lahaa qorshaha Road map-ka oo hamiga shacabku uu<br \/>\naad u sarreeyo. Waxuuna talo ku soo jeediyey in guddi 15-xubnood ah ee madax<br \/>\ndhaqameedka ka mid ah in la sameeyo si ay u xalliyaan khilaafka beelaha qaarkood<br \/>\nee xubnaha matalaya beeshooda ee madax Dhaqameedka ah.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Itoobiya Siciid Yuusuf Nuur ayaa sheegay in<br \/>\nshirka uu soconayo labo maalmood, isla markaasna looga hadlayo dhameynta kala<br \/>\naragtiduwanaanta ku aadan dastuuka, iyadoo waxna laga dhimayo waxna lagu darayo,<br \/>\nwuxuuna xusay in qodobada miiska saaran ee laga hadlayo ay ugu horeeyaan<br \/>\ncabashooyin ka yimid dhinaca Puntland oo sheegay in qodobo badan oo ka mid ah<br \/>\ndastuuka aan loo xusin sidii la rabay sida Federaalka, awoodqeybsiga gobolada,<br \/>\nawoodda dhexe iyo kheyraadka dabiiciga ah sida loo qeybsanayo.<\/p>\n<p>Xafiiska warqabadka warsom.com<\/p>\n<p>muqdisho,somaliya<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>SHABAKADA WARARKA WARSOM.COM &nbsp; Magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya waxaa ka bilwoday shalay shir ay halkaasi ku leeyihiin siyaasiyiin ka socda qeybaha siyaasada Soomaaaliya ee dawlada KMG, Maamulada Puntland, Galmudug iyo Ahlu Sunna Waljamaaca, waxaana looga hadlayaa arrimaha ku aadan xallinta ismaandhaafka ka taagan dastuur u sameynta Soomaaliya iyo arrimaha la xiriira waqtiga kala [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":0,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3],"tags":[49],"class_list":["post-6437","post","type-post","status-publish","format-standard","hentry","category-wararka","tag-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/6437","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=6437"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/6437\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":6439,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/6437\/revisions\/6439"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=6437"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=6437"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=6437"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}