{"id":63382,"date":"2020-02-28T02:48:04","date_gmt":"2020-02-27T23:48:04","guid":{"rendered":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=63382"},"modified":"2020-02-28T03:06:23","modified_gmt":"2020-02-28T00:06:23","slug":"is-fahamwaagii-u-dhaxeeyey-dawladda-iyo-mucaaradka-somaliland-oo-la-xaliyey","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2020\/02\/is-fahamwaagii-u-dhaxeeyey-dawladda-iyo-mucaaradka-somaliland-oo-la-xaliyey\/","title":{"rendered":"Is Fahamwaagii U Dhaxeeyey Dawladda iyo Mucaaradka Somaliland oo La Xaliyey."},"content":{"rendered":"<div align=\"justify\">\n<p>Madaxweynaha Somaliland, ahna gudoomiyaha xisbiga kulmiye Muuse Biixi iyo gudoomiyeyaasha labadda xisbi mucaarad WADANI iyo UCID ayaa heshiis rasmi ah ka gaadhay dooddii ay axsaabta mucaaridka ahi ka qabeen guddida cusub ee doorashooyinka qaranka iyo qabsoomidda doorashooyinka goleyaasha wakiillada iyo deegaanka.<\/p>\n<div class=\"inline-ad\">\n<div><\/div>\n<\/div>\n<p>Shir saaka ka dhacay xarunta madaxtooyada, waxa ku kulmay madaxweyne Biixi, guddoomiyeyaasha xisbiyada UCID iyo WADDANI, Eng. Faysal Cali-waraabe iyo Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) iyo xubno ka socday beesha caalamka.<\/p>\n<p>Madaxweynaha iyo labada xisbi mucaarad ayaa ku heshiiyey in guddidii hore ee doorashooyinka iyo guddidan cusub ee doorashooyinku isla shaqeeyaan oo guddidii hore noqoto gudida farsamada ee doorashada qabanaysa, waxaana loo kala sameeyey xeerarkii ay ku kala shaqayn lahaayeen iyo mid walba waxay qaban doonto.<\/p>\n<p>Heshiiska ay madaxweyne Biixi iyo hoggaanka Axsaabta mucaaridka ahi kala saxeexdeen, ayaa u qornaa sidan:<\/p>\n<\/div>\n<div align=\"justify\"><\/div>\n<div align=\"justify\"><b>Qodobka 1aad<\/b><b>:<\/b><\/div>\n<div align=\"justify\"><b><\/b><br \/>\nUjeedada heshiishka waa in la dajiyo hanaan wada shaqayneed oo ay yeeshaan dhamaan dhinacyada oo ay ka mid tahay nidaamka xalinta khilfaafka si loo qabto doorashooyinka goleyaasha deegaanka iyo wakiilada sanadka 2020<b>Qodobka 2aad: waajibaadka iyo masuuliyada qabasahda doorashooyinka goleyaasha deegaanka iyo golaha wakiilada.<\/b>1.\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0 guddida doorashooyinka qaranku waxay leeyihiin awood sharci ee doorashooyinka goleyaasha deegaanka iyo golaha wakiilada, waxaanay u igmanayaan guddida farsamada maamulka doorashooyinka dhamaan qabasahda hawlaha farsamo ee doorashooyinka si waafaqsan xeerarka iyo qawaaniinta doorashooyinka dalka sida:<br \/>\n2.\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0 Xeerka doorashooyinka golayaasha deegaanka iyo madaxtooyadu, xeer lr 20\/2001 oo uu wehelinayo kaabista iyo wax ka bedelka lagu sameeyo xeerka 2011.<br \/>\n3.\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0 Xeerka doorashada golaha wakiilada xeer lr 20-2\/2005<br \/>\n4.\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0 Xeerka diirwaangalinta codbixiyeyaasha, xeer lr 37\/2007 oo uu wehelinayo kaabistii iyo wax ka bedelkii lagu sameeyey 2014 iyo 2016<br \/>\n5.\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0 Xeerka anshaxa asxaabta qaranka 2017<br \/>\n6.\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0 Xeerka anshaxa saxaafadda 2017<br \/>\n7.\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0 Xeerka anshaxa xisbiyada siyaasada ee hannaanka diiwaangalinta codbixiyeyaasha 2009.<\/p>\n<p><b>Qodobka 3aad:Waajibaadka iyo masuuliyada xubnaha gudida doorashooyinka qaranka<\/b><\/p>\n<p>Si guddida farsamada maamulka doorashadu ugu diyaar garoobaan shaqadooda, guddida doorashooyinka qaranku waxay ka masuul yihiin u gudbinta xukuumada ee miisaaniyada doorashooyinka, magacaabista, caydhinta, xulashada iyo anshaxmarinta shaqaalaha iyo ku dhawaaqida taariikhda doorashada iyo natiijooyinka doorashooyinka.<\/p>\n<p><b>Qodobka 4aad:Xubnaha gudida farsamada maamulka doorashada<\/b><\/p>\n<p>Xubnaha guddida farsamada maamulka doorashadu waxa ay ka koobnaan doonaan.<\/p>\n<p>1.\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0 Xubnihii hore ee gudid doorashooyinka qaranka (7xubnood) oo ah xubno cod leh.<\/p>\n<\/div>\n<div align=\"justify\">2.\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0 Saddex xubnood oo ka socda bulshadda caalamka (sadex xubnood) oo xubno aan cod lahayn.<\/div>\n<div align=\"justify\"><\/div>\n<div align=\"justify\">\n<p>Sarkaalka u sareeay iyo ku xigeenka guddida farsamada maamulka doorashada waxa laga dhex dooran doona xubnaha codka leh ee guddida farsamda.<\/p>\n<p><b>Qodobka 5aad:Waajibaadka iyo masuuliyada gaarka ah ee guddida farsadama maamulka doorashada<\/b><\/p>\n<p>Waajibaadka iyo masuuliyada gaarka ah ee guddida farsamda maamulka doorashada ee ay qayb ka mid ah waajibaadkooda iyo masuuliyadooda ku xusan qodobada 14-15 ee xeerarka doorashooyinka goleyaasha deegaanka iyo madaxtooyada ee xeer lr.20\/2001 o ay wakiisheen guddida doorashooyinka qaranku waa sidan soo socoto:<\/p>\n<p>1.\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0 Socod siinta hawl maalmeedka qabashada doorashooyinka goleyaasha deeganka iyo golaha wakiilada.<br \/>\n2.\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0 Diyaarinta miisaaniyada lagu maamulayo hawlaha doorashooyinka iyo u gudbinta guddida doorashooyinka qaranka iyo usoo diyaarinta qabyo qoraalka xisaabaha sadexda bilood ah guddida doorashooyinka qaranka si ay ugu gudbiyaan xisaabiyaha guud ee qaranka.<br \/>\n3.\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0 Soo diyaarinta taariikhda la qaban karo doorashooyinka iyo u gudbinta gudida doorashooyina qaranka si ay guddida doorashooyinka qaranka soo jeedinta maalinta doorashad ugu gudbiyaan madaxweynaha, si uu ugu soo saaro wareegto madaxweyne.<br \/>\n4.\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0 Diiwaangalinta codbixiyeyaasha ka hor taariikhda doorasdhada.<br \/>\n5.\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0 Samaynta daraasado la xidhiidha goobaha codbixinta, qoon deynta tiradaiyo goobaha codbxiinta degmooyinka iyo gobolada.<br \/>\n6.\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0 Diyaarinta magacaabista, caydhinta ama anshixinta shaqaalaha ee xarunta dhexe iyo xafiisyada doorashooynka ee degmooyinka iyo gobolada.<br \/>\n7.\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0 Hubinta goobaha codbxinta iyo goobaha kale ee la xidhiidha masuuliyadaooda ee laga xusho hab bakhtiyaa nasiib ah iyo hab qorsheyn intaba.<br \/>\n8.\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0 Ka garnaqista iyo dhexdhexaadinta khilaafaadka la xidhiidha doorahsooyinka, kuwaas oo saraakiisha doorashooyinka ee kala duwan usoo gudbiyaan.<br \/>\n9.\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0 Curinta shuruucda, siyaasadaha iyo xeerarka anshaxmarinta doorashooyinka ee xisbiyada siyaasadu iyo saxaafadda.<br \/>\n10.\u00a0\u00a0 In ay ahaadaan masuuliyiinta ay la xidhiidayaan dhamaan daneeyeyaasha doorashoooyinka oo ay ka mid yihiin bulshada caalamka, hay\u2019adaha fulinta, bulshada rayidka ah iyo in ay taageeraan ciidanka amaanka.<br \/>\n11.\u00a0\u00a0 Isku gaynta natiijooyinka doorashooyinka ee degmooyinka iyo goblada iyo u dubinta guddida doorashooyinka si ay ugu dhawaaqaan natiijadaas ka hor inta aanay maxkamadu sare ansixin.<br \/>\n12.\u00a0\u00a0 Mudada xilka guddida farsamada maamulka doorashooinku waxay ku eeg tahay maalinta ay maxkamadda sare ku dhowaaqdo natiijada doorashooyinka.<\/p>\n<p><b>Qodobka 6aad:Xallinta khilaafaadka<\/b><\/p>\n<p>Khilaaf kasta oo ka yimaada ama la xidhiidha heshiish ama wax ka bedelkiisa ama fasiraadiisa waxa ka garnaqaya, xalna ka gaadhaysa maxkamada sare, muddo 14 cisho gudahood, go\u2019aanka ay gaadho maxkamada sare waa go\u2019aan kama dambays ah, waxaanu waajib ku yahay fulintiisa dhamaan dhinacyada , iyaga oo aan lahayn wax xaquuq racfaan ah.<\/p>\n<p><b>Qodobka 7aad: Sharciga lagu dhaqayo iyo luuqada rasmiga ah ee heshiishka<\/b><\/p>\n<p>Sharcigan waxa loo fasirayaa loona fulinaya si waafaqsan xeerarka Somaliland.<\/p>\n<p><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/beco.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone wp-image-57894 td-animation-stack-type1-2\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/beco-300x156.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/beco-300x156.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/beco.jpg 578w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"156\" \/><\/a>\u00a0<a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/syl.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-58055 td-animation-stack-type1-2\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/syl.jpg\" alt=\"\" width=\"228\" height=\"221\" \/><\/a>\u00a0<a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58054 td-animation-stack-type1-2\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-300x111.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-300x111.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-768x285.jpg 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-696x258.jpg 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell.jpg 850w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"111\" \/><\/a>\u00a0<a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58053 td-animation-stack-type1-2\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-252x300.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 252px) 100vw, 252px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-252x300.jpg 252w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-353x420.jpg 353w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1.jpg 450w\" alt=\"\" width=\"252\" height=\"300\" \/><\/a>\u00a0<a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/hormuud-logo.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-58052 td-animation-stack-type1-2\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/hormuud-logo.png\" alt=\"\" width=\"251\" height=\"201\" \/><\/a>\u00a0<a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58051 td-animation-stack-type1-2\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj-300x38.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj-300x38.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj.jpg 468w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"38\" \/><\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58050 td-animation-stack-type1-2\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-300x91.png\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-300x91.png 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-768x232.png 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1024x309.png 1024w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-696x210.png 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1392x420.png 1392w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1068x323.png 1068w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1391x420.png 1391w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom.png 1722w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"91\" \/><\/a><\/p>\n<\/div>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Madaxweynaha Somaliland, ahna gudoomiyaha xisbiga kulmiye Muuse Biixi iyo gudoomiyeyaasha labadda xisbi mucaarad WADANI iyo UCID ayaa heshiis rasmi ah ka gaadhay dooddii ay axsaabta mucaaridka ahi ka qabeen guddida cusub ee doorashooyinka qaranka iyo qabsoomidda doorashooyinka goleyaasha wakiillada iyo deegaanka. Shir saaka ka dhacay xarunta madaxtooyada, waxa ku kulmay madaxweyne Biixi, guddoomiyeyaasha xisbiyada UCID [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":63383,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3],"tags":[],"class_list":["post-63382","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/63382","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=63382"}],"version-history":[{"count":3,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/63382\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":63392,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/63382\/revisions\/63392"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/63383"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=63382"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=63382"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=63382"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}