{"id":6312,"date":"2012-05-20T08:52:23","date_gmt":"2012-05-20T08:52:23","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=6312"},"modified":"2012-05-21T06:33:54","modified_gmt":"2012-05-21T06:33:54","slug":"dowladda-kmg-oo-sheegtay-in-shirka-odayaasha-dhaqanka-uu-qarka-u-saaranyahay-inuu-burburo","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2012\/05\/dowladda-kmg-oo-sheegtay-in-shirka-odayaasha-dhaqanka-uu-qarka-u-saaranyahay-inuu-burburo\/","title":{"rendered":"Dowladda KMG oo sheegtay in shirka odayaasha dhaqanka uu qarka u saaranyahay inuu burburo."},"content":{"rendered":"<h2><a class=\"highslide\" onclick=\"return vz.expand(this)\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2012\/05\/xarunta-shirka.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-thumbnail wp-image-6313\" title=\"xarunta-shirka\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2012\/05\/xarunta-shirka-150x150.jpg\" alt=\"\" width=\"150\" height=\"150\" \/><\/a><\/p>\n<div><span style=\"color: #0000ff;\"><em>SHABAKADA WARARKA WARSOM.COM<\/em><\/span><\/div>\n<\/h2>\n<p>Dowladda KMG Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay waxay shaaca ka qaaday in caqabad dhanka dhaqaaalaha uu soo wajahay shirka odayaasha dhaqanka ee Muqdisho ka socda, isla makaasna uu qarka u saaranyahay inuu shirkaasi burbur iyo fashil ku dhamaado haddii aan loo helin dhaqaale lagu fangareeyo.<\/p>\n<p>Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka xukuumadda KMG Soomaaliya C\/samad Macalin Maxamuud Sheekh Xasan Faarax oo kulamo la qaatay shalay qaar ka mid ah waxgaradka shirka ka qeybgalaya ayaa u sababeeyay dib u dhacyada ku yimid xilliyadii loogu talogalay soo xulitaanka ergada inay tahay dhaqaalo yari iyo gaabis ku yimid doorkii beesha caalamka ay ku laheyd shirka.<\/p>\n<p>Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka ayaa tilmaamay inaysan jirin dhaqaalo fara badan oo howlaha adag lagu xallin karo isagoo sheegay in arrimahaasi oo dhan loo xallinayo sidii loogu talo galay, sidoo kalena wasiirka ayaa ka warbixiyey halka uu marayo shirka odaydhaqameedyada uga soconayo magaalada Muqdisho iyo waxyaabaha u qabsoomay tan iyo markii uu furmay shirka, wuxuuna sheegay inay wax badan u qabsoomeen, laakiin hadda shirka uu soo wajahay dhaqaale yari, ayna ka cabsi qabaan in shirka uu u buburo dhaqaale yari darteed.<\/p>\n<p>Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka xukuumadda KMG Soomaaliya ayaa sheegay in maalmahan ay socdeen kulamo ay yeelanayeen odayaasha dhaqanka, wuxuuna intaasi ku daray in dhamaan odayaasha ka qeybgalaya shirka ee 135 ay joogaan waxaana uu tilmaamay in wejiga koowaad ee shirka laga gudbay loona gudbay sida uu yiri wejiga labaad ee shirka oo uu sheegay inuu ka bedelanyahay wejigii hore.<\/p>\n<p>Hadalka soo yeeray wasiirka arrimaha gudaha Xukuumadda KMG Soomaaliya ayaa waxa uu imaanayaa iyadoo dhawaan ergadii ka socotay maamulka Puntland ay shirka isaga baxeen ka dib markii ay sheegeen in dastuurka ay ku jiraan qodobo badan oo wax ka bedel u baahan, soo jeedintoodana dheg jalaq loo siin waayey, taas oo shirka ku keentay inuu tiro dhowr jeer ah dib u dhac uu ku yimaado.<\/p>\n<p>Xafiiska Warqabadka Warsom.com<br \/>\nMuqdisho,Soomaaliya.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>SHABAKADA WARARKA WARSOM.COM Dowladda KMG Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay waxay shaaca ka qaaday in caqabad dhanka dhaqaaalaha uu soo wajahay shirka odayaasha dhaqanka ee Muqdisho ka socda, isla makaasna uu qarka u saaranyahay inuu shirkaasi burbur iyo fashil ku dhamaado haddii aan loo helin dhaqaale lagu fangareeyo. Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka xukuumadda [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":0,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3],"tags":[49],"class_list":["post-6312","post","type-post","status-publish","format-standard","hentry","category-wararka","tag-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/6312","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=6312"}],"version-history":[{"count":6,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/6312\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":6353,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/6312\/revisions\/6353"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=6312"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=6312"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=6312"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}