{"id":63513,"date":"2020-03-03T22:08:26","date_gmt":"2020-03-03T19:08:26","guid":{"rendered":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=63513"},"modified":"2020-03-03T23:55:20","modified_gmt":"2020-03-03T20:55:20","slug":"laanta-afka-soomaaliga-ee-bbc-oo-loo-magacaabey-masuul-cusub","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2020\/03\/laanta-afka-soomaaliga-ee-bbc-oo-loo-magacaabey-masuul-cusub\/","title":{"rendered":"Laanta Afka Soomaaliga ee BBC oo Loo Magacaabey Masuul Cusub."},"content":{"rendered":"<div align=\"justify\">Suxufiga Soomaaliyeed ee \u00a0Muhyadin Ahmed Roble ayaa loo magacaabay madaxa laanta Af-Soomaaliga ee BBC, kaddib markii u soo dhammaaday tartan adag oo saxafiyiin dhowr ah u galeen booskaas oo muddo dhowr bilood ah ka bannaanaa Idaacadda.<\/div>\n<div align=\"justify\"><\/div>\n<div align=\"justify\">Muhyadin Roble, oo shantii sano ee la soo dhaafay madax ka ahaa Idacaada Ergo ee Qaramada Midoobay, ayaa noqonaya tifatirihii ugu da\u2019da yaraa uguna horreeyay oo laga qaato meel ka baxsan BBC, iyadoo madaxdii ka horeysay laga soo dhex xushay shaqaalaha Idaacadda, wuxuuna sheegay \u00a0inuu ku faraxsanayahay shaqada cusub ee BBC.<\/div>\n<div align=\"justify\">&#8220;Sharaf weyn ayay ii tahay inaan hoggaamiyo Laanta Soomaaliga ee BBC, taas oo ah il-wareedka ugu muhiimsan oo ay ugu kalsoonida badan yihiin Soomaalida gobolka iyo qurbaha intaba\u201d Ayuu yiri Muhyadin oo shaqada billaabi doona bartamaha bishan.<\/div>\n<div align=\"justify\"><\/div>\n<div align=\"justify\">Suxufiyiinta Soomaaliyeed ayaa iyaguna soo dhaweeyay magacaabistiisa, waxayna sheegeen in BBC ay heshay shakhsi ku habboon. &#8220;Waa nin dhallinyaro ah oo howl kar ah oo jecel aqoonta iyo xirfadleyaasha warbaahinta , waxaana hubaa inuu ka soo bixi doono shaqadaas baaxadda leh, isbadal iyo horumarin weyn inuu ku sameyn doono BBC ayaan aaminsanahay&#8221; ayuu yiri Ustaad C\/qaadir Maxamed Mursal oo madax ka ahaa Idacaada Ergo \u00a0xilligii uu Muhyadin Roble ka mid ahaa shaqaalaheeda saxaafada Soomaaliyeedna ku jiray in ka badan afartan sano.<\/div>\n<div align=\"justify\"><\/div>\n<div align=\"justify\">&#8220;BBC Somali waxay heshay tifaftiraha aad wanaagsan. Muddo 13 sanadood ah ayaan nahay saaxiibbo isku dhow, sanado badanna shaqo wadaag ayaan aheyn, waxaan ogahay halganka uu u galay inuu qof ahaan iyo xirfad ahaan is horumariyo, aqoontiisa inuu dhiso, mihnadda aan wadaagno ee warbaahinta uu wax weyn ku soo kordhiyo&#8221; Ayuu Abdirahman Taysiir isna ku soo qoray bartiisa Facebook.<\/div>\n<div align=\"justify\"><\/div>\n<div align=\"justify\">Muhyadin sidoo kale waa tababare saxaafadeed, cilmibaare iyo falanqeeye siyaasadeed oo la shaqeeyay Machadka Rift Valley Institute iyo Hay\u2019adda Jamestown Foundation. Waa falanqeeye kasoo muuqday shaashadaha Caalamiga ah sida AlJazeera, CBC, France 24, VOA, iyo kuwa kale.<\/div>\n<div align=\"justify\"><\/div>\n<div align=\"justify\">\u00a0Wuxuu ka qalinjebiyay Jaamacadda Mareykanka ee United States International University (USIU) oo ka qaatay shahaadada masters ka oo ah xiriirka caalamiga, siyaasada arrimaha dibeda, iyo diblumaasiyada. Isla Jaamacaddaas ayuu ka heystaa Bachelor\u2019s degree oo saxaafada ah.<\/div>\n<div align=\"justify\"><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/beco.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone wp-image-57894 td-animation-stack-type1-2\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/beco-300x156.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/beco-300x156.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/beco.jpg 578w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"156\" \/><\/a>\u00a0<a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/syl.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-58055 td-animation-stack-type1-2\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/syl.jpg\" alt=\"\" width=\"228\" height=\"221\" \/><\/a>\u00a0<a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58054 td-animation-stack-type1-2\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-300x111.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-300x111.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-768x285.jpg 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-696x258.jpg 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell.jpg 850w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"111\" \/><\/a>\u00a0<a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58053 td-animation-stack-type1-2\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-252x300.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 252px) 100vw, 252px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-252x300.jpg 252w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-353x420.jpg 353w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1.jpg 450w\" alt=\"\" width=\"252\" height=\"300\" \/><\/a>\u00a0<a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/hormuud-logo.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-58052 td-animation-stack-type1-2\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/hormuud-logo.png\" alt=\"\" width=\"251\" height=\"201\" \/><\/a>\u00a0<a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58051 td-animation-stack-type1-2\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj-300x38.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj-300x38.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj.jpg 468w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"38\" \/><\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58050 td-animation-stack-type1-2\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-300x91.png\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-300x91.png 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-768x232.png 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1024x309.png 1024w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-696x210.png 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1392x420.png 1392w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1068x323.png 1068w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1391x420.png 1391w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom.png 1722w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"91\" \/><\/a><\/div>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Suxufiga Soomaaliyeed ee \u00a0Muhyadin Ahmed Roble ayaa loo magacaabay madaxa laanta Af-Soomaaliga ee BBC, kaddib markii u soo dhammaaday tartan adag oo saxafiyiin dhowr ah u galeen booskaas oo muddo dhowr bilood ah ka bannaanaa Idaacadda. Muhyadin Roble, oo shantii sano ee la soo dhaafay madax ka ahaa Idacaada Ergo ee Qaramada Midoobay, ayaa noqonaya [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":63514,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3],"tags":[],"class_list":["post-63513","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/63513","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=63513"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/63513\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":63526,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/63513\/revisions\/63526"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/63514"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=63513"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=63513"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=63513"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}