{"id":62311,"date":"2020-01-14T19:29:24","date_gmt":"2020-01-14T16:29:24","guid":{"rendered":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=62311"},"modified":"2020-01-17T01:03:17","modified_gmt":"2020-01-16T22:03:17","slug":"nin-loo-ekeysiiyey-gabadh-oo-loo-aqal-geeyey-sheekh-caan-ka-ah-dalka-uganda","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2020\/01\/nin-loo-ekeysiiyey-gabadh-oo-loo-aqal-geeyey-sheekh-caan-ka-ah-dalka-uganda\/","title":{"rendered":"Nin Loo Ekeysiiyey Gabadh oo Loo Aqal Geeyey Sheekh Caan Ka Ah Dalka Uganda."},"content":{"rendered":"<div align=\"justify\">Imaam u dhashay waddanka Uganda, oo ka mid ah wadaaddada ugu caansan dalkaas ayaa xiriirka loo jaray ka dib markii &#8220;uu guursaday nin uu u maleynayay inuu yahay haweeney&#8221;, sida uu qoray wargeyska Daily Monitor.<\/div>\n<div align=\"justify\">\n<div class=\"inline-ad\">\n<div><\/div>\n<\/div>\n<p>Sheekh Maxamed Mutumba ayaa argagaxay markii uu ogaaday in qofka xijaabka xiran ee uu u heystay xaaskiisa uu yahay nin lagu magacaabo Richard Tumushabe.<\/p>\n<p>Wadaadkan, oo sida la sheegay la khiyaanay, ayaa u maleynayay inuu guursaday haweeney la yiraahdo Swabullah Nabukeera, sida uu faahfaahiyay wargeyska.<\/p>\n<p>Xogtan, oo sheekadeeda si weyn loo hadal hayay maalmihii lasoo dhaafay, ayaa lagu sheegay in khiyaanada shaaca laga qaaday ka dib markii ay boolisku xireen Tumushabe, oo lagu tuhmay inuu telefishin iyo dhar ka xaday guri daris la ah guriga cusub ee xaas ahaanta loo dajiyay.<\/p>\n<\/div>\n<div align=\"justify\">&#8220;Haweeney askariyad ah oo ka tirsan booliska oo howlahooda caadiga ah ku guda jira, ayaa baaritaan ku sameysay &#8220;qof dumar ah&#8221;, oo markii dambe xabsiga saldhigga la geeyay. Hase ahaatee waxaa la argagaxay markii baaritaanno dheeri ah lagu sameeyay oo la fahmay in qofkii dumarka loo maleynayay uu yahay nin isqarinayay&#8221;, sidaas waxaa yiri Mr Mugera, oo uu soo xigtay wargeyska.<\/div>\n<div align=\"justify\"><\/div>\n<div align=\"justify\"><img decoding=\"async\" id=\"imageuploader1_Image1\" src=\"https:\/\/www.hiiraan.com\/2020\/images\/Jan\/2020114637145937977328658.jpg\" \/><\/div>\n<div align=\"justify\"><\/div>\n<div align=\"justify\">Sheekh Mutunba &#8211; oo imaam ka ah masaajid ku yaalla xaafadda Kyampisi, oo qiyaastii 100km (62 miles) dhinaca waqooyi ka xigta magaalada caasimadda ah ee Kampala &#8211; ayuu wargeysku sheegay inuusan gogol la wadaagin qofka uu u heystay xaaskiisa cusub, ka dib markii ninka haweeneyda iskadhigayay uu u sheegay inuu caado qabo.<\/div>\n<div align=\"justify\"><\/div>\n<div align=\"justify\">\n<p>&#8220;Durbaba waxaan ninka la xiray kusoo oognay dacwado isugu jira, khiyaano muuqaal baddalis ah, tuugnimo iyo inuu si sharci darro ah qalab ku qaatay isagoo been ka sheegaya aqoonsigiisa saxda ah&#8221;, ayuu yiri Mr Mugera, oo lasoo xigtay.<\/p>\n<p>Wargeyska Daily Monitor ayaa soo tabiyay in Sheekh Abdul Noor Kakande, oo ah qaaddiga gobolka, uu dhacdadan ku tilmaamay mid nasiib darro ah, haddana baaritaanno lagu wado imaamka.<\/p>\n<\/div>\n<div align=\"justify\"><\/div>\n<div align=\"justify\">\u00a0<img decoding=\"async\" id=\"imageuploader1_Image1\" src=\"https:\/\/www.hiiraan.com\/2020\/images\/Jan\/2020114637145938320885619.jpg\" \/><\/div>\n<div align=\"justify\"><\/div>\n<div align=\"justify\">\n<p>Waxaa kale oo lagu soo warramay in Sheekh Isa Busuulwa, oo ah imaamka ugu weyn masjidka uu sheekh Mutunba khudbadaha ka jeedin jiray, uu sheegay in hadda xiriirka loo jaray wadaadkaas, iyadoo la dhowrayo sharafta muslimiinta iyo diinta Islaamka.<\/p>\n<p>Daily Monitor ayaa intaas ku daray in Sheekh Mutunba uusan gurigiisa tagin afartii maalmood ee lasoo dhaafay.<\/p>\n<p>&#8220;Aad buu ugu niyad jabay waxa dhacay, wuxuuna u baahan yahay in la talin loo sameeyo&#8221;, waxaa sidaas laga soo xigtay ilo-wareedyo aan la magaacin.<\/p>\n<p>Laakin ilaa iyo hadda lama sheegin cidda kale ee ku lugta lahayd dhacdadaas, ama suurtagalisay in sheekha nin loogu baddalo gabadhii uu guursanayay.<\/p>\n<p><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58050 td-animation-stack-type1-2\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-300x91.png\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-300x91.png 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-768x232.png 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1024x309.png 1024w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-696x210.png 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1392x420.png 1392w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1068x323.png 1068w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1391x420.png 1391w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom.png 1722w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"91\" \/><\/a>\u00a0<a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/syl.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-58055 td-animation-stack-type1-2\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/syl.jpg\" alt=\"\" width=\"228\" height=\"221\" \/><\/a>\u00a0<a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58054 td-animation-stack-type1-2\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-300x111.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-300x111.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-768x285.jpg 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-696x258.jpg 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell.jpg 850w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"111\" \/><\/a>\u00a0<a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58053 td-animation-stack-type1-2\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-252x300.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 252px) 100vw, 252px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-252x300.jpg 252w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-353x420.jpg 353w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1.jpg 450w\" alt=\"\" width=\"252\" height=\"300\" \/><\/a>\u00a0<a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/hormuud-logo.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-58052 td-animation-stack-type1-2\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/hormuud-logo.png\" alt=\"\" width=\"251\" height=\"201\" \/><\/a>\u00a0<a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58051 td-animation-stack-type1-2\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj-300x38.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj-300x38.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj.jpg 468w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"38\" \/><\/a><\/p>\n<\/div>\n<div align=\"justify\"><\/div>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Imaam u dhashay waddanka Uganda, oo ka mid ah wadaaddada ugu caansan dalkaas ayaa xiriirka loo jaray ka dib markii &#8220;uu guursaday nin uu u maleynayay inuu yahay haweeney&#8221;, sida uu qoray wargeyska Daily Monitor. Sheekh Maxamed Mutumba ayaa argagaxay markii uu ogaaday in qofka xijaabka xiran ee uu u heystay xaaskiisa uu yahay nin [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":62312,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3,36],"tags":[],"class_list":["post-62311","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka","category-wararka-caalamka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/62311","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=62311"}],"version-history":[{"count":3,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/62311\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":62358,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/62311\/revisions\/62358"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/62312"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=62311"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=62311"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=62311"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}