{"id":6405,"date":"2012-05-22T10:31:50","date_gmt":"2012-05-22T10:31:50","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=6405"},"modified":"2012-05-22T10:31:50","modified_gmt":"2012-05-22T10:31:50","slug":"dowladda-itoobiya-oo-sheegtay-inay-sii-xoojin-doonto-dagaalkey-kula-jiraan-xarakada-al-shabaab","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2012\/05\/dowladda-itoobiya-oo-sheegtay-inay-sii-xoojin-doonto-dagaalkey-kula-jiraan-xarakada-al-shabaab\/","title":{"rendered":"Dowladda Itoobiya oo sheegtay inay sii xoojin Doonto dagaalkey kula jiraan Xarakada Al-shabaab."},"content":{"rendered":"<div>\n<p><span style=\"color: #0000ff;\"><a class=\"highslide\" onclick=\"return vz.expand(this)\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2012\/05\/melez-300x199.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-thumbnail wp-image-6407\" title=\"melez-300x199\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2012\/05\/melez-300x199-150x150.jpg\" alt=\"\" width=\"150\" height=\"150\" \/><\/a>SHABAKADA WARARKA WARSOM.COM<\/span><\/p>\n<p>Ra\u2019isul Wasaaraha Itoobiya Meles Zenawi ayaa sheegay in ciidamadiisu ay kordhin doonaan dagaalka ay kula jiraan xoogaga Al-shabaab oo weli dhul balaaran kaga sugan Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.<\/p>\n<\/div>\n<p>Meles ayaa hadalkan sheegay ka dib kulamo uu Addis Ababa kula yeeshay Madaxda dowladda KMG Soomaaliya, isagoo sheegay in ciidamadiisu ay joogayaan Soomaaliya inta laga guuleysanayo Xarakada Al-shabaab oo uu ku tilmaamay kuwo khatar ku ah dalalka gobolka oo dhan.<\/p>\n<p>&#8220;Waxaa naga go\u2019an inaan xoojino dagaalada aan kula jirno Al-shabaab&#8221; ayuu yiri Ra\u2019isul wasaaraha Itoobiya oo sheegay in ciidamadiisa ay aqoon wanaagsan u leeyihiin sida looga dagaalamo kooxaha aan nabadda dooneyn sida uu hadalka u dhigay, wuxuuna intaasi ku daray in ciidamadiisa ku sugan Soomaaliya ay guulo la taaban karo ka gaareen dagaaladii ay la galeen Al-shabaab tan iyo markii ay Soomaaliya dib ugu laabteen.<\/p>\n<p>&#8220;Ciidamadeenu waxay Al-shabaab ka saareen dhul balaaran, waxaana rajeynaynaa in dhawaan aan dhul kale ka qabsano&#8221; ayuu yiri Zenawi oo sheegay inay howsha ay ka wadaan Soomaaliya ay qeyb ka tahay sida uu yiri howlgal ay ku caawinayaan dowlada KMG Soomaaliya.<\/p>\n<p>Ra\u2019isul wasaaraha Itoobiya ayaa hadalkiisan wuxuu ku soo beegay xilli uu horay u sheegay in ciidamadiisa ay ka baxayaan gebi ahaanba dalka Soomaaliya dhamaadkii bishii April ee aynu soo dhaafnay, iyadoo aan la ogeyn sababta keentay in ciidamadoodu ay ku sii jiraan dalka Soomaaliya, balse loo maleynayo inay ku joogaan cadaadis kaga yimid beesha caalamka oo looga dalbaday inaysan ka bixin Soomaaliya oo ay sii joogaan.<\/p>\n<p>Xafiiska Wararka Warsom.com<br \/>\nMuqdisho,Somaliya.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>SHABAKADA WARARKA WARSOM.COM Ra\u2019isul Wasaaraha Itoobiya Meles Zenawi ayaa sheegay in ciidamadiisu ay kordhin doonaan dagaalka ay kula jiraan xoogaga Al-shabaab oo weli dhul balaaran kaga sugan Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. Meles ayaa hadalkan sheegay ka dib kulamo uu Addis Ababa kula yeeshay Madaxda dowladda KMG Soomaaliya, isagoo sheegay in ciidamadiisu ay joogayaan Soomaaliya inta [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":0,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3],"tags":[49],"class_list":["post-6405","post","type-post","status-publish","format-standard","hentry","category-wararka","tag-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/6405","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=6405"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/6405\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":6408,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/6405\/revisions\/6408"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=6405"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=6405"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=6405"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}