{"id":63628,"date":"2020-03-08T19:45:42","date_gmt":"2020-03-08T16:45:42","guid":{"rendered":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=63628"},"modified":"2020-03-08T20:16:58","modified_gmt":"2020-03-08T17:16:58","slug":"q-m-oo-bogaadisay-dowrka-haweenka-ay-ma-cayaareen-horumarka-dalkooda","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2020\/03\/q-m-oo-bogaadisay-dowrka-haweenka-ay-ma-cayaareen-horumarka-dalkooda\/","title":{"rendered":"Q\/M Oo Bogaadisay Dowrka Haweenka Ay Ka Cayaareen Horumarka Dalkooda."},"content":{"rendered":"<p>Qaramada Midoobay ayaa bogaadisay dowrka haweenka Soomaaliyeed ay ka cayaareen horumarka dalkooda, waxayna sidoo kale dhiirrigelineysaa dadaallo ballaaran oo lagu xaqiijinayo ka-qeybgalkooda dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed.<\/p>\n<p>\u201cHaweenka Soomaaliyeed waxay waxqabad muhiim ah ka geysteen dib-u-dhiska Soomaaliya oo iyadu kusii socota tubta nabadda iyo xasilloonida\u201d ayuu yiri Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya, James Swan.<\/p>\n<p>Hal-kudhigga sanadkan ee Maalinta Caalamiga ah ee Haweenka ayaa ah \u2018Waxaan ahay Jiilka Sinaanta: Xaqiijinta Xuquuqda Haweenka.\u2019 Ka-hor doorashada Soomaaliya ee soo socota ee qof-iyo-codka\u2019 ah.<\/p>\n<p>\u201cWaxay muujiyeen geesinimo aad u weyn, adkeysi iyo dadaal iyagoo wajahaya caqabado badan, oo ay ku jiraan colaado daba-dheeraaday, amni darro, musiibooyin dabiici ah iyo xasillooni darro siyaasadeed.\u201dayuu sii raaciyay hadalkiisa James Swan.<\/p>\n<p>\u201cNasiib darro, doodaha amniga ee khuseeya haweenka ayaa inta badan ku tilmaama inay yihiin dhibanayaal waana yartahay in lagu tilaamo inay yihiin wakiilo firfircoon oo muhiim u ah hagaajinta xaaladda amni ee naftooda iyo dadka kaleba. Waa in arrinkaas is-bedelo,\u201d ayuu raaciyay.<\/p>\n<p>Qaramada Midoobay waxay sidoo kale dhiirrigelinaysa dadaalka dardadrgelinta leh ee madaxda qaranka ku bixinayaan Hindise-Sahrciyeedka Xadgudubka Jinsiga ee qabyada ah iyo Hindise-Sharciyeedka Gudniinka Gabdhaha, oo asaas u ah ilaalinta xuquuqda haweenka ku nool Soomaaliya.<\/p>\n<p>\u201cIn haweenku si siman u helaan xuquuqda, fursadaha iyo ka-qaybgalka waa astaan muhiim u ah xaqiijinta ajandaha horumarinta qaran ee Soomaaliya,\u201d ayuu yiri Md. Swan.<\/p>\n<p>\u201cTaas waxay ku imaan kartaa oo kaliya tallaab wadareed ay qaadaan dhamaan dadka, oo ay ku jiraan dadka talada haya.\u201d ayuu hadalkiisa raaciyey Swan.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Qaramada Midoobay ayaa bogaadisay dowrka haweenka Soomaaliyeed ay ka cayaareen horumarka dalkooda, waxayna sidoo kale dhiirrigelineysaa dadaallo ballaaran oo lagu xaqiijinayo ka-qeybgalkooda dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed. \u201cHaweenka Soomaaliyeed waxay waxqabad muhiim ah ka geysteen dib-u-dhiska Soomaaliya oo iyadu kusii socota tubta nabadda iyo xasilloonida\u201d ayuu yiri Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":63629,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3],"tags":[],"class_list":["post-63628","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/63628","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=63628"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/63628\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":63645,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/63628\/revisions\/63645"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/63629"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=63628"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=63628"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=63628"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}