{"id":64220,"date":"2020-04-02T22:20:55","date_gmt":"2020-04-02T19:20:55","guid":{"rendered":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=64220"},"modified":"2020-04-03T01:15:58","modified_gmt":"2020-04-02T22:15:58","slug":"saciid-ducaale-laacibkii-xulka-qaranka-soomaaliya-oo-yemen-ku-geeryooday","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2020\/04\/saciid-ducaale-laacibkii-xulka-qaranka-soomaaliya-oo-yemen-ku-geeryooday\/","title":{"rendered":"Saciid Ducaale laacibkii Xulka Qaranka Soomaaliya oo Yemen Ku Geeryooday."},"content":{"rendered":"<p>Laacibkii hore ee kooxda Horseed FC ee horyaalka dalkeenna iyo xulka qaranka Soomaaliya Siciid Ducaale ayaa ku geeriyooday magaaladda Cadan dalka Yemen, halkaas oo uu ku xanuusanaa muddooyinkii ugu dambeeyay.<\/p>\n<p>Aaska marxuumka ayaa maanta ka dhacay masaajidka Al-ixsaan, ee xaafadda Tawila ee magaalada Cadan, halkaas oo boqolaal muslimiin ah ay kula tukadeen salaadda jinaasada. Wuxuu ahaa 73-jir.<\/p>\n<p>Allaha u naxariistee marxuum Ducaale oo ka mid ahaa ciyaartooyda ugu wanaagsan qaaradda Africa iyo dalalka carabta wuxuu ku dhashay magaaladda Cadan ee dalka Yemen sanadkii 1947, wuxuu muddo 10-sanadooda\u00a0 ahaa laacibka ugu sarreeya horyaalka K\/cagta Soomaaliya.<\/p>\n<p>C\/caziiz Xaaji Gifin oo\u00a0 ka mid ahaa laaciibiintii kooxdii FIAT oo ay Siciid Ducaale isku xilli ahaayeen ayaan Warbaahinta u sheegay inuu ahaa laacib ay ka cabsan jiraan dhammaan kooxaha ka soo horjeeda.<\/p>\n<p>&#8220;Siciid Ducaale iyo Ismaaciil Girille waxay ahaayeen labada ciyaaryahan ee ugu laacibsanaa Soomaaliya, gaar ahaan Siciid wuxuu ahaa nin laga cabsado, haddii uu heli lahaa fursad uu dibadda uga ciyaaro isaga ayaa maanta ka caansanaan lahaa Maradona&#8221; ayuu yiri C\/caziz Giftin.<\/p>\n<p>&#8220;Siciid Ducaale wuxuu ahaa laacib weyn, wuxuu ahaa nin aan loo babac-dhici karin, markii aan la ciyaareyno aniga yaa raaci jiray, laakiin wuxuu ahaa laacib xirfaddiisu aad u sareyso&#8221; ayuu Shabakadda\u00a0 Hanoolaato u sheegay Axmed-nuur Maxamed Xaashi (Sayga Ruushka) laacibkii hore ee kooxda Jeenyo.<\/p>\n<p><iframe loading=\"lazy\" src=\"https:\/\/www.youtube.com\/embed\/BYZAy9M5Glk\" width=\"660\" height=\"390\" frameborder=\"0\" allowfullscreen=\"allowfullscreen\" data-mce-fragment=\"1\"><\/iframe><br \/>\n<em>Cayaarahaan Axmednur M. Xaashi (Seyga Ruushka) oo ka warbixinaya Saciid Ducaale<\/em><\/p>\n<hr \/>\n<p>Guulihii ugu caansanaa ee Siciid Ducaale waxaa ka mid ahaa inuu kooxda Horseed keenay ciyaarta kama dambeysta ah ee koobka kooxaha Bariga iyo Bartamaha Africa ee CECAFA sanadkii 1972, waxaana 2-1 koobkii ku qaaday kooxda Luo Union ee dalka Kenya. CIyaartaas kaddib, waxaa Siciid Ducaale loo magacaabay ciyaaryahanka sanadka ee dalalka Bariga iyo Bartamaha Africa ee 1971-1972 (CECAFA best player of the Year).<\/p>\n<p>Wuxuu ahaa ciyaaryahan mucjiyo ku ahaa gool dhalinta, gaar ahaan laadka xorta ah ee Free-Kick, iyadoo taageereyaashu ugu yeeri jireen (Boqorkii kubadda cagta) ama Maliku alKura, waana ciyaaryahan xushmo weyn looga hayo Africa iyo Carbta intaba.<\/p>\n<p>Soomaaliya kaddib, Siciid Ducaale wuxuu markii dambe u ciyaaray kooxda Zamaleh SC ee dalka Masar iyo kooxda Al-Jazira ee dalka Imaarkaadka Carabta, in kastoo dhaawacyo la soo gudboonaaday aawadood uu wakhti kooban la qaatay kooxahaas.<\/p>\n<p>Markii uu ciyaaraha ka fariistay, wuxuu Cadan ka noqday macallin dhiga waxbarashada jirdhiska. Sidoo kale wuxuu Tababare iyo wakiil u noqday kooxda ugu faca weyn ciyaaraha dalka Yemen ee Al-tilal FC.<\/p>\n<p><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/beco.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone wp-image-57894 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/beco-300x156.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/beco-300x156.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/beco.jpg 578w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"156\" \/><\/a>\u00a0<a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/syl.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-58055 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/syl.jpg\" alt=\"\" width=\"228\" height=\"221\" \/><\/a>\u00a0<a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58054 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-300x111.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-300x111.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-768x285.jpg 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-696x258.jpg 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell.jpg 850w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"111\" \/><\/a>\u00a0<a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58053 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-252x300.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 252px) 100vw, 252px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-252x300.jpg 252w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-353x420.jpg 353w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1.jpg 450w\" alt=\"\" width=\"252\" height=\"300\" \/><\/a>\u00a0<a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/hormuud-logo.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-58052 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/hormuud-logo.png\" alt=\"\" width=\"251\" height=\"201\" \/><\/a>\u00a0<a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58051 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj-300x38.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj-300x38.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj.jpg 468w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"38\" \/><\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58050 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-300x91.png\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-300x91.png 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-768x232.png 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1024x309.png 1024w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-696x210.png 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1392x420.png 1392w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1068x323.png 1068w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1391x420.png 1391w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom.png 1722w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"91\" \/><\/a><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Laacibkii hore ee kooxda Horseed FC ee horyaalka dalkeenna iyo xulka qaranka Soomaaliya Siciid Ducaale ayaa ku geeriyooday magaaladda Cadan dalka Yemen, halkaas oo uu ku xanuusanaa muddooyinkii ugu dambeeyay. Aaska marxuumka ayaa maanta ka dhacay masaajidka Al-ixsaan, ee xaafadda Tawila ee magaalada Cadan, halkaas oo boqolaal muslimiin ah ay kula tukadeen salaadda jinaasada. Wuxuu [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":64221,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3],"tags":[],"class_list":["post-64220","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/64220","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=64220"}],"version-history":[{"count":3,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/64220\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":64240,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/64220\/revisions\/64240"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/64221"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=64220"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=64220"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=64220"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}