{"id":63952,"date":"2020-03-17T22:43:36","date_gmt":"2020-03-17T19:43:36","guid":{"rendered":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=63952"},"modified":"2020-03-18T04:09:35","modified_gmt":"2020-03-18T01:09:35","slug":"63952","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2020\/03\/63952\/","title":{"rendered":"Maamulka Somaliland Oo Joojisay Duulimaadyada Kaga Imaan Jiray Dalal Dhowr Ah."},"content":{"rendered":"<p>Maamulka Somaliland ayaa Maanta joojisay duulimaadyada ka imanaya qaar ka mid ah waddamada laga helay cudurka Coronavirus.<\/p>\n<p>War-saxaafadeed kasoo baxay guddi Somaliland u xil saartay u diyaargarowga la dagaalanka cudurka Coronavirus ayaa sheegay in la joojiyay muddo afar todobaad ah oo ka bilaabmaysa 19-ka bisha March dhamaan duulimaadyada ka imanaya dalalka xaladoodu ay khatarta tahay, kuwaasi oo laga xusay dalalka <strong>Shiinaha, Talyaaniga, Iiraan, Faransiiska, Spain, Koonfur Kuuriya, Kenya iyo Soomaaliya.<\/strong><\/p>\n<p>Waxaa kale oo qoraalka lagu sheegay inay Somaliland ay la socon doonto duulimaadyada ka imanaya wadamada nidaamkooda caafimaad la isku halayn karo, kuwaasi oo rakaabka ka imanaya xaaladooda caafimaad sida la sheegay lala socon doono islamarkaana lagu samayn doono baadhis dhamaystiran, iyadoo dadweynahana loogu baaqayn inay ka baaqsadaan wixii safar ah ee aan muhiim ahayn.<\/p>\n<p>Dhinaca kalena, war-saxafadeed ay soo saareen guddida u diyaargarowga iyo ka hortaga xanuunka Coronavirus ee Somaliland ayay ku shaaciyeen go\u2019aano la xidhiidha sida looga taxadarayo xanuunkan, kuwaasi oo saamaynaya dhinacydaa <strong>Waxbarashada, xarumaha caafimaadka iyo shaqaalahooda, masaajidada, socdaalka iyo waliba isu imaatinka bulshada<\/strong>.<\/p>\n<p>War-saxaafadeedkan oo maanta soo baxay ayaa lagu sheegay in dhamaan xarumaha caafimaadka sida cusbitaalada, shaybaadhadda iyo waliba shaqaalahooda ay wasaarada caafimaadka ee Somaliland adeegsan karto marka ay u baahato, iyadoo sidoo kale lagu mamnuucay in Somaliland laga saaro agabka caafimaadka.<\/p>\n<p>Dhinaca waxbrashada ayaa lagu sheegay in dhamaan goobaha waxbarashada kuwa ay dawladu gacanta ku hayso iyo kuwa gaarka loo leeyahayba marka laga reebo kuwa dawlada oo si gaar ah loola soconayo la xidhi doono muddo afar todobaad ah oo ka bilaabmaysa 19-ka bishan March.<\/p>\n<p>Sidoo kale waxa la amray dhamaan imaamyada iyo mu\u2019adiniinta masaajidada in ay salaadaha faralka ah ku soo koobaan muddo aan ka badnayn 25 daqiiqo ah islamarkaana musqulaha iyo goobaha lagu weyso qaato ay xidhnaan doonaan muddo afar todobaad ah, iyadoo dadweynahana la faray inay guryahooda iyo meheradahooda ay ku soo weyso qaataan.<\/p>\n<p>Qodobadan ayaa soo baxay maalin kadib markii madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi uu warbaahinta uga warbixiyay sida ay ugu diyaaroobeen xanuunkan oo dunida ku faafaya, isagoo sidoo kalena maanta booqday xarumaha ciidamada oo uu iyagan akala dardaarmay sidii ay uga feejinaan lahaayeen.<\/p>\n<p><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/beco.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone wp-image-57894 td-animation-stack-type1-2\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/beco-300x156.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/beco-300x156.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/beco.jpg 578w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"156\" \/><\/a>\u00a0<a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/syl.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-58055 td-animation-stack-type1-2\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/syl.jpg\" alt=\"\" width=\"228\" height=\"221\" \/><\/a>\u00a0<a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58054 td-animation-stack-type1-2\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-300x111.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-300x111.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-768x285.jpg 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-696x258.jpg 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell.jpg 850w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"111\" \/><\/a>\u00a0<a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58053 td-animation-stack-type1-2\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-252x300.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 252px) 100vw, 252px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-252x300.jpg 252w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-353x420.jpg 353w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1.jpg 450w\" alt=\"\" width=\"252\" height=\"300\" \/><\/a>\u00a0<a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/hormuud-logo.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-58052 td-animation-stack-type1-2\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/hormuud-logo.png\" alt=\"\" width=\"251\" height=\"201\" \/><\/a>\u00a0<a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58051 td-animation-stack-type1-2\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj-300x38.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj-300x38.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj.jpg 468w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"38\" \/><\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58050 td-animation-stack-type1-2\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-300x91.png\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-300x91.png 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-768x232.png 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1024x309.png 1024w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-696x210.png 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1392x420.png 1392w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1068x323.png 1068w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1391x420.png 1391w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom.png 1722w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"91\" \/><\/a><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Maamulka Somaliland ayaa Maanta joojisay duulimaadyada ka imanaya qaar ka mid ah waddamada laga helay cudurka Coronavirus. War-saxaafadeed kasoo baxay guddi Somaliland u xil saartay u diyaargarowga la dagaalanka cudurka Coronavirus ayaa sheegay in la joojiyay muddo afar todobaad ah oo ka bilaabmaysa 19-ka bisha March dhamaan duulimaadyada ka imanaya dalalka xaladoodu ay khatarta tahay, [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":63953,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3],"tags":[],"class_list":["post-63952","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/63952","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=63952"}],"version-history":[{"count":4,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/63952\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":63967,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/63952\/revisions\/63967"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/63953"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=63952"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=63952"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=63952"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}