{"id":64204,"date":"2020-04-01T21:50:46","date_gmt":"2020-04-01T18:50:46","guid":{"rendered":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=64204"},"modified":"2020-04-02T00:08:45","modified_gmt":"2020-04-01T21:08:45","slug":"allaha-u-naxariistee-r-wasaarihii-hore-nuur-xasan-xuseen-oo-ku-geeryooday-dalka-uk","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2020\/04\/allaha-u-naxariistee-r-wasaarihii-hore-nuur-xasan-xuseen-oo-ku-geeryooday-dalka-uk\/","title":{"rendered":"Allaha U Naxariistee R\/wasaarihii Hore Nuur Xasan Xuseen oo Ku Geeryooday Dalka UK."},"content":{"rendered":"<div align=\"justify\">Alle ha u naxariistte waxaa Magaalada London ee dalka Ingiriiska ku geeriyooday AUN Ra&#8217;iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya AUN Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) oo beryahaan ku xanuunsanaa Isbitaal ku yaalla Magaalada London.<\/div>\n<div align=\"justify\"><\/div>\n<div align=\"justify\">Geerida marxuumka ayaa waxaa warbaahinta u xaqiijiyay wiilkiisa Xaaji Maxamed Nuur Xasan oo sheegay in marxuumka uu dhawaanahan u xanuunsanaa caabuqa uu keeno cudurka COVID-19 oo adduunka faro ba\u2019an ku haya.<\/div>\n<div align=\"justify\"><\/div>\n<div align=\"justify\">Marxuumka ayaa lagu aasi doonaa Magaalada London, madaama haatan aysan Ingiriiska ka jirin duulimaadyo sababo la xiriira ka hortagga faafitaanka cudurka COVID-19.<\/div>\n<div align=\"justify\"><\/div>\n<div align=\"justify\">Alle ha u naxariistee Nuur Cadde ayaa waxaa xilka Ra\u2019iisal Wasaarenimo ee Soomaaliya loo magacaabay 22 november 2007, waxaana magacaabay AUN Madaxweynihii hore ee Soomaaliya C\/llaahi Yuusuf Axmed kagadaal markii ay isqabteen ra\u2019iisal wasaarihii ka horreeyay Cali Maxamed Geeddi.<\/div>\n<div align=\"justify\"><\/div>\n<div align=\"justify\">Alle ha u naxariistee marxuumka wuxuu xilligaas kaddib soo noqday Safiirkii Dowladda Soomaaliya u fadhiyay Talyaaniga iyo Midowga Yurub, isagoo muddadaasna ka qeybqaatay geeddi-socod diblumaasiyadeed oo caalamka, gaar ahaan dalalka uu Soomaaliya wakiilka uga ahaa.<\/div>\n<div align=\"justify\"><\/div>\n<div align=\"justify\">Marxuumka waxay dadkii yaqaanay ku tilmaameen shakhsi qiimo iyo qaddarin weyn ay u hayeen Dadka Soomaaliyeed, si gaar ahna waxaa loogu xusuustaa kaalintii uu ku lahaa in Ciidamadii Itoobiyaanka ahaa ee Muqdisho gudaha u galay 28\/12\/2006 laga saaro Soomaaliya oo dhan, isagoo weliba u jajabnaantiisa wada hadallada iyo tanaasulka ay keentay in Mucaaradkii kasoo horjeeday Xukuumaddiisa oo fariisintiisu ahayd Asmara, Eritrea ay qaataan geeddi-socod nabadeed, kaasi oo aakhirkii keenay in Hoggaamiyihii Midowgii Maxkamada Islaamka Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo mucaaradka Asmara fadhiyay hoggaaminayay kusoo baxo doorashadii madaxweynenimo ee Jabuuti ka dhacday bishii Janaayo 2009.<br \/>\n<b><br \/>\n<\/b><\/div>\n<div align=\"justify\"><b>Taariikh kooban oo Marxuumka ku saabsan<\/b><\/div>\n<div align=\"justify\"><\/div>\n<div align=\"justify\">Col Nur Hassan Hussein oo loo yaaqaan (Nur Cadde) waxa uu ku dhashay magaalada Muqdisho sanadkii 1938. Markii uu soo barbaarayna waxa uu ku biiray ciidankii Ilaalinta canshuuraha somaaliyeed (Guardia Di Finanza) sanadku markuu ahaa 1954, kadibna waxa uu ku soo wareegay Ciidanka Boliiska Somaaliyeed oo la aasaasay sanadkii 1965.<\/div>\n<div align=\"justify\"><\/div>\n<div align=\"justify\"><b>Howlihiisii Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.<\/b><\/div>\n<div align=\"justify\"><\/div>\n<div align=\"justify\">Nur Cadde intii uu ka tirsanaa ciidanka boliiska Somaaliyeed waxa uu ka gaaray darajada Gaashaanle Sare, xilal kala duwana waxa uu ka soo qabtay qeybaha kala duwan ee Taliska Ciidanka Boliiska Somaaliyeed. Wuxuu taliye ku xigeen ka soo noqday xafiisyada qeybta Ciidanka, Xafiska qeybta Siyaasada iyo abaabulka iyo qeybta xiriirka caalamiga ah ee INTERPOL.<\/div>\n<div align=\"justify\"><\/div>\n<div align=\"justify\">Saraakiisha iyo dhamaan ciidanka Boliiska Somaaliyeed waxa ay rumansan yihiin Col Nur inuu ka mid ahaa Tiirarka aqoonta iyo maamul wanaagga u sameeyey Ciidanka Boliiska Somaaliyeed. Sanadihii 1976 \u2013 1983 waxaa uu ahaa Madaxa Xafiiska tababarada iyo qorsheynta ee Ciidanka Boliiska Somaaliyeed. Sida la wada ogayahayna tayada Ciidanka Boliiska Somaaliyeed waxay aheyd mid ku dhisan aqoon iyo maamul wanaagsan.<\/div>\n<div align=\"justify\"><\/div>\n<div align=\"justify\">Sanadkii 1986 Col. Nur Cadde markii uu ka soo noqday wadanka talyaaniga halkaasi uu ugu maqnaa tababar muddo labo sano ah oo ku saabsan culuunta takhasuska Baarista Canshuuraha iyo sharuucda caalamiga ah, ayaa waxa loo magacaabay ku xigeenka Xeer ilaaliyaha Guud ee Maxkamadda Badbaadada, si uu talo uga bixiyo denbiyada la xiriira canshuuraha iyo mamul xumada. Sanad ka dibna waxaa loo magacaabay Xeer Ilaliyaha Guud ee maxkamadda Badbaadada Dalka Somaaliyeed.<\/div>\n<div align=\"justify\"><\/div>\n<div align=\"justify\">Wuxuu kaloo la soo shaqeeyay Marxuumka Ururka bisha Cas oo uu wakiil uga Soomaaliya, weliba xilli adag oo dalka uu kasoo baxay dagaalladii sokeeye kaddib burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya.<\/div>\n<div align=\"justify\"><\/div>\n<div align=\"justify\"><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/beco.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone wp-image-57894 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/beco-300x156.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/beco-300x156.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/beco.jpg 578w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"156\" \/><\/a>\u00a0<a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/syl.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-58055 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/syl.jpg\" alt=\"\" width=\"228\" height=\"221\" \/><\/a>\u00a0<a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58054 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-300x111.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-300x111.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-768x285.jpg 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-696x258.jpg 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell.jpg 850w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"111\" \/><\/a>\u00a0<a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58053 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-252x300.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 252px) 100vw, 252px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-252x300.jpg 252w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-353x420.jpg 353w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1.jpg 450w\" alt=\"\" width=\"252\" height=\"300\" \/><\/a>\u00a0<a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/hormuud-logo.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-58052 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/hormuud-logo.png\" alt=\"\" width=\"251\" height=\"201\" \/><\/a>\u00a0<a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58051 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj-300x38.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj-300x38.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj.jpg 468w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"38\" \/><\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58050 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-300x91.png\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-300x91.png 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-768x232.png 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1024x309.png 1024w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-696x210.png 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1392x420.png 1392w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1068x323.png 1068w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1391x420.png 1391w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom.png 1722w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"91\" \/><\/a><\/div>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Alle ha u naxariistte waxaa Magaalada London ee dalka Ingiriiska ku geeriyooday AUN Ra&#8217;iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya AUN Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) oo beryahaan ku xanuunsanaa Isbitaal ku yaalla Magaalada London. Geerida marxuumka ayaa waxaa warbaahinta u xaqiijiyay wiilkiisa Xaaji Maxamed Nuur Xasan oo sheegay in marxuumka uu dhawaanahan u xanuunsanaa caabuqa uu [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":64205,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3],"tags":[],"class_list":["post-64204","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/64204","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=64204"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/64204\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":64212,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/64204\/revisions\/64212"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/64205"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=64204"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=64204"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=64204"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}